Kenya oo sheegtay Shabaab inay qorteen 1,500 oo Dhalinyaro Kenyan ah si ay ugu dagaalamaan

0
Tuesday February 23, 2016 - 10:53:07 in Wararka by
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo sheegtay Shabaab inay qorteen 1,500 oo Dhalinyaro Kenyan ah si ay ugu dagaalamaan

    Ku dhawaad 1,500 oo Dhalinyaro Kenyan ah ayaa la sheegay inay qorteen Shabaab kuwaasi oo badankood tababar lagu siiyay gudaha dalka Somaliya, sida lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay Dowlada Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 1,500 oo Dhalinyaro Kenyan ah ayaa la sheegay inay qorteen Shabaab kuwaasi oo badankood tababar lagu siiyay gudaha dalka Somaliya, sida lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay Dowlada Kenya.

Sida Dowlada Kenya ay sheegtay Dhalinyarada ugu badan ee Kenyan-ka ah kuna biiray Al Shabaab ayaa ka tagay magaalooyinka Kwale, Mombasa, Kilifi, Lamu iyo qeybo kale oo dalka Kenya kamid ah.

Xoghayaha joogtada ee Wasaarada arimaha gudaha Kenya Karanja Kibicho, ayaa hadalkaasi ka jeediyay goob lagu soo bandhigayay 19 dhalinyaro hore Alshabaab ka mid ahaa kuwaasi oo dib dalkooda ugu laabtay.

Inkastoo xoghayaha uu sheegay in 1,500 oo dhalinyaro Kenyan ku biireen Al-shabaab ayaa hadana uusan kala cadeynin tirada dumarka iyo raga ay kala yihiin.

Inta badan dhalinyarada ayaa la sheegay in Alshabaab ugu sahlanaatay iney kaga biiraan dhanka internet-ka, maadaama inta badan ay dhageystaan cajalado ka hadlaya jihaadka.

Sanadkii lasoo dhaafay dhalinyarada Kenyan-ka ah ee ku biiray Alshabaab ayaa gaarayay 1000 ruux, laakiin waxay u muuqataa in sanadkaan ay ka bateen oo ay gaarayaan 1500 ruux.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip