HALKAA KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA NOVEMBAR 2019-KA

0
Saturday November 16, 2019 - 09:28:20 in Wararka by
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAA KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA NOVEMBAR 2019-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY Madaxaweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo iyo wafdigii kala qeyb galay Shirka Dadweynaha iyo Horumarinta ee Nayrobi ay aa Shalay dib ugu soo laabtay dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY Madaxaweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo iyo wafdigii kala qeyb galay Shirka Dadweynaha iyo Horumarinta ee Nayrobi ay aa Shalay dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Nay roobi waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb galay shirka.

Sidoo kale Md.Farmaajo ayaa waxaa Habeen hore uu kulan xasaasi ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyat ta,wa xana kulankooda ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ka mid ahaay een.


laabtay-696x477

Go’aamada ku cad shirka jaraa’id ee Mada xweyneyaashaFarmaajo iyo Uhuru; In xiriir ka2da dal lagu celiyo sidii caadiga ahayd.

Xoojinta xiriirka ganacsiga ee 2a dal.

Duullimaadka tooska ah ee Muqdisho in dib lo ogu soo celiyo 7aad gudahiis.

Saraakiisha Dowladda iyo Shaqaalaha Rayid ka ah inay dalku galka ay ka qaataan Garoo mada Nairobi.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaaM/Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soo maaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista durufaha ku xeeran

GUULEED OO MADAXDA DALKA UGA DIGAY MUDDO KORORSI

guuleed-696x464Madaxweynihii hore ee maamulka Galmud ug Md.Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa War Saxaafa deed kasoo saa ray Xaaladda dalka iyo Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxd ii hore ee dalka.

Md.Guuleed ayaa ku ba aqay in la tixgaliyo Mad axdii dalka soo martay oo uu sheegay inay leeyihiin Xasaanad.

Guuleed ayaa sidoo kale uga digay Madax da Shalay inay sameeyaan Muddo kororsi oo uu sheegay inay ka dhalankarto Khalalaase Siyaasadeed.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA "UMM ADDA SOOMAALIYA WAXAAN BISHAAN BARKAYS AN ALLE UGU BARYAA INUU..”

Sh. Shariif Sh.Axmed Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu ducee yay in Alle ka rafciyo Balaayada, Col aadaha iyo Dibaatada Fatahaadaha Wabiyada Bisha Mowliidka ee lagu jiro darteed.

"Dhalshada Nabigeena CSW waxaan ugu Duceynaa Ummadda Soomaaliyeed in Alle ka dhigo ummad Midnimo leh oo danteeda gara ta”ayuu yiri Sh.Shariif oo ah Guddoomiyaha dalladda isbahey siga xisbiyada siyaasadda.

Md.Sh.Shariif ayaa Shacabka ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, isla markaana meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo ka hor imaanaya dantooda, wuxuuna ku booriyay inaysan oggolaan wax kas ta oo oo wax u dhi maya Sharafta dalkooda.

"Waxaan Alle ka baryaa in Bishaan alle soo afjaro tafaraaruqa iyo khilaafka ku dhex jira Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxwey nihii hore ee Soomaaliya oo Shacab ka Sooma aliyeed ugu baaqay inaysan oggolaan in Taako ka mid ah dalkooda loo gacan geliyo Ca dowgo oda. Sh.Shariif ayaa sidoo kale ku baa qay inuu mar walba u taagan yahay in Sooma aliya ay hesho Dowlad soo celisa kala damba ynta iyo in ruux kasta uu helo Cadaalad buux da.

Dhanka kale Sh.Shariif oo la hadlaayay We bsetka Somaliweyn.Com,ayaa faray Mas aaji dada in loo duceeyo Ummada Soomaa liyeed in Alle dhibaatada ka saaro, islamarkaana ay hesho Dowlad soo celisa Nidaamka iyo kala dambaynta dalka, taas oo ilaalisa Sharafka Qa ranimada Dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FARIIN TACSI AH U DIRAY CALI GEEDDI

Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md. Maxa med C/hiFarmaajo ayaa R/Wasaarihii Hore ee XKMG Md.Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyee yey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hoo yadiis Kutubeey Maxamuud Barroow.

Md.Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Prof,Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoy ska ay ka baxday marxuumaddu inuu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows.

"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Wa xaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Prof.Cali Maxamed Geeddi.”

Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda u ga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo saf ka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubb an.

XUKUUMADDA OO BALLAN QAADAY IN DOORA SHADA 2020 WAQTIGEEDA KU DHICI DOONTO..

Xukuumadda Soomaaliya oo ballan qaaday iney doorashada 2020 waqtigeda ku dhici doonto Sidoo kale xukuumaddu waxay bixin doontaa saamige eda mii saaniyad da doorashada oo ay ugu horeyso 7 milyan oo dollar oo ku baxeysa shaqaalaha ka shaqeynya diiwaan gelinta cod bixiyaha.

CIIDAMADA PUNTLAND IYO ALSHABAAB OO KU DA AALAMAY DEEGAANKA AFURUR EE GOBOLKA BARI

af-ururWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dag aal culus oo ciidamada Puntland iyo Ururka Alshabaab ku dhaxmaray deegaanka AfUrur ee gobolka Bari. Dagaalkan ayaa dhacay ka dib markii xoogag ka tirsan Ururka Alshabaab we erar loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ku qaa deen saldhig ciidanka Puntland at ku leeyihiin deegaanka Afurur ee G/Bari halkaas oo laga maqlay rasaas xoog leh oodhinacyadu Isku adeegsadeen. Saraakiil ka tirsan ciidamada Pu ntland ayaa shaacay in dag aalka 2da dhinac oo socda ku dhawaad hal saac uu khasaare ka soo gaaray dagaalyahannada Alshabaab, in kastoo dhinaca kale warar soo baxaya sheega yaan inay jiraan ciidamo ka tirsan Puntland oo dagaalka ku dhintay.Deegaanka Af Urur oo ka tirsan G/Bari ay aa ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Ururka Alshabaab ee dagaala ma deegaannada Puntland, waxaana dhowrje er oo hore deega anka ka dhacay iska hori ma adyo khasaare sababay.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA JAWAABTAY HADALKII KASOO YEERAY KENYA

W/arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faahfaahin ka bixiyey kulankii ay Shalay M/Nayrobi ku yee sheen madaxwey neyaasha somaliya iyo Kenya .

Cawad oo wareysi siiyey Ida acadda VOA ayaa ku adkeystay in la isku raac ay in 2da dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxka madda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan.

"horta aniga dhigeed baan ahay, Soomaa lida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqa sho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan wa a Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino, Gaba dha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madax weynayaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad. Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaca kal e ka meermaaray inuu si toos ah uga Jawaa bo su’aal ku saabsaneyd in laga heshiiyay da cwadii dhawaan Xukuumada Muqdisho ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirtay Doorashadii ka dhacday M/Kismaayo oo mas’uuliyiin Kenyan ay jabiyeen xanibaadii dhinaca duulimaadyada toos ahaa ee Kismaayo.

Dood ayaa ka dhalatay heshiis Shalay ay kula saxiixdeen M/Nayrobi ee Caasimadda dal ka Kenya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

2 Warsaxafadeed oo kasoo kala baxay Madaxtooyadda Kenya iyo tan Soomaaliya ayaa dhaliyay dood qabsatay baraha bulsha da taasoo ku aadaneyd dacwadda badda ee 2da dal. Dooda ayaa timid ka dib markii had al aysan shaacin Madaxtooyadda Soomaali ya ay shaacisay Madaxtooyadda D/Kenya ta asoo si rasmi ah u xaqiijisay in Madaxweyna ha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo uu muujiyay Kalsoonida uu ku qabo Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ lagu xaliyo qaab wada ogol ah oo ah habkii ay horay dowladda Kenya u Codsatay.

JABHAD DAGAAL KULA JIRTAY SOMALILAND OO GO’AAN QAADATAY

Jabhad la magac baxday Cawaale oo dha waan laga Aas’aasay qeybo ka mid ah G/Aw dal,isla markaana dagaal kula jirtay Soo maa liland ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dag aalkii ay kula jirtay Soomaaliland.

Kulan ka dhacay duleedka M/Booraama,isla markaana dhexmaray Aqoonyahano, Waxgar ad, Wasiiro ka socday Soomalailand iyo Xubn aha ugu sareeya Jabhadda Cawaale oo dhowr jeer weeraro ka geystay deegaano katirsan Gobolka Awdal.

Mid kamid ah Xubnaha Sare ee Jabhadda Cawaale ayaa waxaa uu sheegay inay si rasmi ah u joojiyeen dagaalkii ay kula jireen Soomaa liland, iyaga oo markii hore diyaar u ahaa daga alka balse tallooyin uga yimid Odayaasha Beel aha iyo waxgaradka ay qaateen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soo maaliland Maxamuud Xasan Sacad ayaa she egay in jabahadaan ay walwal ka qabeen, hay eeshee haatan ay soo dhaweynayaan heshiis ka ay la galeen oo dan u ah Shacabka Gobol ka Awdal oo dhibaato kala kulmi lahaa.

Jabhadda Cawaale ayaa waxaa hoggaami nayay Oday lagu Magacaabo Suldaan Abuuk ar Cilmi Wabar,waxaana ay horay u sheegeen inay Soomaaliland awood uga saari doonaan D/nada/Awdal,hayeesheehaatanay Somaliland la heshiyen.

KULAN LOOGA HADLAYAY AMNIGA OO LAGU QABTAY GURICEEL

qooje-631x420Taliyaha Qaybta 21aad ee CXDS C/Casiis C/hi Cabdi "Qooje” oo ay wehliyaan Saraakii sha kale ee laammaha amniga ayaa D/Guric eel waxaa ay kaga kaga qeyb galeeen kulan lo oga hadlayay Amniga iyo wadashaqaynta Ha yadaha Amniga ee ka howlgala degamada.

Kulanka ayaa waxaa si doo kale ka qeybgal ay qeybahaa kala duw an ee Bulshada D/Guric eel ee G/Galgaduud, iy ada oo sidoo kale lagu soo dha weeynayay kulanka Taliyaha cusub NISA ee D/ Guriceel Maxamed Gaanyaco oo Dhowaan halkaa loo Magacaabey.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Wada shaqeynta laammaha amniga ee dowla dda iyo Bulshada Galmudug ,waxaana saraaki isha ka qeybgashay ay sheegeen in ahmiyada 1aad uu yahay Amniga inay ka wada Sha qe eyaan Hay’adaha u xil saaran iyo Bulshada.

7baadyo ka hor ayaa DS waxaa ay sirasmi ah ula wareegtay D/Guriceel ee G/Galgaduud hal kaas oo dhowr sano ay maamulayeen Ururka Ahlusunna WalJamaaca.

WASIIR GOODAX BARRE OO LA KULMAY DHIGIISA KOONFUR AFRIKA

goodax ioWasiirka Wasaaradda waxbarashada Hid dha iyo Tacliinta ee XFS Md.C/hi Goodax Bar re ayaa Shalay kulan laqaat ay wasiirka Waxbarashada, Seyni ska iyo Tiknoolajiayada ee dalka South Afrika.

2da masuul ayaa kawada ha dlay xaajinta xariirka 2da,isk aashiga Horumarinta waxbara shada iyo sida Soomaaliya ugu faa’iideysan karto,waayoara gnimada dhanka waxbarasha da Farsam ada iyo tacliinta Sare.

Wasiirka waxbarashada XFS ayaa sheeg ay in muhiimada 1aad ay tahay kor u qaadista waxbara shada.” Ayadoo aan ku guda jiro kula mada aan la yeelanayo wasiirada waxbarasha da ee dalalka aan asxaabta nahay,waxaan ma anta la kulmay WWW Iyo Seyniska iyo Tiknool ajiayada ee dalka South Afrika.Waxa aan ka wada hadalnay sida ay Soomaaliya ugu faa’ iideysan karto,waayoaragnimada dhanka wax barashada Farsamada iyo tacliinta Sare.

SOOMAALIYA OO KA QEYB GASHAY SHIRKA WASIIRRADA GAADIIDKA JAAMACADDA CARABTA EE LAGU QABTAY MASAR

somaturkishWasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duul ista Hawada Soomaal iya, Maxamed C/hi Sala ad (Oomaar),ayaa M/El exandria ee Dalka Ma sar kaga qeyb galay shi rka Wasiirrada Gaadiid ka Dowladaha Carabta.

Shirkan oo ahaa mid ay Sanadkiiba mar ye eshaan Wasiirrada Gaadiidka ee Waddamada ku jiraJaamacadda Carabta ayuu ajendihiisu ahaa sidii ay Dowladahaasi u adkayn lahaaye en xiriirkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga Gaadiidka.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Dowlad da Falastiin laga caa wiyo dhaqaalaha Gaa diidka, in hay’a dda so cdaalka Adduunka ee IOM ay Xafiis ka furato M/Qaahira, in laysla qaato shuruucda ay dhow aan M/Yurub kasoo saareen duulista Hawada iyo qodobbo kale.

Wasiir Oomaar ayaa soo jeedinta Wasiirra da Gaadiidka Carabta kalsooni u muujiyay, isa goo she egay in mar waliba ay DFS ka go’an tahay Garab istaagga Walaalahood reer Falast iin. Md.Oomaar iyo dhiggiisa Dalka Masar ay aa ka wada hadlay in 2da Wasaradod ay si ga ara isaga kaashadan horuma rinta Gaadiidka.

Wuxuu sidoo kale Md. Oomaar kulan la qaatay madaxa Academiyadda culuumta Gaadiidka oo hoos tag ta Jaamacadda Carabta, isla mark aana ah halka uu kulanku ka dhacay, waxanay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa deeqa ha wax barasho ee Ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan Akadeemiyada iyo in Wasaaradda Gaadiidka loo soo diro koox farsamo oo ka caawiso dejinta siyaasadda Gaadiidka.

Wasiirka ayaa ugu dambayn casuumaad ga ar ah u sameeyay 5 Arday oo dhigata Akadee miyada culuumta Gaadiidka, wuxuuna kula da rdaarmay inay sii laba jibbaaran dedaalkooda waxbarasho, isagoo ku dhiiri geliyay inay yihiin mustaqbalka Dalka.

SOOMAALIYA & TURKIGA OO KA WADA HADLAY ARRIMAHA FATAHAADAHA

Wasiirka W/Tamarta iyo Kheyraadka Biya ha ee XFS Marwo. Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa kulan kula qaad atay M/Muqdisho Saf irka Turkiga u fadhiya Somaliya Danjire Me hmet Yilmaziyaga oo ka wa da hadlay Arri mo dhorwaKulanka oo saacado badan ayaa waxaa ay uga hadleen qodobo ay kamid ah aayeen Arrimaha,Abaaraha, fatahaadaha oo soo noq day ee Wabiyada iyo qodobo kale, iyaga oo isku raacay in laga wada Shaqeeyo.

Wasiirad Fowsiyo ayaa Dowladda Turkiga waxaa ay ka dalbatay in Wasaaradda laga ga can siiyo si dii looga hortegi lahaa fatahaadaha Wabiyada ee soo laab laabtay,kuwaas oo dhib aato xoogana u geys ta Bulshada.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Dan jire Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa waxaa uu Wasiir Fow siya uga mahad celiyey kulanka ay la qaadatay,isaga oo sheegay in Wasaaradda uu kala Shaqeyn doo no waxyaabaha ay uga baahan yihiin in laga caawiyo sidoo kalena ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan So omaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tah ay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, is la markaana saaxiibka dhow la’ah,waxaana ay gurmadyo xooggan soo gaarsiiyeen markii So omaaliya ay ka dhaceen aafooyinkii abaartiii sanadkii 2011 iyo qaraxyo ay dad ku waxye eloobeen.

RUDY GIULIANI OO BAARITAAN LAGU BILLAABAY

rudyDacwad oogayaasha federaalka Mareykan ka ayaa furay baaritaan lagu sameynayo Rudy Giuliani, oo ah qareen sh akhsiga ee madax weyne Donald Trump, waxaa sidaas werisay wa rbaah inta Bloomberg.

Dacwad oogayaasha ayaa baaraya suurtagal nimada ah in Giuliani uu sameeyey xadgu du byo maaliyadeed iyo inuu ku guuldarreystay in uu isku diiwaan geliyo inuu yahay wakiil shi sheeye.

Giuliani oo ah duqii hore ee M/New York ay aa ah shakhsi muhiim u ah baaritaanka xil kaxayuubinta ee lagu samaynayo madaxweyne Donald Trump. Sharcidejiyayaasha Mareykan ka ayaa baaraya in Giuliani uu kaalin ku lahaa ku cadaad inta madaxweynaha Ukraine Volod ymyr Zele nsky inuu baaro kuwa kasoo horjee da Trump.Mimi Rocah, oo horey u ahayd dacwad oog aha federalak Mareykanka ee degmada Koon fureed ee New York, ayaa Bloomberg u sheeg tay inay la yaabi doonin in Giuliani si rasmi ah dacwad loogu soo oogo.

MAXKAMADDA HAGUE OO BAARAYSA XASUUQA MUSLIMIINTA ROHINGYA

rohinjaGarsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogaya asha ee ahaa in la fu ro baaritaan lagu same eyo danbiyo laga gal ay dad ka laga tira ba dan yahay ee Muslimiinta ah ee Rohingyaha loo yaq aan ee dalkaasi My anm ar. Maxkamadda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in guddiga garsoora yaal ah oo darsay codsi ay soo gudbisay dac wad oog aha maxkamdda Fatou Bensouda ay ku soo gabagabeeyeen in ay jiraan sababao la gu rumeysan karo in uu dhacay rabshado baahs an, kuwaas oo tilmaamaya in lagu kacay fal danbiyeed ka dhan bani’aa dannimada.

Hay’adda Human Rights Watch ee u dood da xuquuqda aadamiga ayaa ku tilShalayy go’ aankan mid raja cusub gelinaya dhibanayaa sha taasi oo ay ku arki karaan in kuwii mas’uul ka ka ahaa danbiya dii ka dhanka ahaa bulsha da rohingaha caddaaladda la horkeeno. "Dhib anayaasha Rohingaha waxay ugu danbeyn heli doonaan maalin caddaalade ed” ayuu yiri ParamPeet Singh oo ah agaas ime ka tirsan Human Rights Watch.

DANJIRAHA SOOMAALIYA EE ITOOBIYA OO WARQA DAHA AQOONSIGA LAGA GUDDOOMAY

Kadib munaasabad ka dhacday xarunta ma daxtooyada M/Addisabab ee caasimadda Dal ka Ito obi ya ayaa warqada ha aqo onsiga Sa fiirnimo loogu gu ddoo may danjiraha dowlad da Soomaaliya ay u magac owday dalka Itoob iya Cabdixakiin C/hi Cumar Camey.

redddd-300x200Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danj irenimo ka guddoontay safiirka Soomaali ya ee dalkaasi,taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiri irka labada dal.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadda soo dhaweynta ah diplomaasiyiinta safaaradda So omaaliya ee dalkaasi Itoobiya,iyo xubno ka tirs an madaxtooyada dalkaasi Itoobiya.

Wuxuuu wakiil ka noqonayaa safiirnimada Itoo biya AU iyo UNECA.

Q/ MIDOOBEY $ 18.7 M AYAAN KU BIXINAY FATAHAADII UGU DANBEYSAY EE KU DHUFATAY SOOMAALIYA

qaramada midoobyIsku darka $18.7 Million oo dollar ayaa loogu deeqay wax ka qabashada fatahaadihii ugu da nbeeyay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya sidaa waxaa yiri oo sheegay Iskuduwa naha Arrimaha Bani'a adannima da Soo maaliya Adam Abdelmou la Adam Abdelmoula ayaa intaa ku daray in lacagaha laga helay Sa nduuqa wax qabadka degdegga QM ee (CER F)iyo Sanduuqa Bani’aadamnima da Somaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta wax yeellada daadadka iyo fatahaada ha soo noqnoqda.Wuxuu sheeg ayin dhaqaalahani uu ku soo be egmayxilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dad ka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaa duhu saameeyeen, kuwa as oo u baah an Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gargaar caafimaad.

Qeybo ka mid ah Soomaaliya waxaa ku dhu ftay dhawaan daadad ka dhashay fatahaad uu sam eeyay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da'ay qeybo ka mid ah dhulka sare ee Itoobiya, waxaana fatahaadan ay ugu sii da rneyd M/B/weyne oo Boqolkiiba Sagaashan uu daadku qaaday.

BOOLISKA B/WEYNE OO KA HADLAY MAXAABIIS KA BAXSADAY XABSIGA MAGAALADAASI

baladweyneee-500x281Wararka ka imaanaya M/B/weyne ayaa she egaya in qaar ka mid ah maxaabiistii ku xirnaa xabsiga magaaladda beledw eyne ay halkaasi ka baxsade en. Ku dhawaad afar maxb uus oo ku xukunaa dil ayaa la sheegay inay ka bax sad een xabisga M/B/weyne ee G/Hiiraan, sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Tal iyaha xabsiga M/Beledweyne Maxamed xas an guure oo la hadlay KNN ayaa waxaa beeni ayay wararka sheegaya in maxaabiis ay ka ba xasdeen xabsiga magaladaasi. Maxaabiis ba dan ayaa xiligan waxaa ay ku xiran yihiin xabsi ga M/Beledweyne, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo hay sto.

ERDOGAN OO TRUMP U DAARAY MUUQAAL KA DHAN AH KURDIYIINTA

Mr Erdogan iyo Mr Trump waxay la kulmeen xubnaha jamhuuriga ku matala aqalka senate ka sida Lindsey Graham.Madaxweynaha Turk iga, Recep Tayyip Erdogan, wuxuu abu uray xi isad intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka ka dib markii uu xubnaha Aqalka Sare iyo Trump uu u daaray muuqaal ka dhan ah Kurdiyiinta, sida warba hinta dalka as ay ku warramayaan.

Arbacadii, Mr Erdogan wuxuu muuqaalka ka daaray iPadkiisa, xilligii uu socday kulanka oo Aqalka Cad ka dhacay, kaas oo ay ka qeyb galeen xubno taageersan Kurdiyiinta.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu aad ula dhacay muuqaalka, sida goobjoogayaal ay u sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Bishii la soo dhaafay, Mr Trump wuxuu si ballaaran ula kulmay dhalleeceyn la xiriirtay cii damada Mareykanka oo uu ka soo saaray gob ollada xuduudda saaran ee Suuriya.

oomeereeKurdiyiinta oo ay hoggaaminayaan Xoogag ga Dimuquraadiga ee Suuriya, (SDF) – kuwa as oo taageero ka helayay Mareykanka – wax ay door muhiim ah ka qaateen dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Khilaafada Islaam ka. Xubnihii ka qeybgalay kullankii Arbaca dii waxaa ka mid ahaa Lindsey Graham, Ted Cru z,Rick Scott, Joni Ernst, iyo Ji m Risch. Dham maan shantaas waxay si aan cadi ahayn u ca mbareeyeen tallaabadii Erdogan ee bishii Octo ber uu ku weeraray Kurdiyiinta dhanka Suuriya Arrintaas waxay daba socotay go' ankii Trump ee ciidamada uu uga saaray halkaas.Turkiga wuxuu dagaalyahannada Kurdida u arkaa arga gixiso, wuxuuna sheegay inuu doonayo in goo bta laga dhigo "aag nabad ah" oo dib loo deji yo qaxootiga Suuriya ee ku sugan Turkiga.

Mr Erdogan waxaa la sheegay inuu aamin sanaa in aragtida xubnahaas uu ku bedeli karo muuqaalka gaaban, balse dhammaan kooxda way ka diideen arrintaas.

Ka dib fiidiyowga, Mr Graham wuxuu Erdo gan weydiiyay haddii uu doonayay "in uu dib u gu noqdo Kurdiyiinta oo wax laga soo samee yo wixii aad sameysay". Taas waxay sababtay dood kulul. Qof goobjoog ahaa kullanka ayaa sidaa u sheegay Barta wararka ee Axios, taas oo ugu horeysay tabinta warkan.

Mr Trump, si weyn ugama qeybgalin doodda iyadoo xubnaha kale ay isu dhiidhiibeen hadal ka doodda ee Erdogan ay la galeen.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Tru mp, wuxuu sheegay Arbacadii, in uu "taageero wayn" u yahay Erdogan. Sidoo kale, wuxuu ho rey u sheegay in Kurdiyiinta "aysan ahayn ma laa'ik".Trump: Madaxweyne Erdogan waa nin fariid ah Erdogan ma wuxuu ka guuleystay Donald Trump? Erdogan: Warqaddii Trump qa shinqubka ayaan ku darayMadaxweyne Tru mp ayaa casuumay xubnahan Aqalka Sare ka tirsan si ay Erdogan ula sheekeystaan ayna u ga dhaadhiciyaan in uu joojiyo hubka uu ka iibsado Ruushka, dad ka tirsan maamulka ay aa sidaa u sheegay warbaahinta.

Turkiga waxaa loogu hanjabay cunnaqab ateyn, haddii uu sii wado hannaanka difaaca hubka ee Ruushka uu ka soo qaadanayo.

Xubnahan waxay sheegeen in aysan oggol aan doonin in diyaaradaha dagaalka ee Marey kan ka laga iibiyo Turkiga, haddii Erdogan uu sii wado inuu qalab casri oo dagaal uu ka soo gato Ruushka.

Ka dib kulankaas, Mr.Cruz wuxuu soo saar ay warbixin uu ku sheegay in markasta uu Tur kiga u arki jiray "Xulafo aad u dhibbadan, balse hadda uu yahay xulafo, wuxuu doonaba ha ahaade".

"Iyadoo muhiim ay tahay inaan xulafo la ah aa no Turkiga si loo sii joogteeyo danaha amni ee Mareykanka, haddana lama aqbali karo duu llaanka Turkiga ee ka dhanka ah xulafadeena Kurdiyiinta oo tariikh dheer u leh inay Mareyk anka ka taageeraan la dagaallanka cadowgoo da" Mr Graham "si adag" ayuu u diiday "hadal ka Turkiga ee ah in dhibaato weyn ay gaarsii yeen IS", sida uu u sheegay Axios, isagoo ma gac kale u adeegsaday ururka IS.

"Waxaan doonayaa in Turkiga uu ogaado in 10,000 oo SDF ah, oo Kurdiyiin u badan, ay ku dhinteen, ku dhaawacmeen ama dhibaato ay ka soo gaartay dagaalka IS, Mareykankana ma illaawi doono, mana dayici doono."

JUBBALAND OO DACWAD KA DHAN AH CIIDAMADA ITOOBIYA U GUDBISAY XAFIISKA QARRAM ADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA

madoowe cadaaweDowlad gobolleedka Jubbaland ayaa markii u gu horeysay dacwad ka dhan ah ciidamada Ito obiya waxaa ay u gudbisay xafiiska QM ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay DGJ oo uu ku saxii xnaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbal and Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay in ciidam ada Itoobiya ay ku soo xadgudbeen deegaan no ka tirsan G/Gedo oo ka mid ah dhulka dowl ad gobolleedka Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Ito obiya oo ay gadaal ka riixeyso dowladda Soo maaliya qorshaheedu yahay in G/Gedo uu ku dhawaaqo inuu ka go’ay Jubbaland inteda kale

1-59Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay

DUQA MUQDISHO OO SHEEGAY IN LA QABTAY AGAASIME RABAY INUU ISQARXIYO

Guddoomiyaha G/Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shaaaca ka qaaday inta uu xilka haayo in hay’addaha Sirdo onka DFS ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirs an G/Banaadir oo doonayay inuu is qarxiyo

Duqa Muqdisho oo ku sugan dalka K/ Afrika, isla markanaa la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ayaa sheegay in qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii G/Banaadir Eng. Yariisow iyo Mas’ uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir uu fuliyay Agaasime kamid ahaa maamulka Gobolka, hayeeshee haatan la qabtay mid kale oo damacs anaa inuu Is qarxiyo.

Isaga oo sii hadlaayay Cumar Finish ayuu tilma amay in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doona yay inuu is qarxiyo, hayeeshee arrintaas ay ka horta geen ciidanka amniga dowladda.

Sidoo kale Cumar Finish ma shaacin maga Aga asimaha la qabtay, kaasi oo haatan ay gacanta ay ku hayaan laamaha amniga.

Si kastaba 24ka Bishii July ee sanadkan ayaa waxaa Xarunta G/Banaadir ka dhacay Qarax ismiid aamin ahaa, waxaana ku dhintay G/yihii gobolka all aha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir

Xigasho:radiodalsan.com

DFS OO WAR KA SOO SAARTAY SIYAASADDA AQOON SIGA & DIIWAANGELINTA DADWEYNAHA

MARKA AY CADDAATAY IN AY:

XFS ku tilaabsatay isbeddelo ay ku abuureyso xas ilooni, horumar dhaqa ale iyo mid bulsho ee waara;

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/03/astaanta-100x70.jpgXiriirka iyo kalsoonida shacabka iyo xukuumaddu ay udubdhexaad u yih iin dawladnima da. Xiriirka iyo kalso onidu ay keenaan wadashaq eyn, amni, dawl ad wanaag, iyo horumar qaran ee waara; Soomaaliya soo martay dagaal so keeye oo sa nadaad socday, taasoo keentay bu rbur bulsho iyo mid dalba; Waqtigan xaadirka ah uusan jirin nidaam urursan ee aqoonsiga asaasiga ah, isla markaasna tayeeysan oo si lagu kalsoonya hay u caddeyn kara jiritaanka iyo hubinta shaqsiga sita;

Aqoonsi la’aanta "digital”ka ah sababtay dhibaa toyin la xiriira helitaanka shacabka adeegyada dha qaale iyo shirkadaha adeegga lacagaha oo buuxin waaya shuruudaha looga baahan yahay, isla marka ana khatar geliya gudbinta iyo isdhaafsiga xawilaad aha

Xukuumaddu garaawsatay in loo baahanyahay, ayna habboon tahay, in ay sameyso nidaam lagu maamulo aqoonsiga dadweeynaha, iyo in la dejiyo shuruucda, maareynta, iyo yagleelka hey’adda aqoonsiga si waafaqsan dhaqanka wanaagsan ee caalamka ka jira;

1-44Marka laga reebo nidaamyo yaryar oo aqoonsi kalikali ah, oo mid waliba xogkeydkiisu u gaar yahay isla markaasna aan isku xirnayn, in aanu da lka ka jirin nidaam urursan;

mrNidaamka aqoonsiga adag ee "digital”ka ah u sahlayo adeegyada lacagaha, qulqulka xawaalada ha, isla markaana tayeynayo adeegyada dowladda, joogteynayo "digitization”ka dhaqaalaha, horana u marinayo ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa bulshada si nabad ah oo nimaad ku dheehan yahay;

Xukuumaddu ay garawsan tahay in, si loo hirgeliyo nidam ka aqoonsiga "digital”ka ah oo tayeysan, loona dhan yahay, loo baahan yahay iskaashi joogta ah oo dhex mara daneeyayaasha dalka iyo dibadda, sida hay’adaha Dowliga iyo kuwa gaarka ah, bulsh ada rayidka ah, iyo dawladaha xubnaha ka ah JFS;

Xukuumaddu in ay ku faraadeegto arrintan wax aa ku saacidaya beesha caalamka iyo farsamo ya qaanno kala duwan oo ay ka mid yihiin saaxibada taakuleeya horumarka dalka, waxaana lagu dhisay wadatashi ay Xukuumaddu hoggaamiso, si looga mira dhaliyo siyaasaddan; iyo Xukuumaddu siyaasa dan uga golleedahay in ay curiso fursado dhaqaale iyo mid bulsho, isla markaana ay hagaajiso adeegy ada hay’adaha Soomaaliya. UJEEDOOYINKA SIYAASADDA Iyadoo ka ambaqaadeysa arrimaha kor ku xusan, XFS waxay ku dhawaaqeysaa in ay gaarto ujeed ooyinka soo socda:In la dhiso cilaaqaad iyo kalso oni dhex marta dawl adda iyo shacabka, si loo nidaam aqoonsi oo casri ah, loo dhanyahay, tayeysan, dheelitiran oo caddeyn kara jiritaanka shaqsi kasta ee deggan dalkan;

In la dhiso "aqoonsi asaasi” ah oo mideysan, "di gital”na ah, kaasoo u suurta gelinaya qof kasta in uu si sharci ah ku caddeeyo jiritaankiisa, si toos ahna u helo xuquuqdiisa ee dhinaca dawliga iyo ku wa gaarka ah;

In la dhiso xogdhig federaal ah ee waara laguna kalsoon yahay, ee ku saleysan mabaadi’da "qaabka furan” (open system) oo aan u janjeerin shirkad ama cid gaar ah, kaaso fududeeynaya iskuxirka nid aamyada kale oo jira, iyadoo aan marna ka weec aneyn sharciga, korjoogteynta iyo taabagelinta hay’adeed;

In shaqsi kasta oo deggan Soomaaliya la siiyo tirsi caam ah oo asaasi ah, oo aan saamaxeyn takoor iyo faquuq, kaasoo ah mid soodhac (random), mardhac (unique) iyo sax ah, shaqeeyana laga bil aabo dhalashada ilaa dhimashada shaqsiga haysta aqoonsigaas;

Nidaamkan aqoonsigu waa in uu xambaarsan ya hay astaamo lagu xaqiijin karo aqoonsiga qofka, si adeeg bixiyaasha oo dhan ay si kalsooni ah ula macaamilaan; Si taas loo helo, waa in nidaamka aqoonsigu ku sal eeysnaadaa mabaadi’da caalamk a ee loo yaqaan "Principles on Identification for Sustainable Develop ment,” uuna yahay mid

daahfuran, aan tako or lah

eyn, caam ah, wax qabad leh, waarana; iyo

In nidaamkan loo sameeyo si ku saleysan wada shaqeyn, si ay uga muuqdaan danaha iyo hortebin ta shaqsiyaadka sita aqoonsiga iyo daneyayaasha guud, sida dawladaha xubnaha ka ah JFS , waaxda hantigaarka ah, bulshada rayidka ah, iyo dadka loogu talagalay in la diwaangeliyo si ay u qaataan aqoonsiga "digital”ka ah.

Erayada loo isticmaalay siyaasaddan waxaa lagu soo bandhigayaa "Eraybixinta” ku xusan Lifa aqa 5aad (Annex 5). Dhammaan lifaaqyada siyaa sadan waxay la socdaan qoraalkaan si loo tixraaco.

HIRGELINTA

Si loo xaqiijiyo ujeedooyinka kor ku xusan, XFS, waxay ku tilaabsaneysaa hawlaha soo socda:

In ay dhaqan geliso sharci lagu saleynayo dhisma ha iyo hirgelinta nidaam aqoonsi oo tayeysan, loo dhanyahay, iyo aqoonsi "digital”ah oo laga baara andegay, isla markaana suurta gelinaaya arrimaha soo socda oon aan afjarneyn:

·In uu qeexo ujeeddada nidaamka aqoonsiga ee ku cad siyaasaddan; farsamada lagu soo bandhigo nidaam xubnihiisa oo ay ka mid yihiin xeerarka suu rtagelinaya isku xirka iyo la shaqeynta nidaamyada aqoonsiga kale oo jira; nooca horxogta la uruurina yo (Annex 2); habraaca iyo shuruudaha diwaangelin ta iyo helitaanka aqoonsiga (Annex 3); bixinta iyo isticmaalka sifaadka kaarka Aqoonsiga; iyo farsam ada iyo habka lagu hubinayo ama lagu caddenyn ayo;

·In ay ku cadyihiin awoodaha, hawlaha, iyo arri maha gaarka ah ay kala leeyihiin W/ Arr/G udaha, Federaalka iyo Dibu heshiisiinta (Was aaradda) iyo Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaang elinta ee Federaalka (Federal Identification & Registration

·GENCY – FIRA AMA HEY’ADDA). SIDA LAGU FAAHFAAHINAYA SHARCIGA:

Wasaaraddu waxay u xilsaaran tahay inay dejiso siyaasadda (policy), ka shaqeeyso sharciga iyo aaladaha shuruucda ee arrintan khuseeya, ay dhis to maamulka FIRA, ay G/Wasiirada u gudbiso qoon dada miisaaniyadda FIRA, iyo inay kor ka eegto FIRA;? FIRA waxay noqonaysaa hey’ad madaxban naan hawl iyo maamul ahaan mas’uulna ka ah ma araynta hawlaha la xariira aqoonsiga dadweynha ku nool dalka. (Eeg Lifaaqa 1 oo ay ku qeexanyihiin hawlaha gaarka ah);

o [In ay hubiso, si sharciga la mid ah, caddaynta "digital”ka ah, dukumeentiga "digital”ka ah, iyo hes hiisyada "digital”ka ah;] iyo

o In ay hubiso jiritaanka iyo caddeymaha Tirsiga iyo/ama dukumentiga aqoonsiga ee la siiyey dadka leh Tirsiga—illaa iyo xadka loo baahanyahay in ay u furnaato helitaanka adeegyadakala duwan ee daw liga iyo kuwa gaarka ah, iyo howldhacyada la

XARIIRA (RELATED TRANSACTIONS);

In ay soo saarto sharci kale oo laga maarmaan ama xilikutoos ah oo ay u aragto in uu saameyn wanaagsan ku yeelanayo waxyaabaha kor ku xusan.

In ay dhaqangeliso sharci kasta oo ay ku xaqiijin eyso xafidaadda horxogta shaqsiga si waafaqsan dhaqanka suuban ee caalamka ka jira, oo ay ka mid yihiin, ayadoo aan xaddidin, ururinta, keydinta, islawadaagga, iyo furnaanshada khadka iyadoo ay la socoto xafidaadda horxogta iyo mabaadi’da "pri vacy”ga ee ku tixan hoos; xuquuqda dadku u lee yihiin horxogtooda; amniga "cyber”ka; farsamada yagleel (Eeg Lifaaqa 4aad).

Curinta Maareynta Nidaamka Aqoonsiga taaso awood sharciyeed siineysa hay’adda, oo ay ka mid yihiin:

o In loo uruuriyo, loona maareeyo, sifashaqsiyeed ka iyo horxogta xogdhalyada (biometric) shaqsiga si xafidan, tayeysan, waarta, loona keydiyo si waafa qsan halbeegga farsamada iyo shuruucda caalamk a, iyo iibka dhexdhexaadiga ah;

o In la hubiyo in aqoonsi kasta oo la qoray uu ya hay mid soo dhac ah; o In qof kasta oo deggan dalka, ka bilaabata marka uu dhasho, hor xogtiisa la qoro, lana siiyo Tirsi mardhac ah oo aan mar kale lagu celin karin;

o In kaarka aqoonsi la siiyo qof kasta oo qaangaar ah oo deggan dalka, sida sharcigu qabo ama xeer dhaqangalay;

o In loo igmado xubin seddaxaad (oo ka baxsan FIRA iyo shaqsiga) hubinta iyo caddeynta aqoonsi ga shaqsiga; xubintaas oo ka imaan karta hey’ad aha dawliga ama kuwa gaarka loo leeyahay;

o In loo soo bandhigo dadka is diwaangeliya macluumaadka ku saabsan heerka diwaangelintoo da, kaarka aqoonsiga la siiyey, wargelin iyo codsa shooyin kale ay qabaan, ee ku saabsan isticmaalka iyo daahfurnaanta horxogtooda.

Faahfaahinta sharciga ay siyaasaddan ku baaqe yso waxaa la soo marsiin doona wadatashi shacab iyo daneeyeyaasha kale.

Tilaabooyinka Xiga iyo Hawlaha KMG Marka hore, siyaasaddan waxaa lagu daabici doonaa "Official Bulletin”ka Xukuumadda, ka dibna waxaa dadwey naha loogu soo bandhigi doona shabakadaha isgaarsiinta (websites) ee Wasaaradda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud (Attorney General’s Office).

Marka laga reebo arrimaha hoos ku xusan, Was aaraddu waxay sameyneysaa guddi ku meelgaar ah (Task Force) oo hirgeliya siyaasaddan.

Guddigani wuxuu ku hawlgelayaa hirgelinta siya asaddan laga bilaabo marka ay dhaqangasho, si sharci ahna lagu dhiso FIRA mudda xiliyeedkandhe xe ("Interim Period”), iyada uu la socdo Unuga Hir gelinta Mashruucan (Project Implementation Unit). Hawsha loo igmaday Guddiga (Terms of Reference) waxay ku xusantahay "Annex 6”. Marka laga gudbo xilli dhexaadka maamulka kumeelgaarka, Guddiga hawsha waday (Task Force) waa in uu FIRA ku war eejiyaa dhammaan heshiisyada la galay (ay ka mid yihiin dhammaan xuquuqaha iyo mas’uuliyadaha la socda), hawlihii qabsoomay, hanti, imkaaniyaad, deymo iyo wixi kale ee Guddigu qabtay iyo khar ashkii uu galay xillidhexaadki; marka uu intaa guto kadib, Guddigu waa kala tegayaa. Si looga hortago shakiga, waa in uu Guddigu (Task Force) sharciga, xeerarka, iyo awaamirta Xukuumadda

waafajiyaa dhammaan hawlihii uu qabtay, tilaabo yinkii uu qaaday, hantidii iyo imkaaniyaadkii uu hay ey, iyo wixii deymo, heshiisyo iyo mas’uuliya do uu qaaday ka dib marka laga gudbay xillidhexaadki. Isla markii siyaasaddan dhaqangasho, Wasaaradda waxaa waajib ku ah in ay ku tilaabsato, iyado kaashaneysa Unugga Hirgelinta Mashruuca (PIU), wixii waxqabad ah oo laga maarmaan ah uu aanu Guddiga Maamulka Aqoonsiga (ID Task Force) qaban si siyaasaddani u taabagasho.

(Faahfaahinta hawlaha Guddiga Maamulka Aqoonsiga ka eeg Lifaaqa 6aad)

LIFAAQA 1aad

AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA HEY’ADDA

FIRA waxay ku hawlgeleysaa si sharci ah, wayna u madaxbannaan tahay miisaaniyad iyo hey’ad ahaanba. FIRA waxay yeelaneysaa awood iyo sharci, ay ka mid yihiin, in ay geli karto heshiis, laha an karto hanti, maareyn karto miisaaniyaddeeda, amaahan karto lacag, dacwad soo oogi karta lag una soo oogi karo.

FIRA waxay mas’uul ka tahay hirgelinta nidaam ka kaarka "digital”ka ah, sida sharcigu dhigayo. Si daa darteed, hey’adda waxaa laga filayaa in ay qab ato, waxyaala ay ka midyihiin, kuwa soo socda, si ay u gudato hawlaha loo igmaday:

a) In ay dejiso halbeegga, "protocols”ka iyo aragtisiyaasadeedka, oo ay ka mid tahay in ay shati siin karto xubin seddaxaad, si ay u uruuriso hor xog, kormeertana habraaca qoridda iyo diiwaangelinta dadka;

b) In ay hubiso xafidaadda horxogta aqoonsiga iyo in si mas’uul ah, tayeeysana, u maareyso kaydka horxogta Federaalka;

c) In ay bixiso tirsi aqoonsi oo asaasi ah iyo dukum entiyo aqoonsi oo kale, ayna xaqiijiso in qof kasta oo dalka deggan ay fursad u yeelato aqoonsi asaasi ah;

d) In ay siiso wasaaradaha, hey’adaha la wada lee yahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay, oo ay si gaar ah u saameyso, adeegga hubinta iyo xaqiijinta aqoo nsiga;e) In ay qabato xog isweydaarsi, waxbarasho, iyo isgaarsiin si ay u xaqiijiso nidaamka kaarka aqoons iga oo ah mid caam ah oo furan iyo sifooyinkiisa;f) In ay cilmibaaris ku sameyso tabaha iyo habraaca ugu wanaagsan ee caalamka ka jira ee ku saabsan aqoonsiga si ay hey’addu mar kasta ugu heegnaato adeega dadka dalka deggan;

g) In ay si joogta ah isugu hawsho xoojinta tayada iyo aqoonta shaqaalaha isla markaana ay daneeyay aasha guud ugu wargeliso xeerarka iyo habraaca nidaamka kaarka aqoonsiga.

Abaabulka Xukunka iyo Magacaabista Maarenynta Hey’adda

Siyaasaddan iyo falgallada FIRA waxaa korjoog teynaya Guddi Agaasimeed (Board of Directors). Xubnaha Guddiga, iyo laamaha kale ee xukuma, siiba maareyayaalka sare iyo shaqaalaha Hey’adda waxaa xilka loogu dhiibayaa, xilkana looga qaaday aa, si waafaqsan Sharciga iyadoo lagu saleynayo xaqiiqada jirta iyo sifaad daahfur leh. Maareeyayaal ka iyo Guddi Agaasimeedka FIRA waxay xilka hayn ayaan muddo cayyiman.

Guddi Agaasimeedka FIRA wuxuu mar kasta ka faa’iideysanayaa wargelin ka timid Guddi Shaqo ee Talawadaagga Daneeyayaasha (Stakeholder Consultative Working Group) oo isugu jira deneey ayaalka guud, wasaaradaha ay khuseyso, matala yaalka Dawlad Goboleedyada Soomaliya, waaxda hey’adaha gaar loo leeyahay, bulshada rayyidka ah, iyo inta kale oo isticmaasha aqoonsiga, ama dane eyneysa hirgelinta suuban iyo falgallada nidaamka aqoonsiga "digital”ka ah ee Soomaaliya.

Sida ka muuqandoonta sharciga, xubnaha Guddi Agaasimeedka iyo laamaha kale ee xukuma Hey ’adda waa in ay ka muuqato kala duwanaanta shac abka Soomaaliyeed, waana in uu habraaca magac abistooda iyo xiludhiibistoodu ku saleysnaado mabaadi’da sinnaanta, loo dhammaashada iyo isu dheelitirka ijtimaaciga ah.

Iyadoo ay raaceyso mabaadi’daas, Wasaaraddu waa in ay ku soo dartaa laamahaas dumar, dadka laga tirada badan yahay, deegaanjoogtada Dawlad Goboleedyada Soomaaliya, xubnaha beesha ganacsatada, iyo xubnaha firfircoon ee ururada bulshada rayyidka ah.

DANAHA ISKA HOR IMAANAYAA

Qofna xil kama qaban karo, mana sii joogi karo FIRA, ha ahaado xubin Guddi Agaasimeed ama shaqaale, haddii uu in laba sano ka yar uu si toos ah ama si dadban ula yeeshay adeegbixiyayaalka, ama kuwa daraf ka ah heshiis iib, la yeeshay xiriir lacageed, ganacsi ama dana shaqsiyeed, xag is dhaafsi qalab ama adeeg, oo la xiriira dhisidda ama falgalka FIRA.

MIISANIYAD

FIRA waa hey’ad la wada leeyahay. Miisaaniya ddeeda iyo dakhligeeda waxay ka heshaa ilaha soo socda:

a) Miisaaniyadda sanadlaha ee dawladda;

b) Kab miisaaniyadeed oo ay ka hesho deeqbixiy ayaalka dalka iyo kuwa caalamka;

c) Qaraamaad laga qaado loo adeegeyaalka (oo ku kooban hawlo dheeri ah oo kali ah); iyo

d) Qaraamaad daraf seddexaad oo ku xiran adee gga xaqiijinta aqoonsiga.

Qaramaadka laga qaado loo adeegayaalka iyo xaqiijinta aqoonsiga waxaa lagu dejinayaa fiiro gaar ah si loo xaqiijiyo in ay sii jirto furnaanta nidaamka kaarka aqoonsiga si dhammaan dadka isticmaala ay u helaan adeegyada iyo "transactions”ka u baah an xaqiijinta FIRA.

LIFAAQA 2aad

SHURUUDAHA LAGU KASBANAAYO SIFADA AQOONSIGA

Mudnaanshada Aqoonsiga

Qof kasta oo ku nool dalka, marka laga reebo booq dayaalka, ayaa mudan in la siiyo dukumentiyada iyo tirsiyada aqoonsiga, xaqna u leh in la diiwaangeliyo si uu u helo tirsi iyo dukumenti aqoonsi.

Muwaadinnimo ma aha shuruud ku xiran diiwaan

gelinta iyo bixinta "Tirsi” ama kaarka aqoonsiga. Bix inta lambar Tirsi iyo kaarka aqoonsiga waxay suurta

gelinayaan in qof kasta oo joogta dalka ay "muuq ato”, ayna leedahay aqoonsi caddeynaya jiritaankii sa, kaasoo si baahsan ugu furaya adeegga iyo waxq abadka

Habraaca Xoojinta Aqoonsiga Shuruudaha diiwaangeli ntu waxay ahaanayaan kuwa fudud, waxaana loo dejin ayaa si ay dadku dha mmaan si sahlan oo furan uga qeyb qaataan nida amka aqoonsiga. Qof mudan in la siiyo aqoonsi loo guma diidi karo

diwaangelinta sabab dukumenti la’aan.

Dalacaad lacag

Diwaangelinta iyo bixinta lambarka Tirsi iyo sifaadka (sida, kaar) waxaa lagu bixinayaa bilaash si loo xaqiijiyo in si fudud kaarka aqoonsiga dadku u wada helaan

Qaraamaad waa la qaadi karaa inta sharcigu ogolyahay, sida adeegyada hortebinta leh ama adeegyada caddeynta aqoonsiga ee adeegayaalku soo codsadaan.

Cabasho iyo Saxid

Qof kasta oo loo diido Tirsi iyo/ama aan buuxin sifooyinka lagu qaato wuxuu xaq u leeyahay in loo caddeeyo sababaha loogu diiday; waxaa kale oo uu xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato go’aanka hey ’adda si mar dib loogu eego codsigiisa. Qofkani wuxuu xaq u leeyahay in waqti go’an loo siiyo jaw aab waafi ah oo qoraal ah.

Go’aan Udhammaasho Xagga Adeeg Bixinta

Lambarka Tirsi la’aanta iyo/ama sifaadka lagu helo qofna kama hor istaagi karto adeegga bulshada loo fidiyo. Haseyeeshe, hey’adaha qaarkood wey ku xiri karaan adeegyada ay bixiyaan "dukumenti” aqoonsi si ay u hubiyaan aqoonsiga codsadaha.

LIFAAQAA 3aad

URUURINTA HORXOGTA EE DIIWAANGELINTA

Uruurinta horxogta ee nidaamka aqoonsiga wux uu la soconayaa mabaadi’da sharciga ku xusan, aan xaddidneyn, mabaadi’da isu dheelitirka, daahfur xaddidan, iyo takoor la’aan.

Ayada oo la raacayo mabaadi’dan, waxaa la xadi dayaa caddadda goobaha la dhigayo horxogta ee diiwaangelinta, iyo soo bandhigidda sifaadka aqoo nsiga qofka, kuwaas oo ku ekaandoona inta muhiim ka u ah caddeynta aqoosiga iyo fududeynta helitaan ka adeegga bulshada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip