Dhismaha Maamulka Galmudug oo gaabis uu ku yimid

0
Monday November 25, 2019 - 13:47:50 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismaha Maamulka Galmudug oo gaabis uu ku yimid

    Dhismaha maamulka cusub ee Galmudug ayaa si gaabis ah uga soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoo dadkuna ay bilaabeen inay wax iska weydiiyan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhismaha maamulka cusub ee Galmudug ayaa si gaabis ah uga soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoo dadkuna ay bilaabeen inay wax iska weydiiyan.

Dowladda oo bishii hore si dardar ah ku waday dadaalada maamulka cusub loogu soo dhisayo bulshada reer Galmudug ayaa waxaa mar keliya la dareemay inay dadaaladaasi gaabis noqdeen.

Dadka reer Galmudug ayaa waxay wax iska weydiinayan waxa helay dadaaladii dardarta ku socday ee ay waday Dowladda Federaalka Somaliya iyo caqadaha dowladda ka hor gudban inay dhismaha Galmudug dardar-geliso.

Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Somaliya oo iyadu ah cidda looga dambeeyo dhismaha Galmudug-ta cusub, ayadoo la kaashanayso odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaan ka hadlin gaabiska ku yimid dadaaladii socday.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bishan sii dhamaanaysa laga doonayay in ay soo diyaariso ergadii soo dooran laheyd Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaan hadda taasi wadadeeda ku taagnayn.

Magaalada Dhuusamareeb-na waxaa laga soo sheegaya inaanay magaalada u muuqan mid isu diyaarineyso inay marti-geliso Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee Galmudug. Magaaladu waxayba u muuqataa mid indhaha isu haysato.

Sidoo kale magaalada ayaa waxaan ka socon ololaha ay musharaxiinta isugu diyaarinayan tartanka loo gelayo Xafiiska Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, waxaana magaalada ka maqan inta badan musharaxiinta.

Waxaa kaloo xusid mudan in dhaqdhaqaaqii Garoonka Ugaas Xasan uu isaguna gaabis weyn ka jiro. Diyaaradaha rakaabka wada ee ka degaaya Garoonka Ugaas Xasan ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaad arkeysaa inaysan kordhin tirada rakaabkii ay gayn jireen.

Bashiir Nageeye oo ka mid ah dadka reer Dhuusamareeb ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ku dhaliilay inaanay dadka la socodsiin halka ay wax marayan, taasina ay qayb ka tahay caqabadaha hor gadaaman dhismaha maamulka cusub.

Bashiir Nageeye oo la hadlay Dhacdo.com ayaa qaba in sartu ay meel uun ka qurunsan tahay, bale aanay si dhab ah u abaari karin halka ay tahay, cidda keliya ee iftiimin kartana ay tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Si kastaba ha-ahaatee gaabiskan ayaa wuxuu soo ifbaxay, ka dib markii ay Dowladda Federaalka & Ahlu Sunada Galmudug ku kala fogaadeen dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug la wada leeyahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip