Jamaahiirta Arsenal Oo Twitter Ku Soo Bandhigay Sida Ay Uga Careysan Yihiin In Thierry Henry Uu Sawir La Galay MSN.

0
Tuesday February 23, 2016 - 12:14:49 in Sports News by
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Arsenal Oo Twitter Ku Soo Bandhigay Sida Ay Uga Careysan Yihiin In Thierry Henry Uu Sawir La Galay MSN.

    Thierry Henry ayaa carro xoogan kala kulmay taageerayaasha kooxda Arsenal markii uu sawir saaxiibtinimo la galay Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Thierry Henry ayaa carro xoogan kala kulmay taageerayaasha kooxda Arsenal markii uu sawir saaxiibtinimo la galay Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar.

Weeraryahankii hore ee Arsenal ayaa bogiisa Tiwtter soo dhigay sawir uu la galay MSN isagoo ku tilmaamay inay yihiin "Seddexda argagixiye” ka hor kulanka caawa ee Champions League ee ka dhacaya Emirates Stadium.

Laakiin caadifada ayaa ku adag qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal kuwaasoo su’aal ka keenay in gooldhaliyahooda ugu sareeya abid inuu weli daacad u yahay Arsenal.

 

Henry ayaa soo dhigay sawirkaan sarre oo uu la socday qoraalka ah: "Wax fiican ayay aheyd inaan dib u kulano seddexda argagixiye maanta. Luis Suarez, Leo Messi iyo Neymar.”

Balse warkaas kama degin taageerayaasha mayalka adag ee Arsenal kuwaasoo Henry ku tilmaamay inuu yahay mas oo uusan daacad u aheyn kooxdii magaca u sameysay isaga.

 

80’s Gunners ayaa sooq roay: "Waxay aheyd wax aan ka filanayay inuu Fabregas sameeyo.”

 

King Of Assits ayaa isna yiri: "Waxaa murugo leh inuusan sawir isaga iyo ciyaartoyda Arsenal qaadaynin ama soo dhigeynin bartaan.”

 

Frankie Moniedafe ayaa isna yiri: "Thierry Henry ka hor kulan sidaan oo kale ah ma awoodid miyaa inaad soo dhigto sawir adiga iyo ciyaartoyda Arsenal ah? Madaxa ayaan lulayaa.”

 

Daramola Olatomiwa ayaa yiri: "Thiery Henry xaqiiqdii waan ka xumahay inaan kuugu yeero halyeey Gunners ah. #Mas”

 

Bijal ayaa yiri: "Aaway sawir aad la gashay kooxda Arsenal? Waxaan su’aal gelinayaan daacadnimadaada kooxdii ku sameysay adiga.”

 

Yung Rambo ayaa yiri: "Kooxdeed la jirtaa adiga saaxiib??” Waxaa sidoo kale jiray taageerayaal badan oo barahooda bulshada ku soo qorayay saacadihii na soo dhaafay in Henry uu yahay mas aan aqoon sida daacad loogu ahaado hal dhinac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip