Madaxweyneyaasha Soomaaliya iy Turkiga oo kulan gaar ah ku yeeshay Istanbul

0
Wednesday February 24, 2016 - 10:16:43 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneyaasha Soomaaliya iy Turkiga oo kulan gaar ah ku yeeshay Istanbul

    Istanbul, 23 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Istanbul, 23 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, taageerada dhinaca dhaqaalaha,amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ee Turkiga uu siinaayo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu sheegay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis dhinaca tamarta ah, kaas oo wax weyn ka tari kara dhaqaalaha iyo maalgashiga Soomaaliya/

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatey Madaxa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Midowga Yurub, Neven Mimica, Agaasimaha Baanka Adduunka ugu qaabilsan Soomaaliya, Mrs Bella Bird, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield, iyo madax kale.

IMG 8631
IMG 8655
IMG 8611
IMG 8617
IMG 8786
IMG 8781
IMG 8782
IMG 8587


1px
©2016 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip