HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUMTIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH AXAD 1-DA DICEMBAR 2019-KA

0
Sunday December 01, 2019 - 11:22:10 in Wararka by
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUMTIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH AXAD 1-DA DICEMBAR 2019-KA

    GOLAHA AQALKA SARE OO ANSIXIYAY HIND ISESHARCIYEEDKA SHIRKADAHA DALKA Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku yeeshay xaruntooda ayaa ku ansixiyay Hindise sharciyeed ka Shirkadaha Dal ka.Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ee Gola ha Aqalka sare oo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GOLAHA AQALKA SARE OO ANSIXIYAY HIND ISESHARCIYEEDKA SHIRKADAHA DALKA Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku yeeshay xaruntooda ayaa ku ansixiyay Hindise sharciyeed ka Shirkadaha Dal ka.Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ee Gola ha Aqalka sare oo uu shir G/Gol aha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi C/hi, ayna goob joog ka ahaayeen G/KuXigeenka 2aad Senator Moowlid Xuseen Guhaad, Gud.Guddiga Dhaqaalaha, Maal iyadda, Ganaacsiga, Warshada ha, Isgaa rsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sa re Sena tor Cabdi Axmed Dhuxuloow iyo Wasuur ka Ganacsiga ,Warshadaha ee XFS Md .Eng. C/hi Cali Xasan ayaa dood dheer ka dib waxa ay Golaha meel mariyeen Hind ise sharciyeedka Shirkada ha Dalka


aqalka-sare6-1024x683-630x420

27 Senator ayaa Haa ku ogolaatay, wax aana ka aamusay hal mudane mana jirin cid diiday sida uu shaaciyay Guddoomiy aha G/Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi

Intaas kaddib Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta labaad marsi iy ay Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud. Ugu dambeyntii Md .Cabdi Xaashi C/hi ayaa soo xiray kulanka

XARUNTII ISGAARSIINTA EE ALSHABAAB ‘OO LA DUQEEYAY’

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaal iya ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka kala tirsan Jubada Hoose iyo Jubada dhexe. Duqeynta oo isku mar dha cday ayaa la sheegay in lala beegsaday la ba fariisin oo muhiim u ahaa dagaalama yaasha AlShabaab, waxaana la soo she egayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaal iya ayaa sheegay in Jilib duqeyntii ka dha cday lagu baabi’ayey goob AlShabaab u aheyd xarun isgaarsiin oo laga hago weer arada dagaalamayaasha.

Sidoo kale Jilib duqeynta ka dhacday ayey saraakiishu sheegeen in lala beegsa day guri la aaminsan yahay in uu daganaa mid kamid ah saraakiisha sare ee AlShabaab lamana hubo wixii ka dhashay oo khasaare ah.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afri ca ee AFRICOM ayaa sidoo kale shalay gelinkii dambe sheegay in duqeyn lala bee gsaday xubno Shabaab ah oo ku sugan degmada Jilib.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta Mareykanka ay sheegeen, waxa ana AFRCOM ay sheegtay inay weli qiim eynayaan.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale warba ahinta u gudaha u sheegay in ay diyaarado dagaal duqeeyeen degmada Ja maame ee gobalka Jubada dhexe, duqe yntaas oo aan ilaa hada la soo sheegin wa xqasaare ah oo ka dhashay.Dhowr jeer oo ah xigasho:caasimadaonline.com

SARKAAL KA TIRSAN CIIDAMADA UGANDA OO BEESHA CAALAMKA UGA DIGAY ARRIN HALIS AH OO KU SAABSAN SOOMAALIYA

Amisom-324x160 Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Ugnda ayaa ka digay in wakhti loo qa bto ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, wux uuna soo jeediyay in laga fiirsado ciidamada la dhimayo.

Mbasu Mbadi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Difaaca Uganda ayaa sheegay in Uganda ay waxqabad muuqda ka sameeyeen Soomaalia mar uu magaalada Muqdisho kula kulmay taliyayaasha ciidam ada dalkiisa eek u jira hawlgalka AMI SOM.Taliye ku xigeenka wuxuu soo ban dhigay sida ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa wadankiisa Uganda ay hormu ud ugu yahiin hormarka ay dowladda Soomaaliya sameysay maadaama ay ha dda maamusho magaalooyin waaweyn oo aysan markii hore gacanta ku heynin.

"Dhiigeena iyo dhididkeena ayaa ku daatay nabadda Soomaaliya, hadda gan acsigu waa mid furan, Dowladdana wey shaqeyneysaa, si aan la mid aheyn 2007, waxeyna wakhtigaas ku shaqeyneysay Kenya” ayuu yiri Mbasu Mbadi.

Hadalkaas kasoo yeeray wuxuua ahaa mid uu digniin uga dhigayo beesha caal amka kuwaas oo ku fakaraya iney wakhti u qabtaan bixitaanka ciidamada Uganda ee gudaha Soomaaliya ama in la dhimo, wuxuuna soo jeediyay in mar walba arinta lagu saleeyo sida ay xaaladda Soomaaliya tahay.

SOOMAALIYA OO KENYA KAGA ADKAATAY SU UQ GANACSI OO AAD MUHIIM U AH

london_bridge_permission_2 Soomaaliya ayaa Kenya uga adkaatay loolan loogu jiray u dhoofinta xoolaha dal ka Cuman, gaar ahaan lo’da, waxaa sida as weriyey wargeyska Africa Inte lligence.

Wargeyska ayaa sheegay in kulan hor aantii bishan November dhex maray saf iirka Cuman ee Kenya Saleh Sulaiman Al Harthi iyo wafdi ka socday rugta ganacs iga Kenya uu safiirka shaki xoogan ku gel iyey xiriirka dalkiisa iyo Kenya.

Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaaye en ganacsatada lo’da ee Kenya ayaa niy ad jab kala laabtay kadib markii Cuman ay sheegtay inaysan hadda iyo wixii ka dam beeya iibsan doonin lo’da Kenya.

Safiirka ayaa go’aankaas qaatay inkas ta oo ay horey u jirtay in kulan dhacay 15kii October looga hadlay iibsiga Cuman ee lo’da Kenya, hase yeeshee aan heshiis la gu gaarin.

Saleh Sulaiman Al Harthi ayaa ganacs atada Kenya u sheegaty in hadda iyo wixii ka dambeeya ay Cuman iibsan doonto lo’ da Soomaaliya, sida lagu sheegay warbi xinta.

Al Harithi, ayaa sida ay warbixintu she egtay, si shaqsiyan ah ugu ololeeyey in dalkiisa uu iibsado lo’da Soomaaliya, maa daama Soomaaliya ay Kenya aad uga dho wdahay Cuman.

Kenya waxay lumisay suuq muhiim ah, oo Soomaaliya ay kala wareegtay, ayaa lagu yiri warbixinta.

Cuman ayaa dhoofsata lo’ aad u bad an, waxaana ka sakow midda ay ayada u baahan tahay, ay sidoo kale lo’da usii iibg eysaa dalka Iran, maadaama Iran ay saaran tahay cunaqabateyn caalami ah, oo aysan toos usoo dhoofsan karin.

QM '' NUS MALYUUN QOF AYAA KU WAXYEE LLOOWDAY FATAHAADAHA KA DHACAY SOOMAALIYA

fatahada Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’a addamnimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yee llo kasoo gaadhay fatahaadihii dhawaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, hal ka 370,000 kalena ay ku barakaceen.

Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ah aa kuwo ka baxsan xaddigii la filayay ay ay sheegtay hay’adda in ay gaab yara gel isay in badan oo ka mid ah howlihii samaf alka ee ay ka wadeen goobahaasi.

Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aadamnimada Qaramada midoobay ee OCHA, ayaa intaa raaciyay in dadka ay saama ynta ku yeesheen ay markii horaba la daa laa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka hooseeyay 70%.

Waxaa haatan soo kabanaya dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Sooma aliya, iyadoo ay samata bixinta dadkii ay waxyeelladu soo gaaray ay gacan weyn ka geysatay dowladda Soomaaliya.

NINKII WEERARKA KA GEYSTAY LONDON OO HORAY LOOGU XUKUMAY DANBI ARGAGIXISO

Ninka weerrarka soo qaadday oo booliisku magaciisa ku sheegay Cismaan Khan oo ah 28 jir,hore u ahaa maxbuus banna an ka ku joogay damiin waqtiga uuweerrarka dha cayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haween ey saddex qof oo kalana waa ay dhaawac meen.

Khan ayaa waxaa toogasho ku dilay boooliska kaddib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ninkaasi hareereeyeen, Booliiska ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso. Mas'uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 20 12kii, sida uu sheegay taliye ku xige enka boooliiska London Neil Basu. Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku shee gay in nin kaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii Diseembar 2018.

R/w/Britain ayaa Boris Johnson ayaa sheg ay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uu san wa qtiga lagu xukumay u dhammaan, Booliis ka ingiriiska ayaa iminka baaritaan ku hay a goobtii uu ku noolaa Mr Khan. BBC

DUQA MUQDISHO OO DHAGAX DHIGEY XAR UNTA GAADIIDKA IYO DHULBIXINTA DOWLA DA HOOSE EE XAMAR

dhagax-dhig-2 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha G/Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa dhagaxdhigay Xarunta Ga adiidka iyo Dhulbixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in mu ddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xar untan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaay een Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose.

"Muddadii la soo dhaafay, waxaan xoo gga saareynay inaan dibudhisno xarum ihii danta guud ee bulshada loogu adeega yay, kuwaas oo ay kaalin weyn ka qaadan ayaan bulshada Caasimadda oo si wadajir ah ugu istaagay dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyada isxilqa an ee socda.”

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xil ligan Gacanta lagu hayo dhismooyin Wad dooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabogabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu soc do.

Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Caas imadda ee sanadkan oo lagu soo celinayo xarummo dowladood, goobo nasasho iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muhiim u ah horumarka Caasimadda.

FAAHFAAHIN DILKA MUQDISHO LOOGU GEYS TAY GEN YUUSUF CAGAY

General Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey oo ka tirsan Ciidanka xoogga dal ka Soomaaliyeed ayaa lagu dhex dilay gur igiisa oo ku yaalla Xaafada Warshada caa naha ee degmada Hodan.

gen yusuf cageyDilka Waxaa geystay Sarkaal kale oo ka tirs an Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la sheegay inuu muran dhex maray Generaalka la dilay.

Ruuxa dilka geystay ayaa isku dhiibay ilaalada xerada Qeybta 12ka Abriil oo u dhaw halka uu falku ka dhacay Sida uu Risaala u xaqiijiyay Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Sarkaalka, waxaana hadda baaritaa no ku bilaabay Saraakiisha Ciidanka xoog ga iyo Booliska oo gaaray goobta uu falku ka dhacay.

WASIIR SADIIQ OO BRUSSELS WADAHADALLO KULA LEH MADAXDA URURKA MIDOWGA YURUB

Sadiiq-Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulsh ada Xukuumadda Federaalka ah ee Soom aaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulma ya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub.

Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Ba rigaAfrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer lo oga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaala ha, Daryeelka Bulsha da iyo Dibuhabeey nta Shaqaalaha Rayidka.

"Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taagee rro ku yeesho dadaallada aan ku doon eyno dib u habeynta shaqaalaha iyo sha qo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Midowga Yurub ee BarigaAfr ika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qana csanyahay dadaallada socda ee dib u hab eynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulsh ada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan.

JABUUTI OO KU GUULEYSATAY GUDDOOMIYA HA BAARLAMAANKA AFRIKA

Xaamud Maxamed Cali Xumad Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ay aa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baa rlamaanka Midoobay ee Afrika.

Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in guu shiisa ay tahay mid Fursad we yn u ah dalalka ku yaalla geeska Afrika oo aysan soo marin fursaddaan sanadihii ugu dambee yay.

Xilka Giddoomiyaha Baarlamaanka Afr ika waxaa horay u haayay Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Burkina Faso Alas sane Bala Sakandé.

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Midoobey ee Afrika ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono Dimuqraadiyadda, isdhexgalka dalalka Afrika iyo Sare u qaadida dhaqaallaha. Guushaan ayaa ga artay dowladda Jabuuti ayaa kusoo be egan tahay xilli bisha june ee sanadka 2020 Dowladda Kenya kula tartameysaa kuriga Golaha amaanka ee Qaramada Mid oobey kaas oo labada dal ay tartan ugu jiraan, islamarkaana Jabuuti ay wali sa meyn karto galangal dhanka Codadka ah.

ODAYAASHA & WAXGARADKA CADAADO OO GO’AANO SOO SAARAY

Kulan ay Shalay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku yeesheen Oda yaasha & Waxgaradka Magaaladaas ayaa waxaa ay ku sheegeen inaysan ka qeyb aheyn hanaanka dhismaha maamulka Gal mudug ee dowladda dhexe ay ka bilowday Magalada Dhuusamareeb.

Warsaxaafadeed ay kulankooda ka soo saareen ayaa waxaa ay ku cadeeye en inaysan jirin jirin cid ku metesha dhis maha maamulka Galmudug ee hadda ka socda M/Dhuusamareeb, islamarkaana ay san ka mid aheyn Odayaasha dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya ay Shalay xareysay.

Odayasha Waxaa ay sheegeen in marnaba shirka asi ka qeybgaleyn ilaa laga xaliyo tabash ooyinka ay qabaan,isla markaana dowl adda Soomaaliya looga baahan yahay xa linta tabashada ay qabaan si wax walba oo jira xal looga gaaro.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xuku umadda Soomaaliya ayaa Shalay Xarey say odayaasha dhaqanka ee Galmudug, waxaana ay soo bandhigtay Liiska Saxiixa yeyaasha Galmudug oo ay sheegtay in ay soo xuli doonaan Xildhibaanada Galmu dug.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO GUDDOOMIYE DOORTAY

75439347_2642688042684105_7861866549324283904_n-696x247 Guddiga doorashooyinka Somaliland ay aa kulan ay ku yeesheen M/ Hargeysa ku doortay Gudoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka.

Cabdirashiid Riyo Raa c ayaa loo doortay gud doomiyaha guddida do orashooyinka Somalil and.

Riyo Raac waa xubinta muranka ugu ba dan ka taagan yahay ee xisbiyada mucaa radka iyo Xukuumaddu isku hayaan.

Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in uu u qalmo xilka, islamarkaana uu leeyahay qibrad ku filan. Doorashadda Guddiga ay sameeyeen ayaa timid xilli Cabasho bad an ay ka taag an guddiga doorashoo yinka Somaliland, sidoo kale Muddo kororsi ay sameysteen labo Gole ee Som aliland

C/XAKIIN MAALIN "MA JIRAAN CIIDAMO ITOO BIYAAN OO AAN AMISOM KA TIRSANEYN OO DHUUSAMAREEB YIMID”

malin Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed Maa lin oo ah Xogha ya ha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa bee niyay in magaal ada Dhu usamar eeb ay soo gaar een Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirs aneyn howlgalka AMISOM.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebo ok ayaa si u muuqatay difaac iyo beenin u ga hadlay wararka sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay gaareen Dhuusamareeb, isagoo nasiib darro ku tilmaamay warka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo qeyb ka ah Xisbiga Himilo Qaran oo uu qeyb ka yahay.

"Waxaan rabaa inaan dadka Soomaal iyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wad aago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciid ama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tir saneyn”ayuu yiri Xildhibaan C/xakiin Maa lin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciid amada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay horay u joogeen Dhuusamareeb muddo aan ka yareyn saddex bilood, isagoo tilmaamay in Ciidamadaas ka wada tirsan yihiin AMIS OM.

"Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo ku wa Itoobiya oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, ha yeeshee ciidamadaasi waxay ka wada ti rsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logistica da ah”ayuu hadalkiisa ku daray.

"Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamar eeb innaga ayaa ku sugan oo xogogaal u ah waxa ka jira,Mucaaradnimadu waa ina aney ka hor imaan danaha dadka aan mat alno, waana in aan lahaanno aragti ka du rugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiin ta.

Xildhibaan C/xakiin Maalin ayaa muddo oyinkii u dambeeyay ku sugnaa Dhuusa mareeb oo ah deegaanka uu ka soo jee do, waxaa Xildhibaanka uu qeyb ka ahaa xildhibaano dhowr ah oo wax ka dhisayay Musharax Madaxweynaha Galmudug Ax med Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay Xuk uumadda wadato.

MADAXWEYNAHA KENYA OO SHEEGAY IN CIIDANKIISU AY SII JOO DOONAAN SOOMAALIYA

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Ke nyatta ayaa sheegay in ciidankiisu ay ba aqi ku sii ahaan doonaan Soomaaliya, ka dib Khudbad uu jeedinaa yay Cutubyo ka tirsan Cii danka Kenya.

Uhuru Waxaa uu sheegay ma daxweyne Kenyatta in Do wladdiisu ay ka go’an tahay la dagaalan ka Al shabaab, isagoo xaqiijiyay in ay ka sii mid ahaan doona hawlgalka midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya si wad ajir loogu ciribtiro AlShabaab gobolka oo dhan.

"Ciidammadeennu waxay sii wadi doon aan inay ka mid noqdaan kuwa AMISOM illaa halista ka imaanaysa kooxda xagjirka ah ee dalka khalkhal galinaya lasoo Afj aro” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Isagoo intaas raaciya "Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah in ay nabad waarta iyo horumar waara ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.”

Askarta KDF ayaa loo soo diray Sooma aliya Sanadkii 2011 kadib dhowr weerar oo ay AlShabaab ku qaadeen Gudaha dal ka Kenya. Markii dambe waxay ku biireen ciidammo ka kala socda Uganda, Burundi iyo dalal kale oo Afrikaan ah oo qayb ka ah AMISOM.

AJANABIGA AAN SHARCIGA KU SOO GALIN SOMALILAND OO SHALAY LAGA RAAFAYEY MAGAALADA HARGEYSA

Ciidanka Booliska Somalilanda ayaa sa aka magaalada ka qabqabanayey Oroma dda aan sharciga ku so galeen wadooyin ka dawarsada iyo kuwo ka shaqay sta ee aan haysan sharcigii ay ku joogayeen.

Ciidamadda Bilayska ee Somaliland ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey wa xa ay M/Hargeysa ka dhex qab Qabanaay een dadka Oromadda ah ee ka dawars ada Meelaha bulshadu isku gu Timaado.

Meelaha laga Qabqabanaayo Dadka Oromadda ah waxa Ka mida Suuqyadda iyo istaanadda ay Shcabku ka raacaan Ga adiidka Basaska u kala goosha Xaafadda ha M/Hargeysa, waxaana ka mida Istamad da Basaska ee Oromadda Dawarsan jirtay laga raafayo Istaanka ay ka baxaan Basas ka u Baxa Xaafadda Biibsiga, Jigjigayar, Calaamaddaha,Qudhac dheer, Idaacadda iyo dhamaan goobaha Basaaska dadka raacaan ka baxaan, kuwaas oo dalkoodii dib ugu celinayey.

Sidoo kale, meheradaha ay ka shaqe eyaan ajanabigu ayaa la waydiinayey shar ciga ay ku soo galeen iyo ka ay dalka ku joogaan, hadii laga waayana dibaa loogu celinaye.

Ma jirto ilaa hadda Madaxda laamaha amniga ee Somaliland faahfaahin ay ka bi xiyeen sababta ay Dowladda Somaliland u raafayso Oromadda Hargeysa Ku sugan ee dawarsan jirtay balse waxa jirtay mudooyinkii u dambeeyey Cabashooyin bulshada reer Somaliland ka muujinaysay dadyowga Oromadda ee Somaliland guda heeda Ku sugan oo Hab dhaqankooda cabasho xoogan laga muujinaayo.

KAMAAL GUUTAALE "CIIDAMADA ITOOBIYA ANKA MA CODEYN DOONAAN, WAXAA COD EYN DOONA XILDHIBAANO SOOMAA LIYEED”

GUUTAALE (1) Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Galmudug, ayaa ka hadlay Ciidamada Itoo biyaanka ee la soo sheeg ayo iney gaar een magaa lada Dhu usaMareeb ee xarun ta G/G/gaduud.

Guutaale oo geli nkii danbe ee Shalay Suxufiyiinta kula had lay magaalada Muqdi sho, ayaa muujiyay wal aaciisa ku aadan si da ay noqon karto doo rasho loo adee gsn aayo Ciidamo Itoobiy aan ah, wuxuu na ma daxda sare ee dalka xusuusiyay in waxa wax dooranayaa ay san eheyn Ciida nkan Itoobiyaanka ee sif aha baalmarsan sharciga ku jooga Caas imadda Galmud ug. "Do wladda waxaan ra baa inaan iraa hdo ku kalsoonaada shacab kiina, Ciidam ada Itoobiyaanka ma codeyn doonaan, wa xaa codeyn doona Xildhiba ano Soomaaliy eed oo Odayaalo Soomaal iyeed soo xu leen, Iy agaasaa waxaan lee yahay ku kalsoonaa da, Codka ka raadiya, Ciidamo Itoobiyaan ah jujuub iyo caburin Soomaali waa la gu kari waayay, Reer Galmudugna maba ku sii jiraan” ayuu yiri Musharax Kamaal.

Musharaxa Madaxweyne Kamaal Daa hir Xasan (Guutaale), ayaa dhinaca kale ku amaanay Hoggaanka sare ee maamul ka AhluSuna sida ay u sameeyeen tanaa sulaad fara badan, si loo helo maamul ka shaqeeya danaha dadka dega deegaan ada Galmudug.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu dhanka kale Madaxda sare ee dalka ka dalbaday iney xal deg deg ah ka gaaraan heshiisyadii AhluSuna loogu soo biiriyay maamulka Galmdug, wuxuuna carabka ku goday in darajooyinka loo xiray Ciidamada oo kaliya ay tahay waxa ka dhaqan galay heshiisyadii dhacay.

Musharax Kamaal Guutaale ayaa ugu danabeyntii dhaliilay Jadwalka doorasha da Galmudug ee todobaadkii hore ay soo saareen Guddiga Farsamada ee dowlad da u xil saartay Galmudug, isagoo sheeg ay iney jiraan cabashooyin ka soo yeeraya Hoggaanka AhluSuna iyo beelaha qaar ee dega Galmudug.

GOBOLKA MAROODI JEEX OO KU GUULAYS TAY TARTANKII FARDAHA EE GOBOLADDA SOMALILAND KU TARTAMAYEEN.

tartanka faraskaGobolka Maroodi jeex ayaa ku guulaystay tart ankii Fardaha ee M/Har geysa ka socday oo ay iskugu yimaadeen gobol ada waaweyn ee Somaliland.

Tartankii u dambeeyey waxa iskugu soo hadhay gobolka Saaxil iyo gobolka Maroo di jeex oo laba nin oo walaalo ahi kala wat een 2da faras ee tartamaya, waxaana guu shu raacday gobolka Maroodi jeex.

Tartankan oo loo bixiyey Tartanka Gam aan Faras oo labadii jimce u dambeeyey ka socday garoonka weyn ee kubada ca gta ee magaalada Hargeysa waxa guushu raacday faraskii gobolka Maroodi jeex oo uu watay Muuse Iid.

Wasiirka Ciyaaraha, iyo masuuliyiinta G/Maroodi jeex ayaa soo xidhay tar tankiii Fardaha oo markii ugu horeysay Somali land ka qabsoomay.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA ITOOBIYA OO KA HOR YIMID NIDAAMKA MIDAYNTA XISBIYADA DALKA ITOOBIYA

wasiir itopiaWasiirka Gaashaandhigga ahna ku xigeen ka Xisbiga ODP ee deg aanka Or omiya ka taliya Lamma Magersa ayaa sheegay in uu kasoo hor jeedo midaynta xisbiyada dalka ee EPP iyo nidaamka MADAMAR ee uu layimid Ab iyi Axmed.

Lamma Magersa ayaa arrintan ka she egay mar uu u waramayay laanta Afka Or omada ee VOA, inkastoo sida wararka qa ar sheegayaan waraysigan markii hore la hakiyay sababo aan la caddayn haddana Caawa ayay baahisay laanta Afka Oromada ee VOA.

Hadalka Lamma Magersa ayaa kusoo aadaya xilli la rabo in dalka oo dhan laga hirgaliyo arrimaha ku saabsan midaynta xi sbiyada dalka. isla markaana arrintan aya a dhabarjab ku noqon karta siyaasadda cu sub ee Abiyi Axmed rabo inuu dalka ku hoggaamiyo.

Lamma Magersa ayaa ahaa ninka ugu soo dhaw Abiyi Axmed, wuxuuna hayaa xil ka ugu sareeya dawladda isagoo awood badan ku leh gudaha degaanka Oromiya ee ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Abiyi Axmed ODP ayaan wali ka jawaabin had alka ku xigeenkooda Lamma Magersa.

GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO GUDDI U SAARAY XAYIRAADII SAFAR EE XILDHIBAAN DALEYS

Daleys-632x420 Guddoonka G/Shacabka ee Baarla maanka Federaalka ayaa u saaray Guddi xaqiiq raadin ah oo warbixin dhameystiran ka keena xayiraadii safar ee lagu sameeyay 25kii bish an lagu sameeyay Xi ldhibaan Daleys Xas an Aadan, xilli ay ka dhoofi rabtay garoonka diyaaradaha Muqd isho. Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha G/Shacabka oo loo diray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha ayaa lagaga dalbaday in muddo la bo todobaad gudahood Baarlamaanka ku horkeenaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay Xildhi baan Daleys Xasan Aadan.

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan ayaa sheegtay in maalintii isniintii ay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay is hortaageen xilli ay ku soo jeeday degmada Luuq, isla mar kaana markii ay garoonka tagtay oo ay bi xi rabtay lagu wargeliyay in aanay bixi kar in, sidaasna looga reebay diyaaradda.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarla maanka ayaa cambaareeyay tallaabada la gu xayiray Xildhibaanada, waxaana ay u gu baaqeen Guddoonka in arrintan lagala xisaabtamo Hey’adda NISA, iyagoo qaar kood soo jeediyay in loo yeero Taliyaha NISA, si wax looga weydiiyo.

RA’IISAL WASAARAYAAL HORE OO KA QEYB GALAY SOO DHOWEYNTA SHAQSI MAGAC WE YN KU LEH ISBOORTIGA SOMALIYA DR. CALI CUSMAAN

Waxaa loo Sameeyey Soo dhoweeyn middii ugu heer sareeysay ee lagu soo dhoweeyo shaqsi usoo halgamay qaranka Soomaaiya dhinaca ciyaaraha Dr,Cali Cu smaan Cali oo tababare usoo noqday Xul kii kubadda koleyga ee Wiilal iyo Gabdho sisoo kalena ahaa xoghayihii guddiga olo mbikada Soomaaiyeed ee GOS.

CALI M DR Cali oo dhaq dhaqaaqa Sportiga si doo kale ka waday dalka dibadiisa gaar ahaan Magaalada Atlanta e Mareyka ayaa waxaa soo dhoweyntiisa usoo xaadirtey inta badan bahdii Sportiga ee beri samaad kii haddii ay noqn lahaayeen Ciyaaryaha nno, tababarayaal, maamulayaal garsoor iyo taageerayaal, waxaa sidoo kale kamid ahaa dadka xaadirka ahaa, labo masuul oo bahda Sportiga ka mid ahaa sidoo kal ena soo noqday Reysulwasaarayaal.Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Maxamed Ca bdi Yuusuf oo reysul wasaarayaal kasoo noqdey dalka ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin in Dr cali Osmaan oo qa ranka usoo shaqeeyey uu markale dalka kusoo laabto, wuxuuna tusaalle fiican u yahay beey yiraahdeen in bahda kale ee qurbaha jirta ay dalkooda kusoo laabtaan. "Dr Cali waxaanu ahayn isku jaamacad si doo kale isku School, waxaan ogahay inuu ahaa nin daacad ah nadiif ah oo aan ku xusuusto kaaintiisa horumarinta ciyaaraha dalka aad ayaan ugu soo dhoweynayaa dalka sababtoo ah weli qaranka ayaa u ba ahan” ayuu madasha ka yiri Prof Cali Maxamed Geeddi.

Gudoomiyaha xiriirka kubadda kolley ga Cabdullaahi Nuur maxamed (caddaani) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad u gu mahad celiyey Dr Cali Osmaan oo uu sheegay inuu ahaa shaqsigii ku garabsi iyey inuu Kubadda koleyga ka noqdo ga rsoore ilaa uu gudoomiye ka gaaro, wuxu una ballan qaaday in xiriirka kubadda kol eyga DrCali ku maamuusi doono Ciyaar kubadda koleyga oo ka dhici doonta gar oon Wiish ex Lugino.

Sucaad Cabdullaahi Gallow oo kamid ahaan jirtey kooxihii dalka iyo Xulka Qar anka koleyga iminkana Gabdhaha Xulka tababare u ah,ayaa aad uga sheekeysay Drcali kaaintii uu ku lahaa horumarinta Ci yaaraha sidoo kale ku tilShalayy inuu ah aa shaqsi u Xaq soora dhamaan ciyaary ahanadii uu soo tababari jire heer naadi iyo heer Qaran.

"Dr Cali intaa kuma ekaan ee markii u tegey Qurbaha wuxuu sii waday horumar inta ciyaaraha isagoo soo saaray ciyaar yahano da’yar oo Soomaai ah oo Atlanta ku meteleysay tartamada ka dhaca North America, dhabtii waa shaqsi wax dhaqaale ah ka dooneyn Sportiga isla markaana ah Aqoon yahay dhinaca Dhaqaalaha ka bax ay” ayey tiri Mss Gallow.

Dhamaan Dadkii Magaca lahaa ee goobta ka hadlay ayaa DR Cali Cismaan ku ama anay kaaintiisa horumarineed ee ciyaar aha dalka iyagoo u rajeeyey in weli dalku u baahan yahay oo kaalintiisa ka qaato mar kale.

Dr Calu Cismaan Cali oo ugu danbeyn tii munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyey Milkiilaha Hotel maka A Mukarama ee soo agaasimey Munaasa badan Soo dhoweynta iyo guud ahaan ba hdii Sportiga ee goob jooga u ahayd isa goo ka shekeeyey dhaq dhaqaaqii soo no oleynta Sportiga bur burkii kadib iyo door kii ay ku lahaayeen Rag uu isaga kamid ahaa iyo qaar kale oo uu xusey qaarkood ay geeriyoodeen qaarna ay iminka nool yihiin kuwaa oo uu ku taliyey in laga tusaa lle qaato. Drka ayaa ugu danbeyntii ballan qaad ay in bulshada Soomaaiyeed dhinaca Sp ortiga iyo Dhanka Bulshadaba uu diyaar u yahay inta noloshiisa ka dhiman inuu u sh aqeeyo shacabkiisa Soomaaiyeed waxay musaabadda kusoo idlaatay jawi is marx abeyn iyo is jaceeyl ku saabsaneyd.

MUSHARAX C/RAXMAAN ODAWAA OO WAR KA SOO SAARAY CIIDAMADA ITOOBIYA EE LA GEEYAY DHUUSAMAREEB

odawaa-mu-696x385 Musharaxa Madaxw eynaha Galmu ug C/r axmaan Maxamed Xus een Odawaa ay aa war ka soo saaray Ciidam ada Itoobiya ee la ge eyay magaalada Dhuusamareeb ee Caas imada Galmudug, halkaasoo dho waan la filayo inay ka dhacdo doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Md.Odawaa ayaa sheegay in ujeedka Ci idamada Itoobiya ee loo geeyay Dhuusam areeb ay tahay in lagu boobo doorashada, balse aanay marnaba cabsi gelineyn taas.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADE EDKA MUSHARAXA C/RAXMAAN ODAWAA:

Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomali ya ku hayso.

Madaxweynuhu maba daahin ee mar kuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xish ood laheyn u billaabay in uu dadka Sooma liyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia.

Dhacdooyinka soo socda ayaa marqa ati u ah xogtaan hoos ku xusan:

1. Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad h ayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaa hid Qalbidhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali bad an oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay Shalay nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku ko oban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd.

2. Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaay ay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi u gu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo il laa hadda aan sharciga la hor keenin.

3. Waxa uu isku dayay in uu ku weera ro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Mad oobe, laakin Madoobe oo ka khibrad bad an kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diya araddu ku dagato, sidaas ayayna ciidama dii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fa shilmeen.

4. Waxaa hadda ka socda deegaann ada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u ga ysnayaan ciidamada Ethiopia cid kasta oo Madaxweynaha ka ra’ayi duwan oo joogta deegaannadaas ama tageersan Madaxw eyne Madoobe. 5. Waxaa ugu danbeeya kuwa uu had da ku sii daabulayo Dhuus amarreeb si uu ugu boobaan doorashoo yin ka Galmudug una soo afduubaan mu sharraxiinta kasoo horjeeda aragtidooda, illeen ma aaminsa na in si xor iyo xalaal ah noga adkan karo.

Haddaba waxaan xasuusinayaa Mada xweynaha filimkaas hore ayaan usoo galn ay waxa uuna ku dhamaaday ciidamadii Ethopia oo dhammaa 50 kun oo dhaawac iyo dhimasho sita oo ka qulqulay dalkeen na. Mudane Madaxweyne waxaa Youtu beyada ka buuuxa warkaagii shalay, dha qankaaga Shalayna cid walba waa arkay asaa, wax aan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciid amada aad Dhuusamreeb ku sii daabula yso, dad ka reer Galmudug na ma aha ku wa baqdin galinta wax looga helo.

Xigashojowhar.com

PUNTLAND OO XABSIGA DHIGTAY NABADO ONNO

Wararka naga soo gaaraya M/Boosaa so ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Magaaladaasi ay xire en xub no ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee sid a weyn looga yaqaano Boosaaso.

Ciidamadda Ammaanka Boosaaso aya a xirey Laba nabadoon oo lagu kala mag ac aabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax kuwaas oo horey u dhali iley maamulka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwe yne Siciid Deni ayay ku eedeeyeen in ay ka gaabi say fulinta balanqaadyadii waqt iga doorashada, sidaas oo kale waxay ku sifeeyeen mid doonaysa in ay dalka u afdu ubto dalal Shisheeye iyo shirkado aan la aqoonin waxay yihiin.

Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan, Heshiiska DP wor ld iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dal ka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhig een.

LIISKA ODAYAASHA SOO XULAYA BAARLAM AAN KA 2AAD GALMUDUG OO LA SHAACIYEY

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda So omaaliya,Cabdi Maxa med Sabriye ayaa liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug ku ware ejiyey guddiga far samada ee maam ulka asi.

Liiska oo ka kooban 44 oday dhameed ayaa waxaa lagu wad aa in la xareeyo, si ay u guda galaan saxiixooda baarlamaan ka.

Guddiga ayaa sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay dardar galiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si ay san dib ugu dhacin doorashada baarl ama anka.

Bisha December ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan doorasho oyinka Galmudug oo isugu jira mida mad axweynaha iyo baarlamaanka ee maa mulkaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iya doo weli ay taagan tahay tabashada Ahlu Sunna oo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee gobol ka Galgaduud. Magacyada Odayaasha Dhaqanka ee saxiixayaasha Baarlamaanka Galmud ug ayaa lagu dhawaaqay iyada oo Shalay la xareynayo.

Liiska Odayaashan ayaa waxaa Guddi ga Farsamada dhis maha Dowlad Gobole edka Galmudug ku wareejiyay Wasiirka ar rimaha gudaha Soomaaliya.

Odayaashan ayaa waxaa ay soo gudb in doonaan Baarlam aanka Dowlad Gobole edka Galmudug iyada oo Bisha December ee berri billaabaneysa ay noqoneyso bi sha doorashada Guddoo miyha Baarlama anka, iyo Madaxweynaha Galmudug.

SHEEKH UMAL OO SHAACIYEY 4 KOOX OO ISKU BAHEYSTAY INTII UU JOOGAY MUQDISHO

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dib ugu laabtay magaalada Nairobi ayaa si faahfaahsan u sharaxay sababata loo baajiyay muxaadaradii uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, taasi oo markii danbe uu go’aansaday in la joojiyo ka dib markii ay mudaharaad kala hor yimaadeen culimada Suufiyada.

Sheekh Umal ayaa sheegay in baaqashada muxaadardaas ay isku baheysteen una midoobeen inay ka hor yimaadeen afar koox oo kala duwan.

” Soomaali Shiicawday, qolyo mawjadii kacdaba fuusha oo kursi ka dhex raadiya, daddana AlShabaab iyo Suufiyo isu yimid, oo kuligood dagaal ku hayaan calashaan muxadaraasi yaysan dhicin, maxaa ka dhaxeeya bal adiggu is waydii? wax kale oo ay isuggu yimaadaan ma jirto. Sheek Umal oo si dadban ugu jawaabay siyaasiyiin ka falceliayy muxaadariisa ayaa sheeegay in uu ka xun yahay in wax aysan wax ka ogayn ay soo dhexgalaan. "Qaar badan oo siyaasiyiin ah soo maydaan arag, oo dagaalka qayb ka ah, war siyaasiyoow muxaadaro la dhigayo maxaa ka galay, waxaas oo dhan baa yacni isu kaashanaya barnaamijka halaga tago.” Ayuu yiri Sheekh Umal.

Gabagabadii Sheekh Umal ayaa ka sheekeeyay dhibaa ada baraha bulshadu keeneen, iyo dadka badan ee Soomaaliye ed ee sida qaldan wixii lasoo geliyo u qaata, waxaana uu sheegay in dhowr waxyoobood oo dhacay mudadii uu joogay magaalada Muqdisho laga been sheegay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip