
Talyaaniga oo sheegay inay Soomaaliya kala shaqeyn doono Amniga iyo Hormarinta Dhaqaalaha.
Paolo Gentiloni Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Talyaaniga oo ka qeyb galay shirka Madasha 6-aad ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee ka socda Magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga ayaa sheegay in Dowladdiisu ay taageero siin doonto Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Talyaaniga uu Soomaaliya kala shaqeyn doono
arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Hormarinta Dhaqaalaha, isagoo sheegay
inTalyaaniga ay ka qeyb tahay Qorshe lagu dhisayo Ciidamada qalabka
sida ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxaa Taageero Dowladdo badan oo Caalamka ka jira, kuwaas oo doonaya in Soomaaliya ay mar kale dib ugu soo noqoto Wadadii Nabadda iyo Hormarka, iyadoo Talyaaniga Soomaaliya u balan qaaday Lacag dhan 20 Milayan oo Yuuro inay siin doonto.


0 



Talyaaniga oo sheegay inay Soomaaliya kala shaqeyn doono Amniga iyo Hormarinta Dhaqaalaha.
Paolo Gentiloni Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Talyaaniga oo ka qeyb galay shirka Madasha 6-aad ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee ka socda Magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga ayaa sheegay in Dowladdiisu ay taageero siin doonto Soomaaliya.