HALKAAN KA AKHRISO W.WA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER ISNIIN 11-NOV 2019

0
Monday November 11, 2019 - 07:34:34 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.WA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER ISNIIN 11-NOV 2019

    Dowladda Federaalka Oo Ka Jawaabtay Digniintii Uu U Diray Sheekh Shariif Kadib markii shalay Madaxweynihii hore ee So omaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed Digniin Culus uu u diray Madaxda dowladda ayaa waxaa arrin taas ka Jawaabtay Xukuumadda Fede

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Oo Ka Jawaabtay Digniintii Uu U Diray Sheekh Shariif Kadib markii shalay Madaxweynihii hore ee So omaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed Digniin Culus uu u diray Madaxda dowladda ayaa waxaa arrin taas ka Jawaabtay Xukuumadda Federaalka Soo maaliya. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray Sheekh Shariif uu layaab ku noqday dowladda Federaalka iyo shacabka Soo maaliyeed. Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in hadalkii Sheekh Shariif uu jeediyay uu ahaa mid aan laga filan kari inuu ku hadlo qof dalkaan Mada xweyne ka soo noqday. "Dowlada Somalia waxay aad ula yaabtay hadal kii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Mada xwe ynihii hore ee Somalia Mudane Shariif Shiikh Axmed oo ahaa hadal filan waa ku noqday shaca bka Soomaaliyeed kaasoo aan u qalmin maqaam ka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan asta an qaran u soo noqday" ayuu Wasiirka Warfaa finta. Wasiir Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Ax med ugu baaqay inuu dhowro magaciisa iyo sharf kiisa, kana dheeraado waxkasto oo dhaawici kara muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay. Gaba-gabadii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda, Madaxdii hore ee dalka iyo cid kasta oo dooneysa horumar inuu waajib ka saaran yahay ilaalinta Midnimada, bad qabka amniga guud ee dalka iyo ummadda Soo maaliyeed. Si kastaba hadalka Wasiir Maareeye ayaa wa xaa kusoo aadayaa, iyadoo shalay Sheekh Shariif uu ku daartay in dowladda Muqdisho ay kasaari doonaan hadii aaney joojin sharciga ay ku tumaneyso.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Magaalada Nayrobi uga qeybgalaya Shirka IGAD

      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hog gaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Nayrobi.

     Wafdiga madaxweynaha uu hoggaa minayo ayaa wuxuu ujeedkiisu yahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka Hogga amiyeyaasha Xubnaha ka ah Dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaas oo ka furmi doona todobaadkan gudihiisa ma gaalada Nayrobi ee caasimada dalka Kenya.

     Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nayr obi ee caasimada dalka Kenya waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa ho ggaamiyeyaasha qaybta ka ah ururka eek a soo qayb geli doona shirka.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ku booqday gurigiisa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

        Madaxweynayaashii hore ee Soomaa liya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa gurigiisa ku bo oqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliye ed iyadoo ay la socdeen wasiiro xildhi baano ka tirsan Baarlamaanka Soomaali ya.

     Ugaaska iyo Siyaasiyiinta ku booqatay gurigiisa ayaa waxaa ay ka wada hadleen dhibaatada ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan dadka ay fatahaaduhu saamee yeen.

     Madaxweynayaashii hore ee Soomaal iya oo ay qeyb ka yihiin Xildhibanao katir san Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay Beladweyne ayaa waxa ay sidoo kale boo qdeen halka dadka ugu badan dagan yahiin ee ka barakacay fatahaada wabiga shabeele ee magaalada Baledw eyne.

Booqashada Xasan Sheekh iyo Sheekh shariif ee Ugaas Xasan

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI oo she egay in xilalkii ugu waaweyna loo wada dhiibay rag Militeri ah

       Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu dalkii wada qabsadeen Mil iteri,isla markaana ka codsaday inay dad ka u dhibirsanaadaan oo aanay ku qaban gacan adag.

  Hogaamiye Xirsi ayaa sheegay in xilalka ugu waaweyn ee dalka loo wada dhiibay Militeri, waxaanu tilmaamay in militeriga loogu tallogalay cadowga balse muwaadin iintu aanay u baahnayn gacan adag.

   "Waxa la moodaa inaynu wada Mili teriga noqonay, oo madaxweynihii waa Mil iteri, wasiirkii arimahaa guduhu waa mi literi, taliyihii ciidanka waxa loo soo bedel ay taliye militeri ah, Taliyihii ciidanka aslu ubta waxa laga dhigay taliye militeri, mili teriga cadowga loogu tallogalayey gacantii adkayd ee militeriga hoos u dhiga”ayuu yidhi xirsi.

      Sidoo kale, waxa uu soo jeediyey in ciidanka mushaharka loo kordhiyo maad aama ay yihiin ciidanka Somaliland kuwo ugu mushaharka yar ee duruufta adag ku shaqeeya.

    Hadalka hogaamiye Xirsi waxa ka jawa abay wasiirka Arrimaha Gudaha Somal iland Maxamed Kaahin, waxaanu sheegay in dalalkiii ay soo hogaamiyeen Militerigu ay meel fiican geeyeen, waxaanu tusaale usoo qaatay madaxweyneyaal militeri ah aa iyo halka ay gaadhsiiyeen.

   " Xirsi marka uu Militeriga la hadlayey in ta kale wuu nagu toosinayee aniga iyo ma daxweynaha ayuu ujeeday, waxaase ka maqan taariikhda aduunka ee dawladnimo iyo hogaaminta aduunyada raga qaabee yey inay ahaayeen rag Militeri ah, Faransi iska, Ingiriiska, Maraykanka iyo dalalka horumaray madaxweyneyayaashii militer iga ahaa ee xukunka qabtay ayaa wax ka dhigay, barigii Militeriga Soomaaliya qabs aday kuwii ka dagaalamay baanu ahayn ee dadlka u dagaalamay, imikana ma ga can kululin cida maalin walba la hadal ha yo waa anaga oo wali may dhicin inan yar iyo gabadh yar oo wax naga sheegtay in   aanu maxkamdaha taagno ” , isagoo arri ntaasi u jeeday Hogaamiye Xirsi oo markii uu wasiirka madaxtooyada ahaa xidhay ga badh wax ka sheegtay oo uu illaa maxka madda la isla gaadheen.

 

     Dooddan ayaa ka dhacay xafladii tali yaha cusub ee ciidanka Boolisku xilka la wareegayey, waxaana hadalo isku tuurtu urey masuuliyiintii madasha ka qaybgallay.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Ka qeyb galaya Shirka Caalamiga ah ee Barasa abyada Caalamka oo ka Furmay Koon fur Afrika.

   Magaalo-Xeebeedka Durban ee dalka Koofur Afrika ayaa Shalay oo Axad ah wa xaa ka furmay Shirka Caalamiga ah ee Barasaabyada Caalamka, kaasi oo ka qe yb galayaan Madaxda Barasaabyada.

     Shirkan ayaa dowladda Somalia wax aa uga qeyb galaya Guddoomiyaha Gob olka Banaadir Cumar Maxamuud Maxa med Finish iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan gaaray dalka Koonfur Afrika.

    Yuusuf Cumar ah oo ah Agaasimaha xiriirka Dadweynaha ahna kaaliyaha Duqa Magaalada oo ka mid ah Xubnaha la so cda Gudoomiye Cumar Finish ayaa shee gay in Soomaaliya uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Shirka.

     Sidoo kale Yuusuf Cumar ayaa waxaa uu sheegay in Caasimadda dalka ee Muq disho ay ku talaabsaneyso horumar weyn, isla markaana Caasimadda ay dib ula mid oobayso Magaalooyinka kale ee Caal amka.

    Dhinaca kale Guddoomiye Cumar Fin ish ayaa kulan la qaatay dhigiisa Magaa lada Bristol ee dalka Ingiriiska, iyagooan ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhex eeya labada Magaalo

Madaxweyne Waare Oo Sheegay In Lala Xisaabtamayo Diyaaradii Qaaday Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif

      Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wax aa uu ka hadlay Safarkii Shalay Maga alada Baladw eyne ay ku tag een Madax weyne yaashii hore ee Soo maaliya Xa san Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shar iif.

     Isaga oo Warbaahinta kula hadlay Mu qdisho Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka baraha Bulshada lagu faafiyay ee ahaa in diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo wafdiga la socday loo diiday inay ka degto Baladweyne, isla markaana la demiyay Raadeelka Garoonka Bala dweyne.

     Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Shir kadda leh diyaaradii Shalay Baladweyne u qaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ku eedeeyay inay ku ku xadgudubtay xir fadii duulimaadyada, isla markaana duu liyihii waday uu qaatay Go’aan Riski ah.

      Sidoo kale waxaa uu sheegay Mada xweyne Waare in Shirkadda leh diyaarad da lala xisaabtami doono, kadib markii  Shalay ay qatar gelisay Wafdi heer Caa lami ah.

     Waxaa kaloo uu tilmaamay Waare in Madaxweyneyaashii hore ee dalka uu war geliyay in xaalad qatar ah ka jirto Gar oonka diyaaradaha Baladweyne oo Hab een Hore Roob uu ku da’ay, isla markaa na inta bada dhabbaha diyaaraduhu soo caga dhigtaan biyo ay fadhiyaan uuna safarka baaqdo, hayeeshee uu Xasan Sheekh ka diiday.

      Ugu dambeyntii Madaxweynaha dow lad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Carrab ka ku dhuftay in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay u socdeen Gurmad loo sameeynayo dadkii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, ayna jirin cid ka hor istaagtay Safarkooda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo sheegay in loo awood sheegtay

Guddoomiyihii Baarlam aanka Maamulka Punt land oo Xildhibaanna da Maam ulkaas ay sheegeen Khamiistii in ay xilkii ka qaadeen ee Cabdi Xakiin Dhoobo-Daareed ayaa ka hadlay sababtii keentay in xildhibaannada sheegaan inay xilkii ka qaadeen.

     Waxaa uu sheegay in isaga uu leey ah ay Mustaqbal siyaasadeed,isla markaana uu doonayay in dadka Reer Puntland si sax ah loogu Shaqeeyo,hayeeshee ay ta asi diideen Madaxda Hoggaamisa Punt land.

     Waxa uu sheegay in lagu tari falay, dhaqaalihii iyo midnimadii Puntland,isla markaana markii uu taasi diiday ay bilaaba tay in la isku awood sheegto,waxaana uu sheegay in Puntland ay xilligaan u baahan tahay badbaado.

     Hadalkan ayaa waxaa uu sheegay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin dhoobo-daareed kulan uu Shalay la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Xingalool.

Dib U Dhis Lagu Bilaabayo Waddo Muh iim Ah Uu Ku Burburtay Roobkii Da’ay Puntland

    Madaxweynaha Puntland Md,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay dhagax dhi gay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay wax yeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.

    Dayactirka Wadada Garoowe-Boosa aso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madax weynuhu ballan qaaday in Puntland  ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qab an lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay Shalay ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe.

     Mashruucan oo lagu dayactirayo Wad dada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku xirta Garoowe iyo Laascaano od, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna loo gu dbo in la dayactiro buundooyinka iyo mee laha kale ee u muuqda kuwo u dhow inay mustaqbalka dumaan, ujeedkuna waa in Wadooyinkaasi lagu soo celiyo sidii hore loogu dhisay ama si ku dhow.

    Madaxweynaha Puntland Mudane, Sic iid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Mas hruucan iyo muhiimada uu u leeyahay Gu ud ahaan Puntland Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweyne Deni , Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Puntland, Ma amulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Madax ka socota Shirkadda CCECC ee dalka China oo dhisaysa wad ada, Masuuliyiinta Hayádda Wadooyinka Puntland, Ganacsato iyo bulshada deega anka Sin-ujiif.

Wasiir Beyle oo soo bandhigay dalalka deynta ku leh Soomaaliya

      Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fede raalka Soomaa liya Mudane, C//r axmaan Ducaale Beyle ayaa  shalay  magaala da Muqdisho ku qabtay kulan uu kaga     warbixinaayey waxqabadkii kala duwanaa ee bishii la soo dhaafay u suurtagalay Wasaaradda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay wasa aradda.

     Kulankaan oo Aah mid bishiiba mar loo qabto bulshada ayaa waxa uu la xiriira sidii dadka loo siin lahaa faah-faahinta Ma aliyadeed iyo waxa u qabsoomay wasa aradda mudada bisha ah ee tagtay

     Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay ma daxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika,ayuu yiri Wasiirku.

    Mudane Beyle ayaa xusay in bulshada lala wadaagayo hiigsiga ku aadan hana anka deyn-Cafinta oo uu tilmaamay in rajo wanaagsan laga  leenahay sanada soo socota ee 2020.

            wasiirka ayaa sheegay in Soomaa liya dalka Deynta ugu badan uu ku lee yahay Mareykanka taas oo gaareysa 1 Bil yan oo Dollar,halka Rushka uu ku leeya hay 700 oo Milyan iyo Talyaaniga oo So omaaliya ku leh 600 Milyan iyo dalal kale.

            Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wadamada lacagta ku leh Soomaaliya  ay la shireen ayna go”an kugaareen in Soo maaliya deynta laga cafiyo.

            Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku da ray in Madaxwayne kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Muqdisho yimid uu sheegay in Soomaaliya ay u haayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota.

            Wasiirka Maaliyadda DFS Mudane Beyle yaa shaabka kula dardaarmayin la isqab sado gacmaha oo si wadajir ah loogu  shaqeeyo dalka.


Ra’iisul Wasaare Khayre oo Faransiiska uga qayb gelaya kulan sannadeedka Madasha Nabadda Paris

     Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fed eraa lka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Shalay u safray dalka Fana siiska oo uu uga qayb gelayo shirka san nadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.

Madasha nabadda Paris oo ah kulan sann adeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daa faha caalamka.

     Shirka sannadkaan waxaa ka qayb gel aya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’ iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kul amo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

     Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Fara nsiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaal iyeed.

Hoggaamiyaha Iran oo sheegay in ay Fursad noqotay Cunaqabateyntii la saaray dalkiisa

     Hoggaamiyaha Iran ayaa sheegay in saliid cusub ay ka hel een dhul baaxad weyn oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalkaasi Iran.

     Madaxweyne Has san Rouhani ayaa she egay in dhulkan shidaalka laga helay ay ku jiraan 53 billion oo foosto oo saliid qey rin ah, wuxuuna sheegay inay kor u qaadi doonto kayda shidaalka ee Iran

      "Waxaan u sheegayaa Aqalka Cad in maalmihii aad cunaqabteynta saarteen iibka shidaalka Iran, in shaqaalaha Iran iyo Injineeradduba ay awood u helaan inay daahfuraan 53 billion oo foosto ah oo saliid ah” Rohani ayaa sidaas sheegay.

Iran ayaa wajahaysa cunaqabateyn adag oo Maraykanku saaray, kaddib markii maamulka Donald Trump uu ka baxay sannadkii hore heshiiskii nukliyeeka ee u dhaxeeyay Iran iyo dalalka awoodda leh.

Sheekh Shariif Oo Digniin Culus U Diray Dowladda Federaalka

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sh Axmed oo Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib Saf arkii Baladweyne ayaa waxaa uu ka had lay xayiraadii Shalay lagu saaray Garoon ka diyaaradaha Aadan Cadde.

     Sheekh Shariif oo Shir Jaraa’id warba ahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu eedeeyn kulul u jeeday Madaxda dow ladda Federaalka, isagoona sheegay in do wladda ay wado dulmi iyo xadgudub waa sida uu hadalka u dhigay.

     Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa dow ladda uga digay tallaabooyinka ay qaade yso, wuxuuna ku daartay in Magaalada la ga saarayo madaxda haatan talada dalka heysa hadii aysan joojin sida hada ay wax u wadaan.

    "Magaaladaan Mooryaan baa heysan-ji rtay waa la bixiyey, Ethiopian baa soo gal ay waa la bixiyey, Shabaab ayaa qabsad ay waa laga bixiyey dadkaan ma kuwaa bay ka xoog badanyihiin, Wallaahi Summa Wallaahi haddaysan dulmiga joojin waa bi xineynaa anagu Mooryaannimo ma ogolin” ayuu yiri Sheekh Shariif.

     Si kastaba hadalka Sheekh Shariif ay aa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Sha lay Garoonka Aadan Cadde lagu xayiray diyaarad ay Baladweyne u raaci lahaay een Xasan Sheekh iyo Shariif Sh Axmed oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Mada sha Xisbiyada Qaran, wallow markii da mbe loo fasaxay safarkii Magaalada Bal adweyne.

Nin caan ah oo boorsadiisa laga helay gacanta haweeney uu dilay

   Taariikhyahan caan ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa qirtay inuu dilay gabar uu jeclaa horayna u ahayd gabar ar day ah oo uu wax soo bari jiray, iyada oo boorsaddiisa laga helay gacanta gabadha dilkeeda loo haysto.

   Barafasor Oleg Sokolov oo 63 jir ah ay aa ahaa mid cabsan isaga oo xilliga ay booliska qabanayeen ku sugnaa meel wa bi ah si uu xubnaha gabadha uu googooy ey uu ugu tuuro.

     Booliska oo kiiskaasi baaritaan ku sam eeyey ayaa waxay guriga Sokolve ka hel een qaybaha kale ee jirka gabadha uu dilar ee Yeshchenko, oo 24 jir ah.

    Barafasor Sokolov ayaa ahaa aqoon yahan caan ah oo dalka Faransiiska abaal marinno badan ka guddoomay.

     "Wuxuuna qirtay inuu dambigaasi gey stay," ayuu yiri qareenka u doodayey Alex ander Pochuyev oo u warramay wakaalad da wararka ee AFP.

    Wuxuuna Sokolov uu intaa ku daray in uu ka qoomameynayo faldambiyeedka uu geystay diyaarna uu u yahay inuu garab siiyo howlaha baaritaanka.

     Barafasor Sokolov wuxuu booliska u sheegay inuu saaxibaddii uu u dilay xilli ay arrin isku qabteen kaddibna uu madaxa ka jaray, lugaha iyo gacmahana uu ka gooy ey.

   Wuxuuna intaa ku daray inuu qorshey nayey inuu xubnaha jirkeeda uu googoo yey uu wabiga ku tuuro si aan loo arkin.

Mr Pochuyev wuxuu sheegay Barafasor Sokolov iney daweyn dhinaca kulka jirkiis aa oo hoos u dhacay ay u socotay, cada adiska dhanka caafimaadka uga yimid awgiina ay dhici karto inuu gabadhaasi u khaarijiyey.

    Barafasoorka oo taariikhda aqoon dhe er u leh wuxuu qoray buugaag badan oo taariikh ah oo la xiriira Napoleon wuxuu sida oo kale uu filimaan badan oo la soo saaray uu ka noqday la taliye dhinaca taa rikhda ah. Buugaag badanna qoraaga lab aad ayuu ka noqday.

     Dhammaantood waa Sokolov iyo Yeshchenko waxay barteen taariikhda faransiiska, wuxuuna intooda badan ay jecel yihiin iney ku labbistaan labbisku uu qaadan jiray Napoleon.

   Ardayda uu wax u soo dhigana waxay Barafasoorka ku tilmaameen inuu ahaa nin hal abuur leh wuxuuna si wanaagsan ugu hadlayey afka Faransiiska.

      Wuxuua sida oo kale uu ka mid ahaa xubin ka tirsan Machadka Cilmiga Bulsh ada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Farans iiska (Issep), wixiina machadku sheegay iney ka qaadeen dhammaan jagooyinki uu machadka ka hayey.

    "Weligeen kuma aanan fakarin inuu barafasoor dhan uu dambi sidaa u fool xun uu geli karo," ayaa lagu yiri qoraalka in uu dambigaasi galay lagu sheegay.


Guddiyada diyaarinta Sharciga doora shooyinka & kan Madaxa bannaan oo kulmay

   Guddiga KMG Ee soo diyaarinta Sharci ga Doorashooyinka Qaranka ayaa Shalay Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyin ka Qaranka.

     Kulanka oo uu Shir-Gudoominayay Gu ddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdula ahi Abukar Xaaji ayaa waxaa goobjoog ah aa inta badan Xubnaha Guddiga.

    Labada Guddi ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira doorashooyin ka, waxaana Xubnaha Guddiga KMG Ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ay gu ddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka u gudbiyeen wixii u qabsoomay tan iyo intii la Magacaabey.

.Dowladda Oo Diyaarado Sida Gargaar U Direysa Baladwayne

      Diyaarado gargaar u sido dadka ay sa ameeyeen  fatahaadda Webiga Shabeelle ee Magaalada baladweyne ayaa lagu wa daa inay ka ambabaxaan garoonka diyaa radaha Aadan Cadde ee magaalada Muq disho.

    Guddiga Qaran ee Gurmadka Fataha adaha ayaa ku howlanaa mudooyinkan si dii gargaar dhameystiran loo gaarsiin lah aa Shacabka ay saameeyeen Fatahaada ha iyo Roobabka.

    Shalay ayay ahayd markii diyaarado sido gurmad isugu jiro daawooyin iyo Ra ashin la gaarsiiyay dagmada Bardaale ,     sidoo kale Magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiraan ayaa horay loo gaarsiiyay gargaar kala duwan oo ka yimid gudaha Soomaaliya iyo wadamada aan saaxiib ada nahay.

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

    Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa she egaya in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada.

   Q oysaskii ku noolaa xaafaddaha Idha-Ceel iyo Bag Abeeso oo mid ah xaafad daha ugu caansan magaalada ayaa ka ba rakacay guryahoodii kaddib markii soo galeen daadad ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

    Goobjoogayaal ku sugan degmada Bu ula-burte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saacad walba biyuhu isa soo taranayaan, lagana yaabo inay isku fidi yaan xaafado kale hore leh.

    Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad uga sameeyay deegaano ka  tirsan degmooyinka, Baladweyne, Jowhar iyo Balcad, iyada oo dadkii deganaa dee gaannada uu fatahaada ka sameeyey ay barakaceen.

   Magaalada Beledweyne oo ah halka u gu daran ee Fatahaadu ku dhufatay ayaa hadda wax biyo ah laheyn ka dib markii uu hoos u dhac weyn sameeyay Wabiga Shabeelle.

Maxaa sababay in markii hore ay caga dhigan weydo diyaaraddii sidday mada xweynayaashii hore?

    Shalay waxaa jiray warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay joojisay safar ay ku baxayeen wafdi ay ka mid ahaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xasan Sheekh Maxamuud,

    Wafdiga ayaa markii dambe ka degay magaalada baladweyne ee xarunta Gobo lka Hiiraan, xubnaha wafdigaasi waxaa ka mid ahaa Xildhibaan cabdirisaaq Cumar Maxamed oo BBC-da u sheegay in saf arkooda la siyaasadeeyey sababtuna ay ahayd Ra'iisul wasaaraha oo isna Shalay Baladweyne ku socday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip