HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADI SHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA NOVEMBAR 2019-KA

0
Sunday November 17, 2019 - 10:10:34 in Wararka by
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADI SHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA NOVEMBAR 2019-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY XUBNO KA TIRSAN ISXILQAAMEYAASHA HOWLAHA GURMADKA FATAHAADAHA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY XUBNO KA TIRSAN ISXILQAAMEYAASHA HOWLAHA GURMADKA FATAHAADAHA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno ma talayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fata haadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaali yadda Soomaaliyeed ee Kenya.


farmaajo oo qaabilay

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saab san dadaallada gurmadka ee shacabka Soo maaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaa taysan fatahaadda waxa uu ka dhag eystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hogg aaminayey xubnaha guddi ga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mud naanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qe yb qaadanayaan gurmadka.

Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday isxilq aameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taak uleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaala hooda ay waxyeelleeyeen fatahaaduhu.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay gud diyadan isxilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dow laddu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu same ynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.

BEESHA CAALAMKA OO SOO DHOWEYSAY HESHIISKII MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO KENYA

beesha-caalamka Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark,Egypt,Ethiopia, European Union, Fi nland, France, Ger many, IGAD, Italy, OIC,Sweden, Turk ey,Uganda, UNS OM iyo Maraykan ka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay madax da dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaare en caasimada dalka Kenya ee Nayrobi.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in he shiiskii 14kii bishan ay ku gaareen magaal ada Nayrobi Madaxweyne Farmaajo iyo Uh uru uu ahaa tallaabo qiime leh oo lagu xooj inayo xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.

"Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaq si ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Soom aaliya iyo Kenya. Waxaan hoosta ka xariiqe ynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,”ayaa lagu yiri bayaanka.

Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaa soo sii xoojinaya xiriirka labada dal.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO BILAABEYSA TIRA KOOBKA SHARCIYADA DALKA

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xus een Xaaji ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira sameynta tirakoob ka sharciyada dalka.

cadaaladda-1024x683Tababbarkan oo socon doo no muddo labo cisho ah, is la markaana lagu baran doono habraaca sharci qorista oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda ayaa waxaa ka qeyb galay Howlwadeenada Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Cadaaladda XF/Soomaaliya Ab uukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kula dar daarmay shaqaalaha tababarka loo furay in ay ka faa’iideystaan fursadda soo martay, ay na uga faa’iideeyaan inta aan nasiibka u ye elan, ayna ka soo dhalaallaan howlaha loo igmaday.

"Arrinta Shalay la idinku yeeray waxa ay tahay inaad ka qeyb gashaan tababarka oo wacyi gelin ahaan u joogtaan xafiisyada aad joogtaanna si daacad ah ula shaqeysaan, id inkoo aad ilaalineysaan sharciga dalka u de gsan, ahmiyadda labaad ayaa ah in la joog teeyo wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’ adaha ku shaqada leh” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

"Wasaaradda Cadaaladda waxa ay shaqad eedu tahay inay arruuriso sharuucda dalka u degsan, keydiso iyadoo kaashaneyso xafiis ka Garyaqaanka guud oo shaqadooda tahay inay soo saaraan faafinta rasmiga ah, marka waxaa loo baahanyahay in sharuucda dalka loogu soo hagaago Wasaaradda Cadaalad da iyo xafiiska garyaqaanka Guud” ayuu ha dalkiisa ku daray Wasiirka oo shaaciyay inay qorsheynayaan hirgelinta maktabad lagu keeydinayo sharuucda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Wasaara ddu ay tirikoob ku sameyn doonto sharuuc da dalka laga soo bilaabo xiligii maxmiyadda ilaa iyo markii la qaatay xoriyada dalka.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY M/DOOXA EE DALKA QATAR

unnamed-1-3Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federa alka Soomaaliya Md.Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamina yo ayaa gaaray mag aalada Dooxa ee xar unta dalka Qatar.

Md.Khayre iyo wafd igiisa ayaa mas’uuli yiinta dowladda Qat ar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojin ta xiriirka labada dal iyo iskaa shiga dhinacy ada amniga iyo dhaqaalaha

R/Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar sha qo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgi um, halkaas oo ka qayb galka madasha nab adda Paris kadib uu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas'uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka.

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO MAGAC AABAY TALIYEYAAL CUSUB

Ta-1-720x430Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliya ha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa wax aa lagu Magacaabay Saraakiil ka tirsan Ciida nka Booliska Soo maaliya.

Taliye Cabdi Xasan Xijaar ayaa Magaca abay Taliyeyaasha Ciidamada Akadeemiya da, Garoon ka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Laanta Miina Baarista.

Hoos ka Akhrio Magacyada.

1) G/Sare Cabdikariin xuseen Mcalin Taliyah aAkadeemiyada Gen.kaahiye

2) G/le Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Sa ldhigga Airporka

3) G/Le Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista Ugu dambeyntii Taliye yaashan Cusub ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

SOO XULISTA XILDHIBAANADA BAARLAMAAN KA 2AAD EE K/GALBEED OO BILAABMEYSA

X-3-750x430Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiyiinta Dowladda Fedaraalka Sooma aliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Howlo sha qo ujoogay Baydhabo ayaa Shalay dib ugu laabtey Magaalada Muqdisho, wuxuna gar oonka Diyaaradaha Baydhabo ka sii sagoot iyay Guddomiyaha Baarlamanka KGS Md. Cab duqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Was iiro, Xildhibaa no iyo Mas’uliyiin kale.

Ujeedada Baydhabo maalmaha u jo ogay Baydhabo Wasiirka ayaa aheyd sii wa datashi ula sameyn lahaa Mad axweynaha KGS Md.C/Casiis Xasan Maxamed Laftaga reen iyo Guddomiy aha Baarlamanka oo kala hadleyay si dii loo soo xuli lahaa Xildhiba ano ka Shaqeya horumarka iyo dowladnim ada Koonfur Galbeed.

Guddoomiye C/dir Shariif Sheekhuna Ma ye warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wasiir Cabdi Maxamed Sabriye sacadihii uu joogay isaga iyo Madaxweyna ha iyo Guddoonka Baarlamanka KGS ay ka wadaha hadleyn sidii loo soo xuli lahaa Ba arlaamanka labaad ee maaamulkaas

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Fe deraalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa hog aanka sare ee Koonfur Galbeed uu kala hadl ay soo xulista Xildhibaanada iyo Doora shada Guddoonka Baarlamaanka.

XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOMALILAND OO GANAAX LAGU RIDAY

Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada so maliland ayaa laga ganaaxay inay ka soo xa adiraan fadhiyada golahaasi yeelanayo.

barlamanka buntlndGudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Max amed Faarax ayaa amar uu soo saaray wa xa uu ku sheegay in sadex xildhibaan oo tir san golahaasi aanay ka soo xaadiri Karin fadhiyada mudo sadex cisho ah.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac nac oo ka mid ah mudanayaasha gudoo miye Baashe ganaaxa saaray ayaa warbaa hinta uga waramay sababaha keenay gan aaxa ku dhacay.

Xildhibaan Nacnac oo ka hadlaya sabab ta ganaaxiisa ayaa waxa uu yidhi "Horta waligay ma ihi ninka habsaam ay oo shahaa do sharaf ayaaba laygu siiyey baarl amaan ka, laakiin ninkan la ansixinayo ee wasiirka warfaafinta ayaan uga soo baxay golaha wa anan diida nahay markaa kab iyo xaarkeed waa laysku tuuraa oo wasiir maaha waana nin liita oo waa babqaa wixii lagu shubto ay uun buu sheegaa, afhayeena ka xun dawlad an xaaji muuse ayaanu ka tirsan yahay wa ligayna haddii laygu eedaamayo ansixin maayo.”

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY XEER ILAALIYAHA GUUD QATAR, KA HOR INTA UUSAN NAIROBI KA SOO BIXIN

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay kul an qarsoodi ahaa oo magaalada Nayrobi ay ku yeesheen Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Qatar, kulan kan ayaa dhacay maalin ka hor, inta uusan Madaxweyne Farmaajo ka soo tagin Nairobi.

FARMAAJO OO NEYROOBI KULA KULMAY XEERILAALIYAHA QADARMadaxweyne Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa iska wada hadlay xaalada lab ada dal, xiriirkooda, iyagoo isla gartay in lab ada dal ay iska kaashadaan xoojinta shuru ucda iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka xukuumadda Doxa u fadhiya waddanka Kenya, kaasoo lahaa qaban qaab ada isu keenida labada Mas’uul, sida ay qor tay Warbaahinta dalka Qatar.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qarisay kulanka, iyadoo qeybtooda Warfaafinta ay san Saxaafada u soo bandhigin kulanka ma gaalada Nairobi ku dhex maray Madaxwey ne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri maalin ka hor.

Dowladda Qadar ayaa safka hore kaga jirta wadamada ugu dhow ee taageera kala duwan siiya maamulka uu Hoggaamiyo Mad axweyne Farmaajo, iyadoo ka taageerta dhi nacyada Maaliyada iyo dhismaha Ciidama da, waxaana ugu danbeysay Saanadii Ciid an iyo gaadiidkii dagaal ee dhawaan ay dow ladda ku wareejisay.Xigasho:Jowhar.Com

DOWLADDA FEDERAALKA OO SOO SAARTAY WARBIXINTA SICIRKA SUUQYADA DALKA

Suuqyada-Muqdisho-750x430Wasaaradda Qorshaynta iyo maalgashi ga ayaa soo saartay warbixinta sicirka suu qa ee October iyo September 2019,taas oo qeyb ka ah warbixinta bilaha ee sicirka suu qyada dalka.

Dhammaan Tus aha Sicirka Badee cada ha (TSB) bi sha October 2019 ayaa noqday 116.25, marka la barbardhigo 116.07 ee bishii September 2019.

Isbedelka labada bilood u dhexeeya, Oc tober iyo September 2019 ayaa hoos u dha cu gaaray 0.15% Marka la barardhigo sare u kacii bishii hore ee September 2019 oo ga aray 0.57%. bisha Oktoobar, sare u kaca isb edel bille ee Qiimaha Gaadiidka lagu raaco ayaa gaaray (+2.11%). Sare ukaca ugu ba dan ayaa ka yimid shidaalka iyo saliida ga waarida oo gaaray (+9.01%) (Jaantus 2).

Guud ahaan, sicir bararka 12kii bilood ee la soo dhaafay ee bisha Oktoobar 2019 ay aa muujinaya in dhammaan qeybaha TSB hoos u dhacay 4.15% ee heerka cabirka sicir bararka, Marka la barbardhigo 12 Bilo od eebishii Sebteembar 2019 oo ahaa 5.17% .

CIIDANKA AMNIGA OO SOO BANDHIGAY 2 RUUX OO FALAL AMNI DARRO KA GEYSTAY MUQ DISHO

fiCiidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa de gmada Dayniile kusoo bandhigay labo nin oo sheegeen inay Habeen hore ay soo weerareen goob laga ilaaliyo deyniile.

Labada nin ayaa waxaa gacanta dhigay Ciidanka Ammaanka, waxaana Shalay soo bandhigay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxa med.

Labada ruux ee lasoo bandhigay ayaa mid ka mid ah waxaa uu ka dhaawacnaa lug.Gudoomiyaha gobolka Bana adir ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Cad daa ladda loo horgeyn doono labada Ruux.

Ciidanka Ammaanka ayaa dhawaan sidoo kale gacanta ku dhigay labo ruux oo dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowlad da.

NIN HUBEYSNAA OO ASKARI KU DILAY MUQ DISHO OO ISNA GOOBTA LAGU TOOGTAY

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga hel ayaa Nin hubeysnaa Bastoolad oo Shalay Gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Ba naadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda.

Goobjoogayaal ah la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u she egay in dilkan uu ka dhacay Xaafadda Siisii ee Degmada Yaashiiq, isla markaana Ninka ku hubeysnaa Bastoolada uu toogasho ku dilay Sarkaalka dowladda xili uu ku sugnaa halkaas.

Bb-1Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu ma gacaabi jiray Xiddigle Xasan Ceefow oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga, waxaana rasaas ta looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa, iyadoona ugu dambeyntii goobta uu ku geeriyooday.

Intaas kadib ruux dilka geystay ayaa isku dayay inuu goobta si deg deg ah uga baxsa do, hayeeshee waxaaa isna goobta ku dilay Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska do wladda oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Sidoo kale goobta falka ka dhacay ayaa waxaa laga qaa day Meydka Askariga dowl adda iyo Ninkii ku hubeysnaa Bastoolado ee falka u geystay oo isna toogasho lagu dilay.

Dilalka qorsheysan oo ay geysanaa raga dhalinyarada ah ee ku hubeysan Bastoola daha ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo badanayay M/Muqdisho, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay Magaalada la gu dilay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidan ka, hayeeshee waxaa mid ka mid ah ragii fuliyay falkaas la dilay, halka kuwo kalena la qabtay.

QM OO SHAACISAY IN CIIDANKA KENYA EE JOOGA SOMALIYA AY BEEGSADAAN XARUM AHA SHIRKADDA HORMUUD

Iyadoo dhowr Ciidanka Kenya ee ku su gan Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta dalka ay weeraro kala duwan ku qaadeen dhowr Xarumood oo ay laheyd Shirkadda Isgaarsi inta Hormuud ayaa waxaa arrinaas ka hada shay Qaramada Midoob ey.

