
Somaliland oo ka hadashay sababta ay uga Qayb-geli Wayday Shirka Somalia uga furmay Turkiga
"Sababta aanu uga Qayb-geli waynay waxa weeye annaga Somaliland baa la na yidhaahda, waxaana hore u cadeynay muddo laga joogo shan iyo labaatan sanno laga joogo in Somalia ka madax-bannaan nahay oo aanu Somalinad nahay,, Waana sababta aanu u leenahay nama khuseeyo shirarka Soomaalia loo qabanayo”ayuu yiri Axmed Kayse oo Sharraxaya sababta ay shirkaas uga maqnaatay Somaliland.
Isagoo mar kale yiri. "Haddii qaadhaanbixiyeyaashu shirarkau qabanayaanay doonayaan inay xaga horumarka, nabadgalyaddaiyo arrimaha siyaasadda loo qabtolabadda dal isku heer ma joogaan, haddaad eegto Xagga horumarka, bulshadda iyo nabadgalyadda isku heer kama taagna waana sababta u doonayno inay waxeenu noo gaar noqdaa, waayo Somaliland Waxay leedahay Qorshe Horumarineed ooQaran ooku jooga Sannadka 2030-ka; Wixii la Qabanayay oo dhan way u Qorshaysan tahay, Sida u kala Mudan yihiin, marka Somaliland kama soo Qayb-galin horana ugama aanan qayb-gelin qayb-galin shirar Somalia loo qabtay mana doonayno in hawlaha Somalia loo Qabanayo ku dhex-milanno, marka mawqifkayagu wuu cad yahay shirkana waxa loo qabanayaa Soomaaliya.”
Ugu dambeyn, Wasir ku xigeenku wuxuu hadalkiisaan yiri. Dal ahaan nala guma casuumin shirkaa, isla markaana nama khuseeyo shirkaas, lamana mid nihin maamullada Soomaaliya ka jira.”


0 



Somaliland oo ka hadashay sababta ay uga Qayb-geli Wayday Shirka Somalia uga furmay Turkiga
Xukuumadda Somaliland, ayaa Maanta Waxay ka hadashay shirkii ganacsiga Soomaaliya uga furmay dalka Turkiga, isla markaana sheegtay in shirkaasi aanu khuseyn Somaliland, balse uu u gaar yahay Soomaaliya.