"Imisa midib ayuu leeyahay calanka Kenya? Waa afar midib. Midabka madow muxuu ka tarjumayaa marka loo fiiriyo sida aaminsan yihiin? Wuxuu ka tarjumayaa maqaarkooda madow. Midabka cad isna waxay sheegaan in uu ka tarjumayo Nabad. Laakiin waxaa la yaab ah in midabka cadaanka ah ay dhigeen meelyar oo ciriiri ah sidii iyaga oo ogaa in aan Kenya imaan doono oo aan xasiloonidooda kala dhantaali doono. Laga yaabe in sheydaankooda uu ku baraarujiyey macluumadaas. ka gudub taas oo aan u imaano midabka guduudka ah isna wuxuu ka dhigan yahay dhiigii loo daadiyey raadintii madaxbanaanida wadankooda sidey sheegaan, dhiigii Mau Mau. Midka cagaarka ahna wuxuu ka tarjumayaa dhulkooda hodanka ah.
Sarkaalkaan ayaa sheegay inay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya oo ay ka dhex dagaalamaan, waxaana shacabka Kenya uu u sheegay in Shabaab aysan ka agfogeyn.
"Hadaba Kenyaatiga oo dhan waxaan u sheegeynaa: Anaga hadda waan joognaa gudaha Kenya, Insha’Allaah calankiina oo dhana waxaan ka dhigi doonaa guduud oo dhiig ayaan ka wada dhigi doonaa. Calankooda ayey badali doonaa oo ay ka saari doonaa dhamaan midibada kale ilaa midka guduudan mooyee, kaas oo calaamad u noqon doona dhiiga aan ku daadin doono gudaha Kenya Insha’Allaah” ayuu ku hanjabay Sheekha.
Waxa uu ku goodiyay inay u aar gudi doonaan dadka ciidamada Kenya ay ku laayeen gudaha dalka Somaliya iyo gudaha dalka Kenya intaba.
Shabaab oo ku hanjabay calanka dalka Kenya inuu isku bedeli doono mid huwan dhiig
Al Shabaab ayaa waxa ay ku hanjabeen in calanka dalka Kenya uu isku bedeli doono mid huwan dhiiga dadka reer Kenya, sida uu ku hanjabay Sarkaal Kenyan ah oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.