Guddiga Qaramada Midoobey u qaabil san dabagalka cunaqabateynta hubka ee sa aran Soomaaliya iyo Arrimaha Ammaanka ayaa shaaciyay in Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay Mas’uul ka yih iin weeraro Khasaaro hantiyeed geystay oo lagu qaaday dhowr jeer Xarumood oo ay la heyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Xarumaha ay laheyd Shirka Hormuud ee we erarka lagu qaaday ayaa ku yaalla Koonfur dalka Soomaaliya, waxaana weeraradaas ay ahaayeen kuwa u badan Miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah, isla marlaana sababay in deegaanka badan oo halkaas ku yaalla marar badan ay Isgaarsiinta ka go’do.Warsaxaafaeed kasoo baxay Shirkadda Hormu ud ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ee jooga gudaha dalka ay 10 jeer oo kala duwan ay weerar kala kulmeen, kuwa asi oo si toos ah loogu qaaday Xarumaha Shirkadda.

"Qasaaraha na gaaray waxa uu gaarayaa ilaa $5 million, weerarada waxa ay dib u dhac ku keenayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxa ay wiiqeysaa gargaarka banii’adanimo” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Hormuud.

Guddiga Qaramada Midoobey u qaabil san dabagalka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Arrimaha Ammaanka ayaa falka lagula kacay Shirkadda Hormuud ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga Caa lmiga.

Si kastaba Wasaaradda Boostada iyo Isg aarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kal hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo gey stay Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed.

ALSHABAAB OO LA WAREEGAY DEEGAAN DULEEDKA KA AH CADAADO KANA FURTAY MAXKAMAD

AlWararka aan ka heleyno deegaan duleed ka ah Magaalada Cadaado ee Xarunta Baar lamaanka Galmudug ayaa waxaa ay sheega yaan in Shalay halkaas ay la wareeg een dag aalamayaasha Alshabaab.

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo wata laba gaari noo ca dagaalka iyo gaari Hoomey ah ayaa lagu soo marayaan in la wareegeen deegaanka lagu maagacaabo Qaayib oo dhanka Bari 90KM uga beegan Magaalada Cadaado, isla markaana halkaas ay kula hadleen Shac abka ku dhaqan deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Sar aakiisha hoggaamineysay Alshabaab ay u sheegeen in sababta ay deegaan u yimide en ay tahay sidii ay uga furan lahaayeen Maxkamad ay leeyihiin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in tegit aanka Alshabaab ee deegaanka Qaayib si weyn looga dareemayo Magaalada Cada ado oo uu deegaankaas hoostago, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in arrintaan ay mid Cabsi ah.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Galmudug iyo kuwa xoogan dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaanadaas oo ay uga hadlaya an wararka la xiriira la wareegeeda Alsha baab ee deegaanka Qaayib ee Gobolka Gal gaduud, waan markii ugu horeysay oo ay Alshabaab tegaan halkaas.

FAAH FAAHIN:QARAXII KA DHACAY MAGA ALADA MUQDISHO

g-3-696x430Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay M/ Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miino lagu soo dheji yay gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay xili uu ku dhex jiray Garaasha ku yaalla Xaa fadda Kaawa Godeey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaa hinta ayaa u sheegay in qaraxa ay ku geeriy oodeen laba ruux oo mid uu ahaa Askari do onayay inuu Miinada ka furo gaariga, hay eeshee ay ku qaraxday, waxaana ruux kale uu ahaa mid marayay Albaabaka Garaah shka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in wax yeelo ay soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa Guri ku deganaa Garaashka, waxa ana uu halkaas gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo sameeyay baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen. Ila iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan qaraxaas ka dhacay Xaafadda Kaawa Godeey ee Degm ada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

MADAXWEYNE BIIXI” DOWLADDA FARMAAJO LABADII MADAXWEYNE EE KA HORREEYAY WAA XIRTAA”

muuseMadaxweynaha Somaliland Mudane Mu use Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Amniga Gu ud ee Somaliland iyo Mandaqa Gees ka Afrika, waxaa na uu farriin u dir ay dowladda dhe xe ee Sooma aliya. Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu she egay in ammaanka degaa nada maamulka Somali land uu wanaagsan yah ay, islamarkaana ay jiraan tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah beelaha Somalila nd.Waxaa uu xusay in Somaliland ay ka mid tahay meelaha ugu Ammaanka badan gees ka Afrika marka laga eego dhibaatooyin ka ka taagan Soomaaliya gaar ahaan Muqdi sho.

"Shalay Kismaayo dagaalbaa ka socda Xamar dagaalbaa ka socda oo dowladda Fa rmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay maalin walba way xirtaa waad arkeysaa halka la maraayo iyo Qaraxa ka taagan Pun tland Shalay waad arkeysaan dhibkaas oo dhan waxaa wadda dowladda Farmaajo laak iin wali way ku jirtaa tababar oo waxay ku soo wajahan tahay Somali land”ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Waxaa uu ku eedeyay Madaxweyne Far maajo in uusan doonin dhismaha maamul ada dalka ka jira, islamarkaana dagaallo uu ku sameynaayo dhaqaalihii uu caalamku ku taageeray.

BARLAMAANKA PUNTLAND OO MEEL MARIYAY GUDDIGA DOORASHADA

Barlamaanka dowlad goboleedka Punt land ayaa Shalay meel mariyay gud diga kumeel gaar ka ah ee doorash ooyinka Puntland ee nidaamka axsa abta badan.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa bishii july ee sanadkaan waxaa kala magac aabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cab dulaahi Deni iyo guddoomiyihii hore ee bar lamaanka, Cabdixakiin Dhoobo.

50 xildhibaan oo ku sugnaa hoolka barla maanka ayaa dhamaantood u codeeyay meel marinta guddigaan curdinka ah oo laga sugayo inay Puntland gaarsiiyaan nidaamka dimuqraadiyada oo horey loogu fashilmay tiro labo jeer ah.

Puntland ayaa sheegtay in dhowaan doo rashooyin qof iyo cod ah lagu tijaabindoono degmooyin kooban. Hase ahaatee, ma jiro ill aa iyo hadda hal urur siyaasadeed oo diiw aan gashan, welina guddiga doorashadu ma daahfurin furashada ururada siyaasada.

SAFIIRKA UK OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLLEEDKA PUNTLAND

Madaxweynaha Puntland Md.Siciid Cab dullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender iyo Wafdi uu hogaaminayo.

ukDeni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriis ka ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqa shada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Mad axweynuhu sheegay in miro dhalka kulank an uu wax ka tari doono geedi socodka Siya asadeed ee Soomaaliya.

"Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaa tay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha So omaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey. Waxaa na rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaal aha intaba, waana uga mahadcelinayaa kul ankii quruxda badnaa ee Shalay na dhexm aray” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soo maaliya Ben Fender OBE oo isna warbaahin ta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda.

"Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha, Shaqo abuurka, Gargaarka Ba niáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan, Sidoo kale wax aan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay , sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qa bsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo dowladdaha Xubnaha ka ah” ayuu yiri danjiraha UK.

Ugu danbeyn Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa she egay inuu ku faraxsanyahay inuu ku soo laa bto Puntland, isagoo uga mahadceliyey Mad axweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guud ahaan Do wladda Puntland soo dhoweynta iyo qaab ilaada wanaagsan.

ISBAHAYSIGA URURADA BULSHADA EE ISCO OO WALAAC KA MUUJIYEY MURANKA KA TAAG AN GUDDIDA CUSUB EE DOORASHOOYINKA SOMALILAND

Isbahaysiga ururada bulshada madax bannaan ee ISCO ayaa soo jeediyey in xu bnaha lagu muransan yahay is casil aan,isla markaana waxay talooyin usoo jeediyeen madaxweynaha iyo xisbiyda mucaaradka ah.

iscoUrurada bulshada ee madax bannaan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ISCO ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ba dan ee ku yimid doorashooyinkii Somali land, waxaanay soo jeediyeen in dimuqraa diyadii Somaliland la burburin ee shacab ku helaan dadkii cusbaa ee u meteli lahaa goleyaasha qaranka

"ISCO waxay ka walaacsan tahay hal ka ay marayso dimuqraadiyadii Somalil and, waa dal dimuqraadi ah, haseyeeshee waxay jabisay dastuurkeedii waxaana ka xunahay inay qaban waydo doorashooyin ka golaha Wakiilada, Guurtida iyo goleyaa sha deegaanka oo muddo dhaafay” ayey ku sheegtay baaqeedda ka dhanka ah dib u dhaca doorashooyinka.

Ururada bulshada ee madax banaan waxay soo jeediyeen talooyinkan:

Guddida cusub ee doorashooyinka waxa an usoo jeedinaynaa waxa guddida doora shooyinka loo samaystaa inay u garna qaan musharixiinta, hadii xisbiyadii aad u qaban lahaydeen aanay kalsooni ku qabin garsoorkiina waxa haboon oo aanu ku tali naynaa xubnaha lagu muransan yahay inay iska casilaan xilka la idiin magacaa bay.

Xisbiyda mucaaradka ah waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka go’naato in doorash ooyinka lagu qabto xiligoodii oo ay muujiy aan kor u qaadka qiyamka dimuqradiyada.

Madaxweynaha iyo xisbiga talada haya waxaanu usoo jeedinaynaa inay ixtiraama an dastuurka iyo isku xukunka sharciga iyo inay ixtiraamaan baahida uu shacbigu u qabo inay codeeyaan si ay u helaan cid cusub oo ku metesha goleayasha qaran ka.

Sidoo kale waa inay wax ka qabtaan cabashooyinka uu mucaaradku ka qabo guddida doorashooyinka, inay la yimaad aan fikir cusub oo hal abuur leh oo mudn aanta siiya in la qabto doorashooyin si loo soo afjaro dib u dhaca doorahooyinka

Sidoo kale, waxay ururada bulshada usoo jeediyeen inay door fiican ka ciyaaraan sidii dalkani u noqon lahaa mid dimuqraadi ah oo ilaaliya shuruucdiisa.

Baarlamaanka Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa inay Ixtiraama isku xukun ka sharciga iyo dastuurka; inay Ixtiraama dadka idin doortay 2005 oo taageera dada alka loogu jiro in la helo xubno cusub. Ina ad iska fadhidaan kuraasta baarlamaanka iyada oo aan doorasho dhicin waxaay ka soo horjeedda dastuurka, waxaayna su ’aal gelinaysaa dimoqraadiyadda Somali land iyo sharcinimada hay’adaha dalka. Waxaanu kula talinaynaa xubnaha Baarl amaanka inay ixtiraamaan dimoqraadiyad da oo ay baneeyaan kuraasta.

Xubnaha ISO Somaliland

1. Centre for Policy Analysis

2. Centre for Youth Empowerment,

3. COMPAD Human Rights and Commu nity Organization

4. Garsoor Social Development organiz ation

5. Horseed Organization

6. Hope Development organization

7. Human Rights Centre

8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO)9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre10. Somaliland Women Association (SOWA)

11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD)

12. Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO)

13. Hodan Women Relief Organization

GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO LOO SOO GUDBIYEY MUDDO KORDHIN LOO SAMEEYO BAARLAMAANKA

golaha GuurtiddaGolaha Guurtida Somaliland ayaa she egay inay soo gaadhay qoraal lagu dalba nayo in muddo kordhin loo sameeyo Baarl amaanka maadaama oo mudadii loogu tallogalay inay doorasho dhacdo ay dib uga dhacday.

Gudoomiyaha golaha Guurtidda Sale eb aan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inuu guddi ka soo talo bixisa muddo ko rdhinta asi u magacaabi doono golaha si ay usoo darsan mudadda loo kordhin karo goleya asha qaranka. "Muddo kordhintii Golaha Wakiilada ayaa ina soo gaadhay iskama gudo galayno ee guddi soo darista oo talo inagu kordhisa ayaynu u saari doo naa gudida bari ayaan Magacyadooda idiin sheegi doonaa,"ayuu yidhi Guddoomi yaha Golaha Guurtida Somaliland Salee baa Maxamuud Aaden.

Muddo kordhintan loo qorshaynayo in loo sameeyo golaha Wakiilada iyo Guurti da ayaa noqonaya markii lixaad ee muddo kordhin loo sameeyo, waxaanay hadda kuraasta fadhiyaan in ka badan 12 sanno.

Doorashadii loo qoondeeyey inay dhacdo bishan aynu ku jirno ee November ayaa dib u dhacday ka dib markii muran badani ka dhashay guddidii hore ee doorashooyin ka, taas oo muddo xileedkeedu kaga ee kaa horaantii bishan aynu ku jirno.

Guddida doorashooyinka ayaa madax weynaha usoo gudbiya in aanay wakhti ge edii doorasho ku dhacayn, madaxwey nuh una wuxuu Guurtidda ka dalbadaa in ay muddo kordhin u sameeyaan goleyaa sha.

GAADIIDKII GURMADKA EE KU XANIBNAA GALMUDUG OO LA SII DAAYAY

Waxaa koonfurta gobolka Mudug ka ambo baxay gaadiid badan oo gurmad u siday magaalada Baladweyne, kuwaas oo muddo saddex cisho ah lagu haystay deg aano katirsan Galmudug.

gaadiidGaadiidkaan oo siday gurmadkii Punt land ka yimid, ayaa ku xayirnaa isbaaro kutaala koonfurta gobolka Mudug, iyagoo lagu amray inay bixiyaan lacago canshuur aad ah.

Masuuliyiin katirsan maamulka Galmu dug oo Hiiraan Online xidhiidh la sameey ay, ayaa iska fogeeyay in gaadiidkaas uu u xanibnaa canshuur Galmudug ah, Wax ayse sheegeen in koox maleyshiyo ah ay falkaas ka dambeysay, laakiin markii dam be lagu guulaystay in gaadiidkaas la fasaxo.

Guddiga culimada Puntland ee qaabil san gurmadka ayaa iyaguna Shalay ka ambo baxay magaalada Garowe, iyagoo kusii jeeday magaalada Muqdisho kadibna ugasii gudbidoono magaalada Baladwe yne.

Puntland ayaa dhawaan magaalada Garowe ka ambo bixisay 20 gaadhi oo xamuul ah oo siday gurmad ku wajahnaa shacabkii ku waxyeeloobay fatahaadii uu sameeyay Webiga Shabelle ee magaal ada Baladweyne.

C/RAXMAAN C/SHAKUUR OO KA HADLAY SAB ABTA AANAY UGA MID NOQONIN MADASHA XISBIYADA QARAN

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxm aan C/shakuur Warsame ayaa markii u hore ysay ka hadlay sababta aanay uga mid noq on Madasha Xisbiyada Qaran ee todobaad yo ka hor looga dhawaaq ay Muqdisho, kuwaasoo ho ggaan u doortay Madaxw eynihii hore Sheekh Shariif.

SHAKUURRRC/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyay telefishinka Universal, kaddib markii uu ka qeyb galay dood uu soo qaban qaabiyay Machadka Chatham House ayaa sheegay in markii hore ay soo jeediyeen in Madasha aysan yeelan Hoggaan, balse hoggaan ay yeelato.

"Aragtida xisbiga ayaa go’aansaday inaan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal ha daf ayaa wada leenahay in doorasho xillig eeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maa daama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi la noqoneyn, qof walba madaxtini madiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leey ahay in laga wada shaqeeyo doorashada si dii ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa ayaa hada anaga noogu muhiimsan maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, in xiriiriye la sameeyo ayaa uje edkeena ahaa”ayuu yiri C/C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in horay madaladii ho re ay aragtidaas ugu soo jeediyeen, kuwa ha dda ay u jeediyeen, kuwa dambe ay sidaas oo kale ugu soo jeedin doonaan, isagoo xu say inay diyaar u yihiin in Madasha la shaqe eyaan illaa doorasho laga qabanayo.

Md.C/raxmaan C/shakuur oo wax laga weydiiyay xayiraadii todobaadkii hore la saa ray Madaxweynayaashii hore ayuu sheegay inay ficilkaas cambaareynayana, ayna ka soo horjeedaan waxa lagula dhaqmay Mada xdaas hore oo ka mid ahaa wixii iyaga lagu hayay, waxaana wax lala yaabo ku tilmaam ay in Madaxweyne Farmaajo oo shalay mar kii uu tartamayay ay Madaxdaas ogolaayeen inuu xor yahay inuu Shalay isagana madax daas hore uu xanibo.

BIIXI OO KA JAWAABAY EEDA HA UGA YIMID XISBIYADA MUCAAR ADKA AH

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Shalay ka jawaabay muranka ka jira xubnaha gud ida cusub ee Komishanka doorashooyinka, kuwaas oo xisbiyada muc aaradku sheegeen inay qaadaceen oo aanay la shaqayn doonin.

biiixiMadaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay munaa sibad uu ku daahfuray carwo dhinaca Caa fimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, waxa anu sheegay inuu raacay sidii sharcigu dhig ayey,isla markaana aanay ku jirin heshiishkii xisbiyada in aan dib loo magacaabi Karin xubnihii guddidii hore ee doorashooyinka oo xubin ka mid ahi ku jiro guddidan cusub." La ba qodob bay sheegteen, mid waxay yidha ahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn maynno, waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal ift in baa la qashaaye xisbiyada waannu heshi innay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidh aahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubn ihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummad d ha usoo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu digtaatooriyad iyo sharcijebin ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo ho rjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cu sub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "waxa jira shuruudo lagu qiyaaso kom ishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddiho osaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlam aankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay cadaa diska uu madaxweynaha Soomaaliya Max amed Cabdilaahi Farmaajo ku hayo gobola da Soomaaliya, waxaanu yidhi "soomaaliya waad ogtihiin weerarka ay inagu hayso, oo ay ka bilaabeen markii ay ka hor yimaadeen horumarintii dekadda Berbera ee Dp world , tii ay hay’adaha kaga joojinayeen in caawim adda toos loogu geeyo Somaliland, diyaaraa dihii oo ay isku dayeen in aanay hawadeena soo marin, cidii Somaliland soo dhoweysa ama marti qaada in cilaaqaadka loo jaro , Tii Tuko raq ee inagu soo weerareen baa ku xig tay, taas bay xisbiyada mucaaradku ku am aanayaan, ma waxaynu kaga dayanaa Farm aajo dhaqanka uu labaddii madaxweyne ka ga xidhayo madaarka Muqdisho, dhaqanka asi iskadaa siyaasada ta Soomaalinimo maa ha in madax laga joojiyo madaarkii ay ka dhoofayeen” Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay in aanay aqoonsanayn guddida cu sub ee doorashooyinka illaa inta laga saar ayo xubnaha ay diidan yihiin oo ay u arkaan inay dhinac yihiin.

PUNTLAND OO KU DHAWAAQDAY IN LASOO AFJA RAY XIISADII KA TAAGNEYD BOOSASO

dhamanacad-696x384Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Xiisaddii maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd M/Boos aaso iyo Si da loogu guu leystay in lasoo Afjaro. Maxamed Cabdiraxm aan Dhabancad Wasii rka Arrimaha gudaha ma amulka Puntl and sheegay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmihii la soo dhaafay gad ood ka sameeyay gudaha magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaa ray cabashadii ay qabeen.

Wasiirka ayaa sheegay, in ciidanka gado odka sameeyay markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo bo oliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha magaalada Boosaaso mud adii ay ku sugnaayeen.

Waxaa uu xusay in mas’uuliyiinta Puntl and oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidanka do wladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaa na Shalay dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.

Ciidankii Magaalada Boosaaso xoogga ku soo galay ayaa Shalay dib ugu laabtay Magaalada Carmo oo markii hore ay ka yimaadeen.

XILDHIBAANO DIGNIIN CULUS U JEEDIYAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA HIRSHABELLE

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlama anka Hirshabelle ayaa ugu baa qay Guddoo miyaha baarlamaanka Hirsha belle Sheekh Cismaan Barre inuu dib ugu soo laabto Jow har oo uu kalfadhiga baarl amaanka dib u furo.

Xildhibaanadan oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa ku dhaliilay guddoomiyaha baa rlamaanka in howshii loo igmaday uusan qa banayn, balse uu hayo howshii golaha was iirada.

"Baarlamaanka Hirshabelle howlihiisa muddo sanad ah waxba ma qaban, waxaad na moodaa in guddoonka baarlamaanka uu gabay howshiisa.”ayuu yiri xildhibaan Max amed Bashiir Qaasin.

Xildhibaan Axmed Bariise Xeydar ahna wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa sheegay in how laha la kala leeyahay. "Sharci dejinta waxaa laga doonayaa in ay howlahoodii qabsadaan, sidii fulintii oo ka le hadduu u shaqeeyo waa nasiib dar ro,”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Bariise.

Xildhibaan Maxamed Cabdalle oo ah wasiiru dowlaha Wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Hirshabelle ayaa ku hanjabay in mooshin laga keeni doono guddoomiyaha baarlamaanka haddii uusan dib ugu soo laaban Jowhar oo aan la furin kalfadhigga.

"Guddoomiye baarlamaanka adiguu kuu xiran yahay horena adigaa u tiri waa furan yahay xildhibaanaduna caasimada ayay ku sugan yihiin haddii aad imaan weydana jaw aabtedana waad arki doontaa”ayuu yiri xi ldhibaan Maxamed Cabdalla”Deeqow”Baarlamaanka Hirshabelle oo dhowaan la furay kalfadhigiisii 7aad ayaa wax kulan ah yeelan, iyadoo guddoomiya ha iyo gudd oomiye ku xigeenka 2aad ay ka maqan yih iin xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

XIGASHOjOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip