Nicklas Bendtner Oo Mar Kale Dhib Ku Jira Ka Dib Sawir Gaari Oo Uu Soo Dhigay Bogiisa Instagram.

0
Sunday February 21, 2016 - 12:24:05 in Sports News by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicklas Bendtner Oo Mar Kale Dhib Ku Jira Ka Dib Sawir Gaari Oo Uu Soo Dhigay Bogiisa Instagram.

    Dhiblowga reer Denmark Nicklas Bendtner ayaa waxa ay isku dhaceen kooxdiisa Wolfsburg oo heshiis xayaysiin kula jirta shirkada gawaarida Volkswagen waxaana uu la kulmayaaa ganaax lacageed ka dib markii uu jabiyay sharciyada kooxda u yaala isagoo sawi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhiblowga reer Denmark Nicklas Bendtner ayaa waxa ay isku dhaceen kooxdiisa Wolfsburg oo heshiis xayaysiin kula jirta shirkada gawaarida Volkswagen waxaana uu la kulmayaaa ganaax lacageed ka dib markii uu jabiyay sharciyada kooxda u yaala isagoo sawir looga qaaday isagoo galaya gaari kuwa raaxada ah oo Mercedes ah.

Sawirkaan oo la soo dhigay barta bulshada ee Instagram ayaa soo bandhigeysa Bentner oo galay gaariga, waxaana ku qornaa: "Waxaan ku sii jeedaa tababarkale.” laakiin iyadoo Volkswagen ay tahay shirkada dhaqaale ahaan taageerta Wolfsburg ayaa keentay in madaxda kooxda Jarmalka ay ka caroodaan in weeraryahanka Denmark lagu sawiro gaari ay leedahay shirkad tartan kula jirta Volkswagen.

"Waxaan leenahay sharciyo, mid ka mid ah sharciyadaas waxaa ka mid ah inaad il iyo dheg u yeelayo sida sawirada lagaaga qaadayo banaanka” ayuu yiri agaasimaha isboortiga Wolfsburg Klaus Allofs.

"Sharciyada ma ahan kuwa cusub. Waa sharci jabin waana wax aan laga taxadirin, taasoo ugu danbeyn ku keeni karta inuu lacag qasaaro.”

28 jirkaan u soo ciyaaray Arsenal ayaa gabi ahaanba ka dhacay doorashada tababaraha Wolfsburg Dieter Hecking waxaana uu kursiga keydka u fadhiyaa weeraryahanka reer Holland Bas Dost iyo xiddiga Jarmalka Max Krus. Qandaraaskiisii labada sanno waxa uu dhacayaa bisha June, isagoo dhaliyay sagaal gool 47 kulan uu u saftay Wolfsburg, Bentner ayay u badan tahay inuu koox cusub raadsado dhamaadka xilli ciyaateedkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip