Wafdi uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha oo saacado lagu xanibay Joma Kenyatta Air Port

0
Sunday February 21, 2016 - 08:27:28 in Wararka by
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha oo saacado lagu xanibay Joma Kenyatta Air Port

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya sababihii wafdi uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha oo shalay saacado lagu xanibay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay uga sii gudbayeen dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya sababihii wafdi uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha oo shalay saacado lagu xanibay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay uga sii gudbayeen dalka Turkiga.

Wafdigan ayaa isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, waxaana markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ay isku dayeen inay u gudaha u galaan magaalada Nairobi, hase ahaatee saraakiisha ammaanka Kenya ayaa xubnihii kale ee la socday ka reebay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in dadaal u galay in xubnaha la socday oo isugu jiray Wasiir iyo Xildhibaano loo ogolaado, hase ahaatee loo diiday, waxaana taasi keentay in Ra’iisul Wasaaruhu ku sii joogo garoonka.

Hase ahaatee markii dambe Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiro ayaa gudaha u galay Nairobi, iyadoo Xildhibaano kale iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisana lagu xayiray garoonka, iyagoo illaa waabarigii saaka ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka kenya ayaa sheegay in sababaha wafdiga loo xanibay ay aheyd arrimo amni, maadaama diyaarad qaas ah uu la socday Ra’iisul Wasaaraha aysan soo marin garoonka diyaaradaha Wajeer, halkaasoo inta badan duulimaadyada ka yimaada Muqdisho lagu baaro.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac oo ka mid ahaa Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay, isla markaana laga qaaday baasaboorada, waxaana uu tilmaamay in markii dambe qeybta Taransit-ka loo soo gudbiyay, halkaasoo saacado badan ku xayirnaayeen.

Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, iyagoo ku sii jeeda magaalada Istanbul, halka xubnihii kale ee Xildhibaanada ahaa ee la xanibay iyana markii dambe loo ogolaaday inay safarkooda sii wataan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip