"Waxaan ka cudurdaareneynaa marka ay socoto hawlgallada cadowga lagu beegsanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaarto, markasta dowladda way ka go’antahay cirib tirka cadowga shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweynaha, ayaa waxaa uu wax waajib ah uu ku tilmaamay bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida, waayo waxay u taagan yihiin xaqiijinta amniga guud ee dalka.
"Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajiban, waa suurta gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, balse way naga go’antahay bixinta mushaarkooda, maadaama ciidanka ay u taagan yihiin sidii ay cadowga Ummadda uga difaaci lahaayeen.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu hadalkan ka sheegay mar uu ka qaybgelaayay Barnaamijka Daahfurka Dowladda, oo maanta lagu qabtay Hotel SYL, dadkuna ay su’aalo ku weydiinayeen.
Su’aalaha uu maanta ka jawaabay Madaxweynaha, ayaa waxaa toddobaadkii hore warbixin ka qortay Warbaahinta Dhacdo.com, halkaan ka akhriso warbixintaasi.http://www.dhacdo.org/maxay-tahay-sababta-xalka-loogu-heli-layahay-weerarada-ka-dhacaaya-magaalada-muqdisho/
XIGASHO:-DHACDO.COM



0 


Madaxweyne Xasan oo markii ugu horeysay ka hadlay dadka ay saameynayso hawlgalada Al Shabaab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu maanta uu cudurdaar u muujiyay dadka aan ka tirsanayn Ururka Al Shabaab, balse ay saamaynta ku yeelanayso hawlgalada.