
Jamaahiirta Arsenal Oo Walwalkooda Kulanka Barcelona Ku Soo Bandhigay Twitter Ka Dib Barbarihii Ay Shalayto La Galeen Hull City.
Waa ay ogaayeen in maalmo ka dib ay wareeg 16ka Champions League la ciyaarayaan Barcelona, sidaasi darteed fursad ay ku nasasiistaan xiddigahooda iyo guul raaxo leh oo ay ku dhistaan kalsoonidooda ka hor kulanka Barca ayaa aheyd wixii ay maanka ku hayaan.
Kulan ay gurigooda kula ciyaarayeen Hull waqti hore shalayto ayaa loo arkayay inay tahay kulanka ugu fiican ay kalsoonidoo ku dhisan lahaayeen, waxaana rajada ku sii kordhisay markii Hull ay ku dhawaaqday inay 10 bedel ku sameynayaan shaxdooda madaama ay kulan muhim ah ciyaarayaan habeenka talaadada oo heerka labaad ah.
Arsenal waa ay dadaashay laakiin waa ay awoodi waayeen inay dhaafaan Eldin Jakupovic – goolhaye ciyaaray kaliya sagaal kulan horyaalka heerka labaad tan iyo markii ku biiray Hull City bishii March 2012.
Danny Welbeck ayaa kulankiisii ugu horeysay lagu soo bilaabay muddo 10 bilood ah laakiin waxa uu qasaariyay fursadba fursada ku xigtay inkastoo qeybtii labaad la soo geliyay Alexis Sanchez, Oliver Giroud iyo Alex Oxlade-Chamberlain hadana waa ay awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan.
Taageerayaasha Arsenal ee isticmaala bogga Twitter ayaana cabasho badan ka muujiyay qaab ciyaareedka kooxdooda, iyagoo walwal badan ka qaba fursadaha ay kooxda heleyso balse ay awoodi la’dahay inay goolal u bedesho.
Jamaahiirta Arsenal Oo Walwalkooda Kulanka Barcelona Ku Soo Bandhigay Twitter Ka Dib Barbarihii Ay Shalayto La Galeen Hull City.
Markii la soo saaray isku aadka wareega shanaad ee FA Cup, Arsenal waxa ay rajeyneysa inay ku soo aado kulan adag oo ay gurigooda ku ciyaaraan.