Biyo Yaraan Ba'an oo Kajirta Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab

0
Tuesday February 23, 2016 - 20:16:37 in Wararka by
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biyo Yaraan Ba'an oo Kajirta Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab

    Ayadoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka soconayo shirweyne looga hadlayo sidii dadka ku nool qaaradan Afrika ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo habboon ayaa hadana waxaa wararka naga soo gaaraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab ee kuyaala Waqooyi-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayadoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka soconayo shirweyne looga hadlayo sidii dadka ku nool qaaradan Afrika ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo habboon ayaa hadana waxaa wararka naga soo gaaraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab ee kuyaala Waqooyi-bari Kenya ay sheegayaan in biyo la'aan ba'an ay ka jirto xerayahaas gaar ahaa xerada Kaambi Caws.
Cidaha ayaa waxaa la sheegay inay safaf dhaadheer u galaan biyo balse maalintii oo dhan ay heli karaan hal ama labo caag oo biyo ah. Biyo yaraantaas ayaa waxaa u sabab ah matooradii biyaha soo saari jiray oo in badan oo ka mid ah ay halaabeen. Waqtigaan ayaa sidoo kale kuleyle ah isla markaana biyuhu ay fogaadaan sidaa daraadeedna ay dhib ku noqotaa matoorada biyuhu inay soo saaraan biyo dadka kufilan.

Dhanka kale QM ayaa waxay dhintay shidaalkii ay siin jirtay shaqaalaha matoorada biyaha ka shaqeeya ee xeryaha Dadaab 25% taasoo keentay in shidaal ku filan matooradaasi aysan helin.Arintaas ayaa sidoo kale qeyb ka noqotay sababaha ay biyo yaraantu haatan u jirto.

Dhowr todobaad ayaa haatan ay biyo yaraantu ka jirtaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab. Dhawaan ayay ahayd markii sidoo kale hayada QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay dhintay raashinkii ay siin jirtay qaxootiga ku nool xeryaha Dadaab oo u badan Soomaali. Sidaa daraadeed ayaa qaxooti badan oo Soomaaliyeed waxay go'aansadeen in ay dalkoodii Soomaaliya dib ay ugu noqdaan oo beerahoodii ay qotaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip