Xildhibaan Dalxa: "Waa sharci darro in saddexda mas'uul mar kaliya dalka ka dhoofaan"

0
Tuesday February 23, 2016 - 12:05:43 in Wararka by
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dalxa: "Waa sharci darro in saddexda mas'uul mar kaliya dalka ka dhoofaan"

    Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay ka wada maqan dalka, iyadoo hannaankii dowladnimo ee dalka aanay jirin cid ka mas'uul ah oo howlaha horyaala sii wada, kaddib markii Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Guddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay ka wada maqan dalka, iyadoo hannaankii dowladnimo ee dalka aanay jirin cid ka mas'uul ah oo howlaha horyaala sii wada, kaddib markii Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka mar kaliya wadanka ka baxeen.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay sharci darro tahay isla markaana wax laga fiican yahay ay tahay in saddexda mas’uul ee dalka ugu sareysa ay kala aadaan dalalka Turkiga iyo Masar, isla markaana la cidleeyo dalka.

"Waa sharci darro in saddexda mas’uul dalkoodii cidleeyaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in hal mar ay dalka ka wada baxaan madaxda dalka.

Dhinaca kale Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu u dhoofay dalka Masar, halkaasi oo uu uga qeyb gelayo shirka jaamacadda Carabta, halka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay iyana Turkiga u dhoofeen halkaasi oo uu ka socdo shir ku saabsan ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip