WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 24-KA FEBARAAYO 2016 -KA

0
Wednesday February 24, 2016 - 09:00:39 in Wararka by
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 24-KA FEBARAAYO 2016 -KA

    MADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY SHARCIGA SHARCIGA KA HORTAGA LACAG DHAQIDA IYO MAALGELINTA ARGAGIXISADA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ka hor taga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasoo dhowaan uu meel m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY SHARCIGA SHARCIGA KA HORTAGA LACAG DHAQIDA IYO MAALGELINTA ARGAGIXISADA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ka hor taga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasoo dhowaan uu meel mariyay Baarlama anka Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Goloyaasha Wasiirada iyo baarlamaanka ee dowla dda Soomaaliya.

Sharciga ka hortaga lacag dhaqidda (dhaqidda lacagaha been abuur ah ee doolarka) iyo maalgelinta Argagixisada ee uu Madaxweynuhu saxiixay waxa uu awood siinayaa bankiga dhexe ee dowladda, si ay u qaabeeyaan hanaanka maaliyeed ee dalka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maaliyeed ee dalka.

Shaqada uu bankiga qabanayo waxaa ka mid ah

In la hubiyo qofka lacagta soo diraya, si loo hubiyo cidda ay ku socoto lacagta, haddii uu shaki yi maado.

In la hubiyo wixii shaki gala iyo qaabka looga soo warbixiyo

In macluumaadka u qofka soo gudbiyo ee arrimaha lacagta ku saabsan la ogaado iyo

In uu sameeyo xarun loogu warbixiyo arrimaha dhaqaalaha

Bankiga dhexe waxa uu wadayaa dadaallada ku aadan hay’adaha dhanka dhaqaalaha ee dowladda iyo lana xoojiyo xirirada u bankiga la leeyahay hay’adaha kale ee dunida.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan meel mariyay sharcigan, kadib markii ay ka doodeen Xildhibaanada, waxaana sharcigan uu ka mid noqonayaa sharciyadii u dambeeyay ee uu Mad axweynuhu saxiixo, markii Baarlamaanka uu soo ansixiyay.

WASAARADDA CAAFIMAADKA OO AGAB JIIF GAARSIISAY ISBITAALO KU YAALA MUQDISHO

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa shalay agab ay ku jiftaan bukaanada u qabiyay afar isbitaal oo ku yaala magaa lada Muqdisho, kuwaasi oo kala ah Benaadir, Madiina, Keysaney, Deyniile iyo xarun caafimaad oo ku taala degmada Xamar Jajab, kana mid ah kuwa sida lacag la’anta ah ugu adeegyada caaf imaad u siiya bulshada, iyadoo deeqdaan ay ka timid hay’ad ka shqeysay dhanka gargaarka oo laga leeyahay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Saacid Muhana oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda deeqda keentay ayaa tilmaamay inay jogteenayaan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ay baahi weyn u qab een isbitaalada magaalada Muqdisho qaarkood, isagoo dowladda boqortooyada sacuudiga uga mahad celiyay sida ay marwaliba u garab taagantahay Ummadda Soomaaliyeed

Kaalmadaan la gaarsiiyay qaarka mid ah isbitaallada Muqdisho ayaa waxa weyn ka tari donto adeegyada caafimaad ee ay u hayaan bulshada, taasi oo dhiiri gelin u ah howlaha ay hay aan.

CIIDAMADA ITOOBIYA OO DEEGAANKA LEEGO BANDOW

KU SOO ROGAY

Wararka ka imaanaya Degaanka Leego ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM in deegaankaasi ay Bandaw ku soo rogeen.

Itoobiya

Bandawga ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Ciidamada Itoobiya halkaasi lagu weeraray, iyadoo weerarkaasi ayka dambeeyeen AlShabaab.

Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda ay magaalada Bandaw ku soo rogay, lamana oga xiliga uu ku eg yahay Bandowga ay ciidamada Itoobiya iclaamiyeen.

Dhanka kale Bandawga Leego lagu soo rogay ayaa la sheegayaa inuu bilaaban doono Koow iyo Tobanka Galabnimo kaas oo ku eg ilaa Waabiriga xiliga salaada Subax

XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBEY OO GAARAY BURUNDI

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban KiMoon ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee Caasimada Burundi, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Ban KiMoon ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo, waxaana uu dadaal ugu jiraa sidii loo xalin lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira.

Qalalaasaha ka jiray Burundi tan iyo bishii April ee sanadkii hore markii Madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo taagayo xilka Madaxtinimada waxaa rabshado ka dhacayay dalkaas ku dhintay boqolaal ruux.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban KiMoon ayaa shalay lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza, isagoo kala hadli doona sidii qalaalasaha dalkaas ka taagan loo soo afjari lahaa.

Mr Ban ayaa ku cadaadin doona dowladda iyo Mucaaradka inay tagaan Caruusha, si loo sii wado dadalada nabadeed ee lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira mudada sanadka ku dhow.

Sidoo kale maalinta khamiista ee soo socota ayaa lagu wadaa in Burundi ay tagaan Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma iyo Hogaamiyeyaal Afrikaan ah, si ay dadaal ugu galaan xal u helida mushkilada siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.

Illaa Nus milyan ruux ayaa ku barakacay rabshadaha ka taagan dalka Burundi, waxaana xiisada ka taagan Burundi ay salka ku heysa qowmiyadaha Tutsi iyo Hutu oo horay dagaal dad badan ku dhinteen dhex maray.

KENYA OO SHEEGTAY SHABAAB INAY QORTEEN 1,500 OO DHALINYARO KENYAN AH SI AY UGU DAGAALAMAAN

Ku dhawaad 1,500 oo Dhalinyaro Kenyan ah ayaa la sheegay inay qorteen Shabaab kuwaasi oo badankood tababar lagu siiyay gudaha dalka Somaliya, sida lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay Dowlada Kenya.

Sida Dowlada Kenya ay sheegtay Dhalinyarada ugu badan ee Kenyanka ah kuna biiray Al Shabaab ayaa ka tagay magaalooyinka Kwale, Mombasa, Kilifi, Lamu iyo qeybo kale oo dalka Kenya kamid ah.

Xoghayaha joogtada ee Wasaarada arimaha gudaha Kenya Karanja Kibicho, ayaa hadalkaasi ka jeediyay goob lagu soo bandhigayay 19 dhalinyaro hore Alshabaab ka mid ahaa kuwaasi oo dib dalkooda ugu laabtay.

Inkastoo xoghayaha uu sheegay in 1,500 oo dhalinyaro Kenyan ku biireen Alshabaab ayaa hadana uusan kala cadeynin tirada dumarka iyo raga ay kala yihiin.

Inta badan dhalinyarada ayaa la sheegay in Alshabaab ugu sahlanaatay iney kaga biiraan dhanka internetka, maadaama inta badan ay dhageystaan cajalado ka hadlaya jihaadka.

Sanadkii lasoo dhaafay dhalinyarada Kenyanka ah ee ku biiray Alshabaab ayaa gaarayay 1000 ruux, laakiin waxay u muuqataa in sanadkaan ay ka bateen oo ay gaarayaan 1500 ruux.

AGAASIMAHA GUUD EE LOO MAGACAABAY WASAARADDA AWQAAFTA IYO ARRIMAHA DIINTA OO XILKA LA WAREEGAY.

Xaflad uu xilka kula wareegayay agaasimaha guud ee loo magacaabay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shalay lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi ee Muqdisho.

Xafladda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta XFS, Sh. Cabdulqaadir Sh. Cali ” Baqdaadi’ , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, Macallin Cali,Agaasimo waaxeedyada Wasaaradda, iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee loo magacaabay wasaaraddaasi Cumar Faaruuq Sh. Cabdulcasiis ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay agaasimihii hore Sh. Mohamed Aden Kheyrow, wuxuuna balan qaaday in uu xilkaasi u gudan doono si hufan oo ay ku jirto waddaniyadnimo, isagoo ka codsaday howlwadeennada iyo guud ahaan shaqaalaha wasaaradda iney si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee la wareegay xilka Wasaaradda Cumar Faaruuq Sh. Ca bdulcasiis, ayaa tilmaamay in Wasaaraddu sugeyso shaqooyin waaweyn, mas’uulna uga tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed Xifdinta Diinta iyo Dhaqanka Islaamka Soomaaliyeed, waxuu Ball an qaaday Agaasimaha cusub in ay Shaqaalaha u wada shaqeyn doonaan si dhaw iyo si wadajir ah, si loo xaqiijiyo shaqada loo igmaday

SHABAAB OO KU HANJABAY CALANKA DALKA KENYA INUU ISKU BEDELI DOONO MID HUWAN DHIIG

Al Shabaab ayaa waxa ay ku hanjabeen in calanka dalka Kenya uu isku bedeli doono mid huwan dhiiga dadka reer Kenya, sida uu ku hanjabay Sarkaal Kenyan ah oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Sheekh Axmed Iimaan Cali oo ah Sarkaal Shabaab ah kana soo muuqda Video Shabaab ay soo saareen oo lagu soo bandhigay Askar xiran Direeskii ciidanka Kenya iyo hubkii looga qab saday weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

"Imisa midib ayuu leeyahay calanka Kenya? Waa afar midib. Midabka madow muxuu ka tarjumayaa marka loo fiiriyo sida aaminsan yihiin? Wuxuu ka tarjumayaa maqaarkooda madow. Midabka cad isna waxay sheegaan in uu ka tarjumayo Nabad. Laakiin waxaa la yaab ah in midab ka cadaanka ah ay dhigeen meelyar oo ciriiri ah sidii iyaga oo ogaa in aan Kenya imaan doono oo aan xasiloonidooda kala dhantaali doono. Laga yaabe in sheydaankooda uu ku baraarujiyey mac luumadaas. ka gudub taas oo aan u imaano midabka guduudka ah isna wuxuu ka dhigan yahay dhiigii loo daadiyey raadintii madaxbanaanida wadankooda sidey sheegaan, dhiigii Mau Mau. Mid ka cagaarka ahna wuxuu ka tarjumayaa dhulkooda hodanka ah.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya oo ay ka dhex daga alamaan, waxaana shacabka Kenya uu u sheegay in Shabaab aysan ka agfogeyn.

"Hadaba Kenyaatiga oo dhan waxaan u sheegeynaa: Anaga hadda waan joognaa gudaha Kenya, Insha’Allaah calankiina oo dhana waxaan ka dhigi doonaa guduud oo dhiig ayaan ka wada dhigi doonaa. Calankooda ayey badali doonaa oo ay ka saari doonaa dhamaan midibada kale ilaa midka guduudan mooyee, kaas oo calaamad u noqon doona dhiiga aan ku daadin doono gudaha Kenya Insha’Allaah” ayuu ku hanjabay Sheekha. Waxa uu ku goodiyay inay u aar gudi doo naan dadka ciidamada Kenya ay ku laayeen gudaha dalka Somaliya iyo gudaha dalka Kenya int aba.

SOMALILAND OO KA HADASHAY SABABTA AY UGA QAYBGELI WAYDAY SHIRKA SOMALIA UGA FURMAY TURKIGA

Xukuumadda Somaliland, ayaa Shalay Waxay ka hadashay shirkii ganacsiga Soomaaliya u ga furmay dalka Turkiga, isla markaana sheegtay in shirkaasi aanu khuseyn Somaliland, balse uu u gaar yahay Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) ay aa warbaahinta u sheegay in shirkaasi aanay ka qaybgalin, isla markaana uu gaar u ahaa Sooma aliya.

"Sababta aanu uga Qaybgeli waynay waxa weeye annaga Somaliland baa la na yidhaah da, waxaana hore u cadeynay muddo laga joogo shan iyo labaatan sanno laga joogo in Somalia ka madaxbannaan nahay oo aanu Somalinad nahay,, Waana sababta aanu u leenahay nama khu seeyo shirarka Soomaalia loo qabanayo”ayuu yiri Axmed Kayse oo Sharraxaya sababta ay shir kaas uga maqnaatay Somaliland.

Isagoo mar kale yiri. "Haddii qaadhaanbixiyeyaashu shirarka u qabanayaan ay doonayaan inay xaga horumarka, nabadgalyadda iyo arrimaha siyaasadda loo qabto labadda dal isku heer ma joogaan, haddaad eegto Xagga horumarka, bulshadda iyo nabadgalyadda isku heer kama taa gna waana sababta u doonayno inay waxeenu noo gaar noqdaa, waayo Somaliland Waxay leeda hay Qorshe Horumarineed oo Qaran ooku jooga Sannadka 2030ka; Wixii la Qabanayay oo dhan way u Qorshaysan tahay, Sida u kala Mudan yihiin, marka Somaliland kama soo Qaybgalin horana ugama aanan qaybgelin qaybgalin shirar Somalia loo qabtay mana doonayno in hawlaha Somalia loo Qabanayo ku dhexmilanno, marka mawqifkayagu wuu cad yahay shirkana waxa loo qabanayaa Soomaaliya.” Ugu dambeyn, Wasir ku xigeenku wuxuu hadalkiisaan yiri. Dal ahaan nala guma casuumin shirkaa, isla markaana nama khuseeyo shirkaas, lamana mid nihin maa mullada Soomaaliya ka jira.”

BIYO YARAAN BA'AN OO KAJIRTA XERYAHA QAXOOTIGA EE DADAAB

Ayadoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka soconayo shirweyne looga hadlayo sidii dadka ku nool qaaradan Afrika ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo habboon ayaa hadana waxaa wararka naga soo gaaraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab ee kuyaala Waqooyibari Kenya ay she egayaan in biyo la'aan ba'an ay ka jirto xerayahaas gaar ahaa xerada Kaambi Caws.

Cidaha ayaa waxaa la sheegay inay safaf dhaadheer u galaan biyo balse maalintii oo dhan ay heli karaan hal ama labo caag oo biyo ah. Biyo yaraantaas ayaa waxaa u sabab ah matooradii biyaha soo saari jiray oo in badan oo ka mid ah ay halaabeen. Waqtigaan ayaa sidoo kale kuleyle ah isla markaana biyuhu ay fogaadaan sidaa daraadeedna ay dhib ku noqotaa matoorada biyuhu inay soo saaraan biyo dadka kufilan.

Dhanka kale QM ayaa waxay dhintay shidaalkii ay siin jirtay shaqaalaha matoorada biyaha ka shaqeeya ee xeryaha Dadaab 25% taasoo keentay in shidaal ku filan matooradaasi aysan he lin.Arintaas ayaa sidoo kale qeyb ka noqotay sababaha ay biyo yaraantu haatan u jirto.

Dhowr todobaad ayaa haatan ay biyo yaraantu ka jirtaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab. Dhawaan ayay ahayd markii sidoo kale hayada QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay dhintay raashinkii ay siin jirtay qaxootiga ku nool xeryaha Dadaab oo u badan Soomaali.

DIYAARADO JAWI HOOSE KU SOCDA OO LAGU ARKAY JUBBADA DHEXE

Shacabka ku dhaqan degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa ku soo warramaya in barqanimadii shalay diyaarado joog hoose ku duulaya ay ku arkeen degmada Jilib ee Gobolkaas.

Diyaaradaha ayaa dul heehaabayay degmada Jilib iyo Deegaanada kale ee ku dhow dhow kuwaas oo cabsi xoog leh ay kala soo daristay shacabka deegaanadaasi.

Goobaha diyaaraduhu ay ku dul heehaabayeen ayaa waxaa ka arrimiya dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Inkastoo aan la ogeyn cidda iska leh diyaaradahaasi shalay lagu arkay degmada Jilib hada na diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo ka geysta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

TURKEY OO KA WARBIXIYAY DHAQAALAHA KU KACAY MAALGASHIGIISA SOOMAALIYA

Musdafa Aliidaash Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkey ayaa sheegay in xadiga maalga shigooda Soomaaliya uu la’ekaa 100 Million oo dollar tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkey shir looga hadlaay dha qaalaha Soomaaliya , kaas oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Xiriirka dhaqaale dibadda ee Turk ey.

Waxaa kale uu sheegay Masuulkaan in maalgashigooda uu xooga saari doono , kalluume ysiga, Beeraha iyo dukaameysiga intaba.

Sidoo kale Musdafa Aliidaash Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkey ayaa tilmaamay in is dhaafsiga Ganacsi ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkey sanadkii hore uu ku kacay 72 Million oo dollar , isagoo intaas ku daray in ay u kordhinayaan 80 Million oo dollar halka sanadka soo socd ana ay u kordhin doonaan 100 million dollar sida uu tilmaamay.

Turkeyga ayaa Soomaaliya u soo gurmaday 2011 oo abaar ba’an ay ku dhufatay dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkey ayaa mashaariicyo kala duwan oo kuwa horumarineed iyo samafal isugu jira ka sameeyay Soomaaliya.

MADAXA HOWLGALKA AMISOM OO SHIRKA ISTANBUL UGA WARBIXIYAY HOWLGALKOODA SOOMAALIYA

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa ho wlgalka AMISOM, Francisco Madeira iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galay Shirka Mada sha 6aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka oo uu Magaalada Istanbuul ka daah furay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxda AMISOM, Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in Shirka Magaalada Ista nbuul uu ka sheegi doono in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadatay tababarka Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa Danjire Madeira uu carabka ku adkeeyay in AMISOM ay sii wadi doonto taageerida Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo Dagaal xoogan kula jirta Xarakada Al Shabaab.

Shiarka Madasha 6aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya oo uu furay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, islamarkaana muddo labo maalmood ah ka socon doona Magaalada Istanbul ay aa lagu lifaaqi doonaa Horumarada siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Ammaanka ee dalka Somalia.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND SAFAR SHAQO UGU AMBABAXAY WADDANKA MARAYKANKA

Madaxweynaha Dawladda Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 23Feb2016 ka amba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo muddo ha todobaad ah uu hawlo shaqo u joogey isagoo kusii jeeda Magaalada Washington DC ee Xarunta Waddaka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale safar ku tegi doonaa gobollada kala duwan ee dalka maraykanka halkaas oo uu shirar iyo kulamo kula qaadan doono Jaaliyadaha kala duwan ee reer Puntland eek u dhaqan qaaradda America, kulamadaas oo intooda badan salka ku hayn doona qaabkii ay jaaliyaduhu uga qayb qaadan lahaan horumarka baaxadda leh ee Puntland ka socda iyo talooyinkooda ku aadan halbeegga awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ay Pu ntland qaadacday in dalka dib loogu celiyo, balse ay Dawladda Federaalku weli dabada ka riix ayso sidii markale dalka dib loogu celin lahaa awood qaysiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ummadda Soomaaliyeed ragaadiyey.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kabaaqday shirka shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee uu Marti gelinayo Waddanka Turkigu.

MADAXWEYNAHA TURKIGA : WAAN TAAGEERI DOONAA SOOMAALIYA WAANA LA DAGAALAMI DOONAA ALSHABAAB.

Madaxweynaha dalka turkiga Recep Tayyip Erdoan ayaa sheegay talaadadaan shalay in dowlada turkiga ay ka go’antahay taageerada ay siiyaan walaalahooda soomaaliyeed , isagoona sheegay in ay ka taageeri doonaan wax soosaarka dalkooda, kaabayaasha iyo hormarka inta ay nabadooda keen sanayaan.

Erdogan oo ka hadlay shirka sare ee hormarinta soomaaliya looga hadlaayo kana socda magaalada Istanbul ee dalka Turkyga ayaa sheegay in sidoo kale turkiga uu soomaaliya ka caaw in doono la dagaalanka argagaxisada.

"Ma kala saarayo farqiga u dhaxeeya Alshabaab, Daacish ama Alnusra, PKK ama PYD iyo YPJ . magaceey rabaan ha wataan, argagaxiso waa argagaxiso sidaas waxaa yiri erdogan”.

Turkiga waxaa hishiisyo cusub uu la saxiixanayaa dowlada madaxweyne xasan sheikh ay uu yiri madaxweynaha turkiga erdogan.

adaxweynaha turkiga ayaa carabaabay in soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero xaalada cakiran ee dalka uu ku jiro, waxaan u baahan nahay taageerada soomaaliya, kama tagin doono waligeen dalka oo meel xun taagan ayuu yiri.

Turkiga 30 sano waxaa uu dagaal kula jiraa kooxo argagaxisa ah , marka ma jiraan arg agaxiso fiican iyo kuwa xun dhamaan waa isku caqiido ayaa madaxweynaha uu shirka arrimaha soomaaliya looga hadlayo ee Istanbul ka sheegay talaadaan shalay.

Wafdi balaaran oo soomaali ah oo madaxweynaha dalka , raisul wasaaraha hogaamina yaan iyo 51 dal wafuud ka socota oo soomaaliya daneeya ayaa Istanbul iskugu soo uruuray, hal kaasi oo ay uga qeyb galayaan laba maalin shir socon doona oo looga arin sanaayo hanaanka dib u dhiska soomaaliya.

NATIIJOOYINKA KULAMADA XALAY LA CIYAARAY EE QAARADA EE CHAMPIONS LEAGUE

Arsenal 0 2 Barcelona

71' 0 1 Lionel Messi

84' 0 2 (pen.) Lionel Messi

Juventus 2 2 Bayern Munich

43' 0 1 Thomas Mueller

55' 0 2 Arjen Robben

63'Paulo Dybala 1 2

76' Stefano Sturaro 2 2

SIYAASIYOOW ISKA FIIRI LUUQYADA! …

mapsom Ma ogi in siyaasiyiinteenu ay ka war hayaan iyo in kale, laakin haddii aad masuul ummadeed tahay waa in aad la socotaa taariikhda iyo luuq kasta oo lagaa soo gali karo. Dhul ayaa naga maqan midna waa nalagu sheeganaa, waa waajib in aan ku dadaalnaa shanta laakin labaddii ayaa la isku heeystaa.caaqiladii hore ee somaalida ayaa dhihi jiray waxaa iska fiiri ,waxa ka sokeeyana iska fiiri. Bal fiiri taariikhdaan xaqiiqda ah iyo sida ay u dhacday.

+ Illaa sanadkii 1925, Jubal and, waxa ay ka mid aheed mustacmar adii ingriiska ee Kenya( it was part of British Kenya). laakin heshiis sir ahaa oo ingrisku la gaaray talyaani ga intii uu socday dagaalkii 1aad ee aduunka looguna abaalmariyay markii ay ka soo horjeesatay jarm alka ,ayuu ku wareejiyay dhul baa xadiisu aheed 94,050 sq.Km oo noqotay mustacmiradii talyaaniga ee juba land,heshiiskaa oo dhaqan galay 1924. Ogow xattaa markii jar malku gumeeysanayay east Afri ca, kismayo waxaa loo aqoonsa naa qeeyb ka mid ah mustacmara dii jarmalka ee barriga Afrika. Kenya iyadoo taariikhdaa isticmaarka maskaxda ku heeyso ayeey kismayo joogtaa.maxaa u dii daa in ay ku dacwooto.

mapsom

+ Itobiya hore waxa ay u sheegatay Baydhabo in ay tahay qayb ka mid ah. Dood ka soco tay maxkamad caalami ah iyo guddigii caalamku u xilsaaray dacwadaa oo go’aankii la soo daahay ayaa sabab u noqotay in gobalkii jubada sare( Baay iyo Bakool), ay xuriyada la qaataan gobalada kale. Ethiopea waxa eey ku dacwootay in magaalada Baydhabo eey tahay qeeyb ka mid ah ethio pea sidaa darteedna eeyna 1da luulyo 1960 xor noqon Karin.sidda ku cad heshiiskii eey talya aniga la gashay. Laakin talyaaniga ayaa ku dooday in mesha heshiiska ku qoran ee xadka ahi eey tahay MAIDABA oo ku taal xadka ee aaneey aheen BAYDABA.

Laba sanno xuriyada ka hor Sannadkii 1958 khilaafkii Talyaaniga iyo Xabashida u dhexe eyey ayaa gaaray heer sare (xilligii daakhiliyadda Soomaaliya) ayaa Qaramada Midoobay (U.N) waxa ay u saartay guddi 3 ruux ka kooban, si ay arrintaas xal ugu helaan. Hase ahaatee, markii ismaandhaaf ka yimid habkii guddigaasi baaritaanka u samaynaysay, ayaa U.N. waxa ay boqorkii Norway ka codsatay inuu magcaabo ruux caalamka magac ku leh (caan ah) si uu guddigii hore loo magcaabay la taliye ugu noqdo. Wuxuuna magcaabay Mr. Trygve Lie, oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hore u ahaan jirey, waxaana laga codsaday inuu soo jeediyo qodobo (terms) labada dhinac (Talyaaniga iyo xabashida) isku raaci karaan.

Sanadkii 1959kii waxyaabihii Mr. Trygve Lie soo jeediyeyna waxa ay Talyaaniga iyo Xa bashidu isku raaceen in ay dib uga wada hadlaan. Ethiopia oo weli dacwadii u taagantahy ayaan xoroownay soow suura gal ma ahan hadda oo aan laciifnahay baydhabana gacantooda ku jirto in eey faylashii la soo baxaan, oo dacwadii galkeedu furnaa la sii wado Kenyana Kismayo oo ing riisku damacsanaa in uu ku wareejiyo laakin xornimadeedu dib u dhacday illa 1963 ay ku lumisay laakin shalay eey heysato kismayo. tixraaca oo buuxa waxaad ka helee: ((International Boundary Study .No.153 January 1978 –EthiopiaSomali Boundary –country code ETso))))).

+OROMO ,qoomiyada oromo ayaa ku doodee in Hargeesa ay lahaan jireen Magaca Harg eesana uu yahay luuqadooda.

Wixii la rabo hala sheegee shantiyaa noo madal ah….

Waxaa Diyaariyay Prof. Yaxye Sh. Caamir

DHAQANADA AY LEEYIHIIN DADKA NOLOSHA KU HORMARAY

1waxay dadka kale la raadiyaan sedey ku heli lahaayeen nolol farxad leh.

2 waxay ka sheekeeyaan fikradaha cusub oo ay nolosha ku soo kordhin lahaayeen.

3 maalin walba wax bey aqriyaan sida:(book,joornaal,kitaab)wax joogta ah kama baaqato wax arinta.

4 waxay la rabaan dadka kale in ay noqdaan sidooda oo kale oo ay nolosha horumar ka gaaraan.

5 mar kasta wax bey bixiyaan,dhaqaalo,cilmi , waxa alla iyo wixii ay awoodaan in ay dadka kale siiyaan.

6 waxay sameystaan qorshayaal iyo goolal u gaar ah oo ay nolosha ka tiigsadaan,kaas ayeyna daba raacaan,kuma mashquulaan nolosha dadka kale.

7 mar walba wax bey bartaan kama caajisaan, kamana mashquulaan da, walba oo ay jiraan,iyo xaalad kasta oo ay ku suganyihiin.

8dadka kale waxa ay ugu sheekeeyaan khibradahooda faa,idada leh ee wanaagsan oo ay nolosha ku soo mareen si looga faa,ideysto.

9 haddii uu gaf ka dhaco waa ay ogolaadaan khaladaadkooda,naftooda iyo tan dad ka kalena waa ay u qiraan,ma inkiraan khaladkooda.

10 mar kasta wey iska cafiyaan dad kale, xittaa haddii lagu qaldamo.

11 waxay ku farxaan oo ay amaanaan mar walba horumarada dad kale ay gaaraan,kama naxaan.

12haddii noloshooda ay wax is badal ah ku dhacaan sida,faqri,xanuun,hanti helid,iyo wixii la mid ah iyaga oo ku faraxsan ayey soo dhaweeyaan.nolosha is badaladeeda kama cawdaan.

Ugu danbeyntii aqriste waxaan filayaa in aad fahantay dadka nolosha ku hormaray waxa ay sameeyaan,hadaba ku dayo oo sameey dhaqanadaan si aad adigane ugu mid noqoto dadka nolosha ku hormaray.

 

W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)

UNICEF2Facebook.com/1982

 

 




OGEYSIISOGEYSIIS OGEYSIIS


 

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO


HEY’ADDA UNICEF


UNICEF

 

INVITATION TO BID (ITB)

 

LITBS-2016 9123516                                                                                                  17 February,2016

 

 

UNITED NATIONS CHILDREN'S FUND (UNICEF)

Wishes to Purchase:

Construction of Classrooms under Educate-a-Child (EAC) Project for {UNICEF-

Somali,South Central,Somalia

[SEALED] offers should be sent to physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central,Somalia

LITBS-2016 9123516

Attention:Gerard Magbilty (Supply and Logistics Speciailst CSZ)

Please call Office No. +252 201215181 Ext 893 or Mobile no. +252 615549867 to arrange

security clearance and access to the UNICEF compound.

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145.00100.Nairobi.Kenya

LITBS-2016 9123516

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

Please coll +254 207628497+254 207628497 to arrange security clearance and access to the UN compound

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

the reference LITBS- 2016 9123516 must be shown on the envelope containing the offer.

Bid form and schedule (s)must be used when replying to this invitation.you are welcome to enclose

your own [specifications / terms of references] etc. if necessary.

offers must be received by latest 14:00 pm on 22 March, 2016 and will be publicly opened at 14:30

pm on 22 March, 2016 at both the two addresses indicated above. Bids received after the stipulated

date and time will be invalidated.

It is important that you read all of the provisions of the bid, to ensure that youunderstand

UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them. Note that failure to

provide compllant offers may result in invalidation of your bid.

PLEASE PICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOUMENTS FROM THE OFFICES INDICATED ABOVE

(GIORGIO FIGUS)

(To be contact for additional invormation, NOT FOR SENDING OFFERS

E-mail:gfigus@unicef.org Telephone +254 719 192 945

NB: This Invitation to Bid covers the construction of new or rehabilitation of existing schools in Central South, Somalia.

There are a total of twenty (20) locations in this construction bid. These locations have been divided into four (4) separate and distinct LOTS spread across three regions in Central South, Somalia. Each lot contains a number of schools.

Bidders can select and bid on as many of the four LOTS as they have the capacity and resources to manage. Bidders should note that only complete submissions for a single LOTS will be considered. Bids for partial LOTS will be disqualified outright.

LOT 1 - BELET WEYNE

LOT 2 - MARKA

LOT 3 – WARSHEIKH

LOT 4 - JOWHAR

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip