HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 22-DEC-2019

0
Sunday December 22, 2019 - 09:37:55 in Wararka by
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 22-DEC-2019

    Prof Jawaari "Doorasho Qof Iyo Cod Ah Ma Dhici Karto" Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacab ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan Ma xamed Sheekh Cis maan Jawaari ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof Jawaari "Doorasho Qof Iyo Cod Ah Ma Dhici Karto" Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacab ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan Ma xamed Sheekh Cis maan Jawaari ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021 Isaga oo sii wareysi siiyay warbaahinta Dalsan Maxamed Sh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in dalka Sooma aliya aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Gol aha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo America marka loo eego in madax laga noqdo ay aad u fududahay in Madax laga noqdo America, maadaama ay leeyihiin hay'addo shaqeynaya. "Doorasho qof iyo Cod ah ma dhici kar to,yaan laguugu sheekeeynin waxaan afg aanistaan ayay ka dhacday Ciraaq ayaan ku sameeynay Kulligood waa Kalaam Faa ruq ah" ayuu yiri Prof Jawaari. Waxaa kaloo intaas uu sii raacsiiyay hadalkiisa "Soomaaliya in Madax aad ka noqoto iyo America in aad madax ka noq oto, Ameerica ayaa fudud in aad madax ka noqoto"


Madaxweyne Farmaajo Iyo RW Kheyre Oo Aan Ka Qeyb Gelin Xuska Ciidanka Booliska

    Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gar oonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ayaa Shalay waxaa lagu qabtay Munaas abadda Sanad-guurada 76aad ee aas aas ka Ciidanka Booliska oo ku beegneyd ma alintii Dorraad aheyd, hayeeshee Shalay laga xusay Muqdisho

     Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Max amed Abuukar Islow Ducaale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Sa raakiil kale oo ka tirsan Ciidanka dowl adda.

    Sidoo kale Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa Khudbado ka jeediyay Ma daxdii ka qeyb gashay, waxaana dhamm aantood Ciidanka Booliska ugu hambalye eyeen xuska 76 guurada ka soo wareeg tay aas aaska Ciidanka booliska Soomaa liya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gu uto Cabdi Xasan Xijaar  ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay yihin lafdhabarka bu lshada, shacabkuna looga fadhiyo inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeyso booliska.

     Isaga oo sii hadlaayay ayuu daboolka ka qaaday in lagu guuleystay sidii loo tay eyn lahaa ciidanka, loona xoojin lahaa wada shaqeynta kala dhexeysa Maamu lada Degmooyinka iyo shacabka

     Wasiir amniga Maxamed Abuukar Isl ow ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay ka horteegeen weeraro la doo nayay in laga fuliyo Muqdisho, isla marka ana ay gacanta ku dhigeen rag uu sheeg ay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

     Dhinaca kale inta badan Munaasabad da Ciidanka Booliska ayaa waxaa ka qeyb geli jiray Madaxweynaha ama Ra’iisul Wa saaraha dalka, hayeeshee Shalay Farma ajo iyo Kheyre ayaa ka baaqday inay ka qeyb galaan Munaasabaddii ka dhacday Garoonka Eng, Yariisow.

     Ilaa iyo hadda si rasmi ah looga oga sababta ay Madaxda ugu sarreysa dalka uga baaqdeen Munaasabaddaas oo horey uga qeyb geli jireen.

Wasiirka Amniga oo Farriin u diray Ciidanka Booliska oo u dabbaaldag ayey sanadguurada 76-aad

    Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Sooma aliya Mudane Maxam ed Abuukar Islow oo ka hadlayay munaas abadda xuska 76 guur ada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ciidanka ku booriyay inay labo jibaaraan u adeegidda shacabka.

     Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciid anka boolisku ay ku guuleysteen ka hor tagga falal badan oo ay Al-Shabaab doo neysay inay ku dhibaataan shacabka, isa goo bogaadiyay sida ay ciidanka u guda nayaan gudashada waajibaadka loo igma day.

    "Waxaan bogaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaad ka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, Wasaaradda Amniga waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta aqoonta ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

    Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysa tay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay ciidanka booliska.

"Waxaa noo soo dhameystirmay wajiga labaad ee baaritaanka u kuurgalka marxaladaha booliska, waxaana noo soo baxday in ciidanku ay u baahanyihiin kob cin dhankasta ah, waxaa kaloo noo soo baxay inay lagama mar maarntahay casriy eynta booliska Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan booliska adduunka, sida ka hortagga argagixisada, muqaadaraadka iyo tahriibka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuuma dda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuu kar Islow ayaa faray ciidanka booliska inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulsh ada Soomaaliyeed

War laga soo saaray Shirkii Maaliyada ee Kismaayo ka socday

     Waxaa la soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirada maaliyadda dowladda federa alka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo Sha lay Kismaayo uga socday iyadoo wasi iradu ku heshiiyeen sii xoojinta dib-u-hab aynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

    Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u fu ray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Ax med Madoobe, isla markaana waxaa ka qeyb galay Wasiir C/raxmaan Ducaale Be yle iyo Wasiirada maamu Goboleedyada dalka ka jira.


Wafdi ka socda Somaliland oo Muqdi sho soo gaaray

   Wafdi ka yimid Hargeysa oo sida gur mad dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa la gu soo dhoweeyay Muqdisho ka dib mar kii Shalayy ay kasoo ambabaxeen Harge ysa.

     Deeqda ay waddaan Wafdiggaan aya a waxaa soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maa mulka Somaliland. Xubnaha ka socda So maliland ayaa sheegeen in ay wadaan lac ag ka badan lix boqol oo kun oo dollar (60 0,000$) oo ay ugu talo-galeen fatahaadi hii sannadkan ku dhuftay magaalada Bal adweyne.

    Weftiga waxaa ka mid ah Sheekh Ma xamed Cali Geeddi oo horeyna uga mid ahaa waftigii ay Somaliland u dirtay Muqd isho wakhtigii ay abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya.

Falastin Oo Soo Dhaweysay Hadal Ka soo Yeeray Maxkamadda ICC

   Hogaamiyaasha Falastiin ayaa soo dha weeyay hadalada ka so yeeray madaxda maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiya ICC,kaas  oo ku saabsan in la bilaabo ba aritaanno ku aadan xadgudubyada Isra’il ee dadka reer Falastiin.

       Hadaladaan ayaa yimid ka dib kolkii Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiya ICC ay ku dhawaaqday in ay dooneyso in la baaro eedeymaha la xiriira dambiyada dagaal ee ka socda dhulalka reer Falastiin ee ay ka dambeeyaan ciidamada Isra’il.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Caa lamiga ah ee Dambiyada  (ICC) Fatou Be nsouda ayaa sheegtay Jimcihii inay bila abi doonto baaritaan buuxa oo la xiriira da mbiyada dagaal ee la sheegay in ay ka socdaan dhulalka falastiin .Hoggaamiyaas ha Falastiin ayaa talaabadaasi ku tilmaa may in ay tahay mid loo qaaday dhanka wan aagsan,isla markana  joojineysa falal ka xadgudubka ah ee ciidamada Isra’il ay ku hayaan dadka Falastiin .

    Dalka Isra’il iyo kuwo kale ayaa caro ka muujiyay hadalada ka soo yeeray Ma xkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ,kuna sabsan in ciidamada dalkaasi ay ay caadeysteen dambiyo dagaal ee ay ka fliyaan dhulalka sida qasabka ah looga barakiciyay dadka Falastiin.Sanadkii 20 15-kii maamulka reer Falastin ayaa  dac wad ku saabsan xadgudubyada ay wad aan ciidamada Isra’il u gudbiyay Maxkam adda Caalamiga ah ee Daiyada

Somaliland oo beesha Caalamka uga digtay Faragalinta Arrimaha Guddiga doorashooyinka

   Saleebaan Maxamuud Aadan guddoo miyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag ula hadlay weftiga beesha caalam ka ee Khamiistii Madaxtooyada kula kulm ay Madaxweyne Biixi iyo labada gudd oomiye Baarlamaan.

     Guddoomiye Saleebaan ayaa dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland taagee ra ku eedeeyay in ay wiiqayaan hay’ada ha Distooriga ah ee Somaliland. Waxa uu u sheegay in aanu jirin sharci fasaxaya in la kala diro Komishanka cusub, islamarka ana aanu jirin wax dambi ah oo ay leeyih iin.  Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu beesha caalamka ku yidhi ‘Somali land way isku filan tahay,” waxaanu inta asi raaciyay in ay bixin karto kharashka doorashooyinka ee Beesha Caalamku ka bixiso.

      Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ba ashe Maxamed Faarax oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu taageersan ya hay qodobada Guddoomiye Saleebaan u bandhigay Beesha Caalamka.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Ga ari Ku Rogmaday Duleedka Hargeysa

     Wararka aan ka heleyno duleedka M/Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnima dii Shalay halkaas uu ka dhacay Shil khas aaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

       Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeey ay kadib markii gaari nooca raaxada ah uu rogmaday xili uu marayay deegaan la gu magacaabo isha Gobka oo ku yaalla duleedka Hargeysa. Dadka deegaanka ay aa sheegay in gaariga xiliga uu rogmanay ay uu ku socday xawaare sare, isla mark aana uu siday Qaad, hayeeshee mar qura uu laamiga ka baxay, sidaasina uu ku rogmaday.

      Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyo oday halkaas, halka 2qof kalena oo la soc day gaariga uu soo gaaray dhaawac, wax aana loo qaaday mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Hargeysa.Ma ahan markii ugu horeysay oo gaari sida qaad uu sidaan oo kale ugu rogmado dule edka Hargeysa, waxaana inta badan arrint aas loo sababeyaa Darawalada oo gaadi idka si xawaare ah sare ah u wada iyo     Waddooyinka oo ah kuwo burbursan.                                     

Ciidanka Dowladda Iyo Kuwa Itoobiya Oo Gaaray Deegaano Lagu Dagaala may.

    Wararka aan ka heleyno G/Galgaduud gaar ahaan Xuduudka Soomaaliya iyo Ito obiya ayaa waxaa ay sheegayaan in hal kaas Shalay ay gaaareen Ciidamo ka tirs an Milateriga DFS iyo kuwa Itoobiya, ka dib Dorraad halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan. Dagaalkaas ayaa waxaa uu u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee Liyuu Boolis iyo dad xoolo dhaqato ah, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaanada Bo orancad iyo Seejo, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyodhaawac   

         Dadka deegaanka ayaa sheegay Isb itaalada ku yaalla M/Caabudwaaq ee G/Galgaduud la gaarsiiyay 10 ruux oo dha awacyo kala duwan qaba, isla markaana haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabi ibayaa halkaas.

     Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobi ya ayaa kala dhexgalay Ciidanka Liyuu Boolis iyo dadka xoolo dhaqatada ahaa ee Dorraad ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan ku wa dhaca Xuduudka Soomaaliya iyo Ito obiya.

       Wararkii ugu dambeeyay ee deegaan adaas naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada haatan ay tahay mid degan oo aan la maqleyn wax rasaas ah oo halkaas ka dhaceysa.

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Wad do Furis Ah Ka Bilaabay Hiiraan

     Ciidamada xoogga dalka qaybta G/Hiiraan ayaa wada qorshayaal lagu dar dar galinayo howlgallada ka dhanka Al-Shabaab, si dib la isugu furo waddooyinka gobolka.  Taliyaha guutada 5aad ee ciidan ka xoogga dalka, gaar ahaan qaybta gobo lka Hiiraan G/sare: Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii wa dajir gobolka looga saari lahaa Al-Shabaa b, isla markaana laga hortago falalka xiliy ada qaar halkaas ka dhaca.

     "Waxaan rajaynaa oo in la sugo amni ga gobolka oo aan ka tashanno sidii deeg aannada gobolka looga ciribtiri lahaa Al-shabaab, waxaan ciidamada farayaa inay sugaan amniga oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan shacabka, waxaana nagala rabaa inaan dib u furno waddooyinka mu hiimka ah ee gobolka oo aan sugno Nab adgalyada” ayuu yiri.Taliye Faarax Koosh in.Ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan ku guuleystay inay la wareegaan deegaan no horleh oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxayna qorsheynayaan sidii loo joogtayn lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shab aab


Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay ujee dada socdaal uu Shalay ku tagay Puntland

    Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna senatar katirsan aqalka sare, Cumar Cabdirashiid Cali Sha rmaarke, ayaa Shalay gaaray M/Garowe ee caa madda maamulka Puntland.si Xildhibaano katirsan barlama anka Puntland ayaa Cumar Cabdirashiid kusoo dhoweeyay M/Garowe, waana socd aalkii ugu horeeyay uu ku yimaada Garo we dhowr sano kadib.

     Cumar Cabdirashiid oo lagu tiriyo inuu kamid yahay siyaasiyiinta u hanqal taaga ya doorashada 2020/2021, ayaa sheegay safarkiisa inuu ku saabsan yahay sidii uu Puntland ugala tashan lahaa sharciga doo rashada Soomaaliya ee hadda horyaala barlamaanka Soomaaliya.

    "Runtii waxaan u imid Puntland oo ah dhulkii la iga doortay, inaan kala tashado wixii ay ku darsan lahaayeen sharciga doo rashada ee haatan ay gacanta ku hayaan aqalka hoose.

    Sharciga cusub ee doorashada oo aan weli la meel marin ayaa soo jeedinaya labo hab doorasho oo ku cusub Soomaal iya, inkastoo meelo badan ay ka siman yihiin doorashooyinkii hore.

     Madaxweynaha Puntland siciid Cabdu laahi Deni, ayaa dhawaan sheegay Puntl and in aysan qeyb ka ahayn sharciyadaas ay ka qeyb galidoonaan nidaam aan dowl ad goboleedyada laga talo galin.

C/kariin Guuleed "Reer Galmudug iyo Koofur Galbeed waa dad Ehel iyo Walaal ah”

      Madaxweynihii hore Galmudug C/kar iin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay qoraa lo kala duwan oo baraha bulshada lagu faafiyay oo ahaa hadalo iyo falcel is ka dhashay hadal uu jeediyay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta Gareen, isagoo xusay in hadaladaas iyo falceliska ay kicin karto caadifadda dadka, waxaana uu ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha dhalin kara caadimada oo dadka wadajirkooda dhaa wacaya.

    Waxaa uu sheegay in dadka reer Galm udug iyo reer Koofur Galbeed ay yihiin dad ehel iyo walaal ah, isagoo ku wargeliy ay in dadka Mas’uuliyiinta ay ka shaqeeya an isu soo dhoweynta shacab ka. Halkan hoose ka akhriso qoraalka C/kariin Guul eed:-

    Waxaan ku arkayey baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyey madane Cabdicasiis Laftagareen madaxweynaha KGS, hadad aas iyo fal celisyadaas oo aad moodo inay kicin karto caadifadda dadka, beerina karaan kala fogaasho dadka walaalaha ah ee reer Gal mudug iyo Koofur Galbeed.

    Haddaba waxaan is leeyahay inaan dha maanteen ka fogaano hadalada ciifa dda leh oo dadkanaga wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya.

    Waxaa hubaal ah in dadka reer Galmu dug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkac yo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah, markii ay dhacdadii Gaalkacyo dhacdana dhamaantood ay ka dhiidhiyeen kana gilgi sheen, ayagoo intii ay karaanna ka samaf alay kana garaabay falkaas xun ee ay gee steen dadka wax ma garadka ah.

      Dhanka kale dadka reer Koofur Galb eedna xaq ma aha in lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee muqdisho iyo soomaali inteeda kalaba ka dhacaya, ku waas oo ay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto.

    Haddaba waxaa habboon in dadka ma suuliinta ah ay ka shaqeeyaan wax dadkeena isku soo dhaweynaya, xoojina yana wadajirkooda, iskaashigooda iyo mid nimadooda intaba, haddii uu qof inaga mid ah uu war ka dhacana fasiraadda loo wanaajiyo.

     Waxaan xiriiro la sameeyay masuulii ntii kala duwaneyd ee ay arintani khuse ysay, si xaaladda loo dajiyo, waana ku ma hadsan yihiin sida ay arinka iila garteen.

    Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinay aa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo markii uu arkay in hadalkiisii si kale loo fahmay ciifadna uu kiciyey, fasiraad iyo jawaab kale ka bixiyey, taas oo ah wax masuuliyadda iyo maqaamka uu jooggo ay fareyso.

Madaxweynaha Maraykanka oo saxiix ay sharciga dayn cafinta Soomaaliya

     Madaxweynaha dalka Maraykanka DonaldTrump ayaa saxiixay sharci dham maystiran oo muddo sannad ah ah oggola anaya wajiga 1aad ee deyn cafinta Soo maaliya.    Horaantii 7aadkan golaha Koo ngarayska ayaa meel mariyey sharci ogg olanaya in Soo maal iya laga $ 1.1 billion oo ah deynta uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya.

     "Cafinta deynta Soomaaliya waxay la macno tahay dhismaha wadooyin cusub, xoojinta haweenka iyo in loo dhaqaaqo ta llaabooyin horay loogu qaadayo si loo soo afjaro saboolnimada ba'an," ayuu yiri Eric LeCompte, Madaxa Fulinta Jubilee oo ah koox ka shaqeynaysay gargaarka deyn cafinta Soomaaliya.

       Hay'adda Lacagta Adduunka ayaa ar bacadii ku dhawaaqday in ay qabanqaabi neyso cafinta qaybteeda deynta Soomaali ya oo gaareysa $ 140 milyan.

        Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $ 4.6 bilyan oo deyn ah. Mareykanka oo kal iya ayaa ku leh  $ 1.1 bilyan. Inta soo har tay deynta waxaa iska leh Hay'adda Laca gta Adduunka, Bangiga Adduunka, Faran siiska iyo Talyaaniga.

Abwaan Shube oo loo magacaabay Maareeyaha Tiyaatarka

     Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u magacaabay maareey iha Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaran ka Abwaan C/qaadir Cabdi Shube.

    Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa xilka laga qaaday Maar eeyahii Golaha Murtida iyo wacyig alinta Qaran ka Maxamed Abuukar Ma’ada iyadoo loo magacaabay Abwaan Cabdul qaadir Cabdi Yuusuf "Shubbe’.

    Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaran ka oo hore loo oran jirey Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa waxaa weli ka so cda dayactir lagu sameynayo iyadoo uu ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Halkan ka akhriso wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka:-


Xisbiyadda mucaaradka Somaliland oo aqbalay gogoshii uu madaxweyne Biixi u fidiyey

   Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng: Fays al Cali Waraabe oo ku hadlayey afka xisbi yada mucaaradka, ayaa sheegay inuu aq balleen gogoshii mada xweyne Biixi u fidiyey xisbiyada qaranka.

Faysal Cali Waraabe ay aa shacabka ka raalig aliyey murankii dushoodda lagu murmay oo uu xusay inay ahayd khalad.

"Waxaanu aqbalnay gogoshii uu madax weynuhu noo fidiyey ee aanu diidnay markii hore”ayuu yidhi Faysal Cali Waraa be.

    Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shacabku u baahan yihiin horumar iyo in ictiraaf loo soo raadiyo balse aanay u qal min dadkeedu in muran lagu wareeriyey.

" Shacabka Somaliland waxaan leenay xaal baan idinka siinayaa muranka aanu dushiina isku qabsanay ma gaydaan ina an dushiina isku qabqabsano, waxaad gaydaan in la idin shaqeeyo oo horumar la idin sameeyo oo ictiraaf la idiin keenno oo dhalinyarteenii xamar bay ku dawarsa daan inay xidhaan calankii Soomaaliya ay ey naftu u gaysay, shacabkeena waad og tihiin oo oo boqolkiiba sideetan waxba la guma kariyo oo dhaqaalihii hoos buu u dhacay oo meheradihii way kaceen”ayuu raaciyey hadalkiisa.

     Madaxweyne Biixi ayaa 2jeer ku celi yey inuu gogol u fidiyey xisbiyada mucaar adka ah, haseyeeshee waxa diiday xisbiy ada, inkastoo hadda ay aqballeen..

Gen. Otto oo la wareegay Taliska Ciid anka Uganda ee Somaliya

    Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub u soo magacawday ciidankeeda jooga So omaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMI SOM, waxaana tani qeyb ka tahay is bed elo la filayo in dhowaan lagu sameeyo Tal iska Guud ee howlgalka AMISOM.

    Gen. Richard Otto ayaa la wareegay hoggaanka iyo maamulka Ciidanka Uga nda ee ku sugan Soomaaliya, isagoo xilka as kala wareegay Michael Kabango oo sa nadihii u dambeeyay ahaa Taliyaha Ciid anka Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

   Munaasabad ka dhacday xerada Xal ane oo ah taliska AMISOM ayaa Taliyaha cusub wuxuu ku boggaadiyay howsha Tali hii hore, waxaana uu xusay inuu halkeeda ka sii wadi doono, sidoo kale waxaa uu dalkiisa uga mahadceliyay in xilkaas loo magacaabay iyo waajibaadkiisa ka soo bixi doono. Gen. Otto ayaa horay u soo no qday Madaxa Howlgalada ee Xarunta Dhe xe ee AMISOM sanadkii 2013, waxaa la sheegay in khibrado kala duwan u leeya hay howlaha milateriga, sidoo kale tababa rro ciidan ku soo qaatay dalal dibadda ah, isagoo dalkiisa kala qeyb galay howlgalo ka dhan ahaa jabhadaha mucaaradka iyo howlgalo nabad ilaalin dalalka deriska ah.

 


TAHRIIBE DOONEYSAY IN AY DADKEEDA CAAWISO OO DHIMATAY


     Waxaa la gartay haweeney tahriibeysay oo geriyootay xilli ay isku dayeysay inay Kanaal ka gudu bto. Waxaa la sheegay in ay dooneysay inay caawiso asxaab tee da ay Iiraan iskala soo jeedaan.

     Mitra Mehrad, oo 31 sano jir ahayd, ay aa ka dhacday doon yar oo ay la socotay oo mareysay xeebta Kent, bishii August, meydkeeda ayaana mar dambe laga hel ay meel u dhow bad ku taalla dalka Hol land.   

      Booliiska ayaa hadda xaqiijiyay ha lka ay haweeneydaas ka soo jeeday, iya goo garab ka helayay BBC-da.

     Ms. Mehrad, oo bilowday shahaadada PhD ee la talinta Cilmu-nafsiga, ayaa dooneysay inay caawiso dadkeeda, wax ayna baaritaan ku sameyneysay arrimaha caafimaadka mask axda ee dadka Iiraan, sida ay saaxiibbadeed sheegeen.

     Dadaal weyn oo badbaadin ah ayaa la bila abay 9-kii August, markii iyada iyo sad dex qof oo kale ay ka dhaceen doon yar oo sidday 20 muhaajiriin ah - oo ay ku jir een afar carruur ah-doonta ayaa ka timid waqooyiga Faransiis ka waxayna marey say biyaha Ingiriiska.

    Labo qof ayaa laga soo saaray biyaha, hal ka 19 qof - oo 14 ka mid ah ay Iiraan u dhashe en iyo 5 ka soo jeedday Ciraaq - ay RNLI geys ay Ramsgate, balse dadka as kuma jirin Ms Mehrad.

     Helikobtarrada ilaalada xeebaha Ingiri iska iyo Biljamka ayaa ku biiray baadigoob ka.     Markab ilaalo ah ayaa meydkeeda ka helay be er, in ka badan 30 meyl u jirta xeebta Nethe rlands, 18-kii August.

      Booliiska Holland ayaa toddobaadkan dhe xdiisa u suurto gashay inay aqoonsad aan me ydkeeda, ka dib markii ay BBC soo heshay Mehrad aabeheeda, ayna ka caawisay inuu bo oqdo safaaraddooda ku taalla Tehran.

      Baaritaanka hidda-sidaha ee DNA ay aa loo diray sheybaar ku yaalla Netherlands, aab baha Ms Mehrad ayaana Talaadadii warka loo sheegay.

'Muxuu ahaa hammigeeda?'

   Gabadhan ayaa ka tagtay qoyskeeda oo ku nool gobolka koofur-galbeed Iiraan ee Khuze stan, si ay u dhammeystirato waxb arashadee da cilmu-nafsiga. Sannadkii 2017 ka qalin-jebi say Jaamacadda Assum ption oo ku taalla M/Bangkok, ee dalka Thailand.

    Parvathy Varma, oo bare ah ayaa tiri: "Wax ay ahayd qof karti leh. Waxay doon eysay inay dadaal adag sameyso ayna qa adato shahaa dada PhD ka dibna guur sato, sidaas ayay ku hammineysay."  Buuggii ay jaamacadda uga qalin-jeb isay wuxuu ku saabsanaa arrimaha caaf imaadka maskaxda ee ka dhex jira bulsh ada Iiraan, waxay dib ugu laabatay Iiraan si ay baaritaan u sameyso, iyadoo ka sha qeyneys ay isbitaal, waxayna xog ka uruur isay buka annada dhimirka ka xanuunsan.      "Waxay do oneysay inay caawiso dadke eda," ayay tiri Mrs Varma. "Waxay sheegt ay in sababta ay u dooneysay inay dalkee da uga sameyso baar itaanka ay ahayd in dadka Iiraan ku nool qaar kood ay qabaan dhibaatooyin maskaxda ah."

      Macallimadda ayaa dib u xusuusatay had al ay Mehrad ku tiri: "Ma doonayo ina an same eyo baaritaan aanan wax faa`iido ah u lahayn dadkeyga."

      Mehrad ayaa bilowday shahaadada PhD, balse ma aysan awoodin inay shaqo ka hesho Bangkok si ay waxbarashada isaga bixiso, si da ay sheegtay Mrs Varma. Horraantii sannad kan 2019, ayay ka tag tay Thailand, waxayna gaartay Faransiis ka.      Ma cadda xilligii ay dejisay qorshaha ah inay la heshiiso mukhalas iin, si ay do on uga gudubto Kanaalka isku xira faransi iska iyo Britain, balse waxaa muuqata in ay ka qarisay asxaabteeda, kuwaasoo ya abay marka ay geerideeda maqleen.

      Bishii February, waxay asxaabteeda u sheegtay inay qorsheyneyso inay u safart o Canada si ay baaritaanka u sii wadato.

     Mrs Varma ayaa sheegtay inay ku kaft am een qorshaha Mehrad. "Waxaan weydi iya, mar qura baad tiri Canada, ma waxa ad he shay lammaane Canada ka soo jee da?

    Waxay tiri maya, maya, maya, dib baan kaa ga sheegi doonaa."

      "Waxay sidoo kale tiri: ''Fadlan ii soo duc ee'. Ka dib waxaan ogaaday inay wax uun ku howlan tahay."

     'Waxay aad u dooneysay inay baxdo'

Sida ay sheegeen booliiska Holland, horra an tii August, Mitra Mehrad ayaa tagtay xe ro ku meel gaar ah oo ku taalla magaala da Dunkirk ee dalkaas, taasoo ay ku jir een boqollaal muhaajiriin kale, oo badan kood Iiraan ka soo jeeda.

     Waaxda Dembiyada dalkaas ayaa horr aan tii sannadkan ka digtay in xerada ay maa mulaan OCGs-oo ah kooxo dembiila yaal ah - oo "doonayay inay rabshado u adeegsadaan qalqal gelinta muhaajiriinta doomaha ugu safr aya UK".

     Labo nin, oo safarka ka caawiyay Ms Mehr ad, ayaa lagu xiray Faransiiska.  Mrs Varma ayaa sheegtay in aysan fa hmin waxa ku kallifi kara in Ms Mehrad ay qaadato go'aan nooca as ah.

      Baaritaanka hidda-sidaha DNA ayaa soo afjaray sugitaankii xanuunka badnaa ee qoys ka Ms Mehrad, oo in ka badan 4bilood ka dib markii ay geeriyootay gaba dhooda u same eyay aas.

Xigasho>-BBC.


Wararkii ugu dambeeyay Taliyaha Ciida nka dhulka oo ka badbaaday Qarax

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax ka dhacay M/ Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Galmudug.

Qaraxa oo loo adeeg saday gaari laga soo buuxiyay Waxyaaba ha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Cii danka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qey bta 21 aad Cabdicasiis Qooje.

     Hoteelka ayaa la lagu magacaabaa Golobal waxaana uu ku yaala koofurta M/Galkacyo 2da taliye ayaa ka badbaad ay weerarka waxaana waxyeelo ay soo ga artay Askar iyo dad Shacab ah oo ku su gnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.

    Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa la sheegayay inay ka ag dhawaayeen Hawe en qaad iibiya, lama oga illaa iyo hadda waxyeelada gaartay inta ay la egtahay.

     Dhaawacyo kala duwan ayaa la geey ay Isbitaalada Gaalkacyo.

Masaajiddo lagu gubay magaalo ku tallo dalka Itoobiya

     Ugu yaraan saddex masjid ayaa wa xaa lagu weerraray gobolka Amxaarada ee waddanka Itoobiya. Wararka ka iman aya magaalada Motta oo ay ku nool yihiin dad haysto diimo kala duwan ayaa sheeg aya in qulqulatooyinka ay dhaceen kaddib markii dab aan la filayn uu ka kacay ka niisad caan ah oo magaaladaasi ku taal.

Haddaba dhalin yaro caraysan oo laga shakisan yahay ayaa habeenkii Jimc aha waxa ay weerrareen masaajidda.

Jemal Mekonnen waa taliyaha booliska ee gobolka Amxaarada, BBC-da ayaa u sheegay:

     ''Isku daygu waxa uu ahaa in la gubo kaniisadda st George oo ku taalla magaa lada Motta Habeen hore oo dab ayaa la qabadsiiyay balse dadka ayaa damiyay dabkaasi''.

      ''Markaasi ka dib ayaa waxay dhalin yaro bilaabeen in weeraraan masaajidyo ,hal masjid ayaa gabi ahaanba la gubay halka labo kale qeyb laga gubay'', ayuu yi ri abaanduulaha booliiska gobolka Amxa arada''.

     Dhanka kale waxaa BBC-da la hadlay mid ka mid ah dadkii goob joogayaasha u ahaa rabshadahani waxa uuna yiri:''Dadka magaalada Motta waxay caan ku ahaayeen isku duubnida dhanka diimaha na, isu dulqaadashada ,iyo is qadarinta''.

''Waan is jecelnahay, waana is aaminsan ahay, tanina gabi ahaanba waa burbur na soo wajahay ,waan ka xumahay waxa gaa ray walaalaheena musliminta aad ayaan u ga xunahay dhacdadan, maalin murugo ayay u tahay dadka reer Motta,waa wax la gu farxo in qofna uusan ku dhiman dhac dadan''.

       Bilihii la soo dhaafay waxaa dalkaasi ka dhacay qulqulatooyin diin lala xiriiriyay, walow weriyayaasha Itoobiya ku sugan ay sheegayaan in kala qeybsanaan dhinaca qowmiyadda ah ay badanaa sababaan xii sadda.

       Ra'iisalwasaare Abiy ayaa saandkii la soo dhaafay la wareegay xukunka dalkaa si ka dib muddo saddex sano ah oo mud daharaadyo ay ka dhacayeen qeybo bad an oo dalkaasi ah, kuwaa oo sababay in uu xilka iska casilo ra'iisalwasaarihii isaga ka horreeyay.

      Abiy Axmad ayaa xabsiyada dalkaasi ka sii daayay dadkii u xirnaa arrimaha siya asadda, waxa uuna xayiraaddii ka qaaday xisbiyada siyaasadeed ee horey mamnu uca ka ahaa dalkaasi, waxaana sidoo kale   maamulkiisu uu maxkamad soo taagay sh akhsiyaadka lagu tuhunsan yahay in ay geysteen gaboodfalyo ka dhan ah xaquu qul insaanka.

     Balse rabshado u dhaxeeya qowmiya daha kala geddisan ee dalkaasi ayaa ka billowday qeybo badna oo dalkaasi ah oo gobolka Amxaarada uu ka mid yahay.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee      Reuters, Qaramada Midoobey ayaa shee geysa in rabshadahaasi ay ku barakeceen ugu yaraan 2.4 milyan oo qof.

Dalkaasi Itoobiya oo dadkiisu lagu qiy aaso 100 milyan ayaa sanadka dambe la gu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyin ka baarlamaanka.

     Waxaana soo baxayay baaq ka ima anayay kooxaha mucaaradka oo dalbana yay in doorashadaasi ay dalka ka dhacdo xilligii loogu tala galay inkastoo qeybo bad an oo dalkaasi ay ka jiraan barakac iyo rabshado.

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Qaraxii Xalay ka dhacay Gaalkacyo

   Madaxweynaha D/G/Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay wax yeeladu kasoo gaartay Qa rax Xalay ka dhacday M/G aalkacyo. Qaraxa a yaa la la eegtay Saraakiisha Ciid amada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21a ad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday Waxa uu Md.Xaaf Tacsi u diray Ciida mada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo ga artay Qaraxa Xalay ka dhacay M/Ga alkacyo. "Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebbehay inaga siiyo wiilasha iyo ho oyinka ku naf waayay musiibada ay Xalay  ay geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhigtay in ay markasta dhib aateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeest aan Cadowga lana shaqeeyaan ciidama da Amniga si looga hortago falalka gurac ano ay Cadowgu u Geeysanayaan” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa la gu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixa miid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.

Abiy Ahmed oo war ka soo saaray weerar lagu qaaday masaajido ku yaal la dalkaas

       R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay aa cambaareeyey rabshadaha diineed ee dalkaas kadib markii weerarro lagu qaa day dhowr masaajid oo ku yaalla gobolka Amxaarada.

            Warbaahinta dowlad da ku xiran ee Fana ayaa sa btidii werisay in dhowr mas jid la weeraray, sidoo kalena hanti lagu burburiyey magaa lada Mota, oo 350km waqooyi kaga beeg an magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    "Isku dayada ay xagjiriinta ku donay aan inay ku buburiyaan taariikhdeenna ho donka ee isku dul-qaadka diimeed iyo wa dajir, wax kaalin ah kuma lahan Itoobiya da cusub,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri baya an lagu soo qoray barihiisa facebook iyo twitter.

    "Waan caamberynayaa ficillada fuleyni mada ah, waxaana ugu baaqay dhamma an dadka Itoobiya ee nabadda jecel inay adeegsadaan garashadeenna qotada dhe er ee wada jirka iyo is-xushmeynta.”

    Warbaahinta Fana waxay werisay in ilaa 3 Masaajid la weeraray. Ma cadda xill iga ay dhaceen rabashadahan, waxa saba bay, cidda ka dambeysay, iyo haddii ay jir aan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay.

    Saraakiisha gobolka Amxaarada Itoobi ya weli kama aysan hadlin dhacdooyin kan. Inkasta oo rabshadaha qowmiyadaha ku saleysan ay jireen tan iyo markii uu xukunka yimid Abiy Axmed, waxayna ku wii u dambeeyey waxay u muuqdeen ku wa ku saleysan arimo diimeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip