
Muxuu Sheekh Umal uga jawaabay eedeyntii ahayd 'in dad badan hadalkiisa lagu laayay'?
ยง
Shan arrimood oo diinta la xiriira oo baraha bulshada Soomaalida qabsaday
Sheekh Soomow ayaa gaashaanka u daruuray warar la isla
dhexmarayay oo sheegayay inuu ka careysan yahay sababtii loo soo marsiin waayay
dhaqaalihii uu Sheekh Umal waday ee loogu talagalay dadkii ku waxyeelloobay
fatahaadaha wabiga Shabeelle.
"Taasi waa dacaayad raqiis ah, aniga iyo isaga isma
naqaanno, waligeenna iskama hor imaanin, dhaqaalahaasna anigu waxaan qeyb ka
ahay guddiga guud", ayuu yiri.
Dhinaca kale, Sheekh Umal, oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa
ka jawaaby arrintan, wuxuuna beeniyay dhammaan eedeymaha uu soo jeediyay Sheekh
Soomoow.
Isagoo ka hadlayay arrintaas ayuu yiri: "Anigu ma ogi wax
dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay
unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu
kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay
qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa
dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni
baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha
wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay,
adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u
hadleen".
Wuxuu sidoo kale Sheekh Umal iska fogeeyay eeeymaha la xiriira
in hadalkiisa lagu laayay dad suufiyo ah iyo inuu 'gaaleeyay' Ahlu Sunna.
"Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan
yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama
dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan
yahay inuu caddeeyo".
Sheekh Umal oo saldhiggiisu uu yahay dalka Kenya ayaa maalmahan
ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu gaarsiiyo
kaalmada, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda xukuumadda Federaalka, oo uu ugu
horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xigasho:BBC
Muxuu Sheekh Umal uga jawaabay eedeyntii ahayd 'in dad badan hadalkiisa lagu laayay'?
Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culumaa'udiinka Soomaalida ayaa shaaciyay inuu maalinta Jimcada ah ee 22-ka bisha November, 2019-ka, garoonka Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho ku qaban doono muxaarado, haseyeeshee waxaa arrintaas