Madaxweynaha oo saxiixay Sharciga Sharciga ka hor-taga lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada

0
Tuesday February 23, 2016 - 18:15:19 in Wararka by
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo saxiixay Sharciga Sharciga ka hor-taga lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasoo dhowaan uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasoo dhowaan uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Goloyaasha Wasiirada iyo baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sharciga ka hortaga lacag dhaqidda (dhaqidda lacagaha been abuur ah ee doolarka) iyo maalgelinta Argagixisada ee uu Madaxweynuhu saxiixay waxa uu awood siinayaa bankiga dhexe ee dowladda, si ay u qaabeeyaan hanaanka maaliyeed ee dalka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maaliyeed ee dalka.

Shaqada uu bankiga qabanayo waxaa ka mid ah

In la hubiyo qofka lacagta soo diraya, si loo hubiyo cidda ay ku socoto lacagta, haddii uu shaki yimaado.

In la hubiyo wixii shaki gala iyo qaabka looga soo warbixiyo

In macluumaadka u qofka soo gudbiyo ee arrimaha lacagta ku saabsan la ogaado iyo

In uu sameeyo xarun loogu warbixiyo arrimaha dhaqaalaha

Bankiga dhexe waxa uu wadayaa dadaallada ku aadan hay’adaha dhanka dhaqaalaha ee dowladda iyo lana xoojiyo xirirada u bankiga la leeyahay hay’adaha kale ee dunida.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan meel mariyay sharcigan, kadib markii ay ka doodeen Xildhibaanada, waxaana sharcigan uu ka mid noqonayaa sharciyadii u dambeeyay ee uu Madaxweynuhu saxiixo, markii Baarlamaanka uu soo ansixiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip