"Horta waxa caqabada noqday aniga ma’aheyn iyo Wasiirada ila socday Meeshana waxaan ugu haray oo runtii aan u fariistay aniga oo diiday inaan uga baxo waxa ay aheyd Xildhibaanadii ila socday anaga Kenya waxaa naga dhaxeeya Siyaasad ah Xildhibaanada marka ay tagayaan Kenya in Viisaha Airport-ka laga siiyo, markaan aragnay inay si u caqabadeynayaan Xildhibaanadii iyo Dadkii nala socday inay fiisaha siiyaan, ayaan u haray Sababtoo ah culeys ayaan ku saareynay” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somaliya
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Dowladaha Somaliya iyo Kenya aysan ka dhaxeyn arintan dhacday oo ah Qalad ay sameysay Dowladda Kenya.
"Markaa Arin qalad ah oo runtii Dowladda Kenya aan aaminsanahay inay ku qaldantay oo runtii qalad wafdi Ra’iisul Wasaare la socday oo runtii Xildhibaano iyo dad kaleeto ah inay ku dhagaan arin anaga iyo Kenya naga dhaxeyso ma’ahan.” Sidaasi ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Sharmaake Diyaaradaha ay saran yihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha sida sharciga ahba inaysan marin Degmada Wajer ee dalka Kenya oo inta badan lagu baaro Diyaaradaha Muqdisho ka baxa ee Nairobi taga.
"Sideedaba Diyaarada ay saaran yihiin Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha Wajeer ma tagto caadiyanba, Xildhibaanada Wajeer waa run dadka kale ayaa maraa aniga iyo Madaxweynaha Diyaaradaha aan wadano ma marno, Xildhibaanada lagu dhagay Sharciyan waxa ay aheyd in Viisaha laga siiyo Airport-ka.
Go’aanka ay ka qaadanayaan arintaan ayuu sheegay inay ku guda jiraan, maadaama Wafdi Madax sare ah si aad ah loo bahdilay.
"Tallaabadii aan ka qaadi laheyn arintaasi waan ku jiraa, dhawaana waa ay soo bixi doontaa”
Kenya ayaa sababta ay u xanibtay Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ku sheegtay sababo dhanka ammaanka ah, maadaama Diyaarada aysan soo marin Wajeer oo aanan la baarin.



0 



Ra'iisul Wasaare Sharmaake oo Sharaxaad ka bixiyay xanibaadii Garoonka Joma Kenyatta loogu geystay
Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa ka sheekeeyay sida loogu xanibay Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.