"Nidaam iyo qaab aan isku aamino aan sameysano, Nidaamka dowladnimada ayaa u baahan in la aamino, shaqsiga xilka haya beri wuu ka tegayaa, howshan aan maanta u jogno waa tallaabada lagu sixi karo nidaamka dowladnimada”ayuu yiri Madaxweynaha
Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay arrimaha amniga iyo mushaaraadka ciidanka ayaa yiri "Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajiban, waa suurta gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, balse way naga go’antahay bixinta mushaarkooda, maadaama ciidanka ay u taaganyihiin sidii cadowga Ummadda uga difaaci lahaayeen”
"Waxaan ka cudur daareneynaa marka ay socoto howlgallada cadowga lagu beegsanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaarto, markasta dowladda way ka go’antahay cirib tirka cadowga shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha Qaadka, waxaa uu tilmaamay in Qaadka uu dhibaato weyn dalka ku haayo, isagoo xusay in in meelo badan oo dunida ka mid ah qaadka laga mamnuucay, balse dowladda ay sameyn doonto qorshe bulshada looga wacyigelinayo dhibaatada uu qaadka leeyahay.
"Dowladda marka ay go’aan ka qaadaneyso ee ah in la mamnuuco qaadla waxa ay u baahantahay waqti badan, balse culimada iyo bulshada rayidka waxaan ka rabnaa inay door ka qaataan ka wacyi gelinta bulshada dhibaatada uu leeyahay qaadka, dowladduna waxa ay sameyn doontaa in lacagta ugu badan ee canshuur ah laga qaado qaadka, si dadka sida sahlan ku baran lahaa, ay isaga dhaafaan” ayuu yiri Madaxweynaha.
Mar uu Madaxweynah ka hadlayay Arrimaha garsoorka ayaa sheegay in Nidaamka dowladnimada ee 30-kii sano ee lagu dhaqmayay la badalay, lana keenay nidaam cusub oo xukunka baahsanyahay, taladu baahsantahay, dastuurka dalka uu qorayo in adeega garsoorka uu ka madax banaanyahay xukuumadda, sameynta guddiga ayaa waqti badan nagu qaadatay, balse meel fiican ayuu marayaa.
Madaxweynaha oo ugu dambeyntii soo xiray barnaamijka daah furka oo ay soo qaban qaaabisay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana ku saabsanaa isla xisaabtanka oo qeybaha bulshada ay su’aalo ku weydiinayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladu ay wax badan u qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo kale oo dhiman.
Waxaa uu sheegay in bulshada ku nool gobolka banaadir ay wax la qabaan shacabka kale ee ku nool 18-ka gobol ee dalka, isla markaana la sameyn doono maqaamka gaarka ah ee ay caasimaddu leedahay.
"Gobolka Banaadir waxa uu ka midyahay 18-ka gobol ee dalka, gobolkasta xaqa uu leeyahay ayay leeyihiin bulshada gobolkan, balse waa caasimadda Jamhuuriyadda, Maqaam gaar ah ayay yeelaneysaa, inkasta oo aan weli diyaarsaneyn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa ka tiro badan kuwa caasimadda ku nool, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan, waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen” ayuu Madaxweyne Xasan hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.
Dad badan ayaa aaminsan in Gobolka Banaadir oo ay ku nool dad lagu qiyaasay illaa saddex milyan oo ruux la duudsiiyay xaqii uu lahaa, iyadoo go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha wada tashiga Qaran ee bishii Janaayo dhacay lagu qadiyay saami qeybsigii ay Gobolada ka heleen Aqalka Golaha Sare.



0 



Madaxweynaha "Gobolka Banaadir waxaa uu leeyahay xaqa ay leeyihiin 18-ka Gobol ee dalka"
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Barnaamij loogu magac daray daah furka dowladda ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada dalka, iyadoo su'aalo ay ku weydiiyeen dadweynihii ka qeyb galay barnaam