Warbixin Weerar Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo AMISOM ka tirsan

0
Wednesday February 24, 2016 - 12:02:41 in Wararka by
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Weerar Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo AMISOM ka tirsan

    Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulaahi Yuusuf Caloof ayaa ka warbixiyey weerar dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM weerarkaasi oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolkaasi Shabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulaahi Yuusuf Caloof ayaa ka warbixiyey weerar dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM weerarkaasi oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolkaasi Shabeelaha dhexe. Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolkaasi ayaa waxaa uu sheegay in Iska hor’imaad xoogan uu ka dhacay duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe wuxuuna tilmaamay in iska hor’maadkaasi uu geystay khasaarooyin iskugu Jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabdulaahi Yuusuf Calaaf Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe ay gacanta Ku hayaan dagaalyahanada Al Shabab isagoo hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ay wadaan qorshe Al Shabab looga Saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi wuxuuna carabka uu ku dhuftay in ay wadaan diyaar garowgii ugu danbeeyey ee Al Shabaab looga Saarayo deegaanada ay Joogaan

Inta badan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa Xiliyada qaar ka dhaca weeraro Al Shabaab ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Jooga Gobolkaasi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip