Ra'iisul Wasaare Kheyre Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Kusii Jeeda Baladweyne

0
Sunday November 10, 2019 - 10:07:39 in Wararka by
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Kusii Jeeda Baladweyne

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow lagu wadaa inay ka ambabaxaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Magaalada Baladweyne. Safarka Ra�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow lagu wadaa inay ka ambabaxaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Magaalada Baladweyne. Safarka Ra'iisul Wasaaraha ee Baladweyne ayaa waxaa qeyb ka noqonaya qaar kamid ah Goliisa Wasiirada, xubno ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha dalka iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiskiisa. Sidoo kale inta uu ku sugan Ra'iisul Wasaaraha halkaas ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa halkaas.Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu tego Magaalada Baladweyne waxaa uu qiimeeyn uu ku sameeyn doonaa sida ay u socdaan howlaha gargaarka ee loo sameeynayo dadkii dhawaan Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip