Buuga Tacsida ayaa Ugu horeyn waxaa qoray oo saxiixay Gudoomiyaha Xisbiga, Gudooomiyayaasha, Wakiilada Xisbiyo gaaraya 13 Xisbi iyo Hogaanka iyo Xubnaha Xisbiga Kulan.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Barnaamij ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Taariikhdii Marxuumka, sidoo kalana tilmaamay qiimaha uu ugu fadhiyay xisbiga Kulan iyo xisbiyada soomaaliyeed iyo guud ahaan ummmada Soomaaliyeed Marxuumka oo ka mid ahaa aasaasayaasha Xisbiga Kulan iyo Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga, oo horeyna u soo qabtay jagooyinka Wasiir difaaca Soomaaliya, hore iyo Wasiir ku xigeenka Qorsheynta , Xildhibaan, Howlwadeen Wasaarada Maaliyada, Howl wadeen Wasaarada Waxbarashada, Garsoore kubadda Cagta.
Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Barnaamij ayaa daboolka ka qaaday in Buuga Tacsida uu furnaan doono Xarunta Dhexe ee Xisbiga 15 Cisho oo ka bilaambaysa 18/02/2016 kuna eg 03/03/2016 oo loo sameyn doono Marxuumka Baroordiiq taasoo arimahan oo lagu badalay Xafladii Sanad Guurada Xisbiga oo ku aadan 19/02/2016, waxaa sidoo kalana laga furi doono Buug tacsi dhamaan goobaha ay ku sugan yihiin Xubnaha Xisbiga Kulan Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa, laguna soo gabagabeyn doono Xaflad Baroordiiq ah oo lagu qaban doono Muqdisho
Saciid Qoorsheel oo horay Wasiir u soo noqday ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeyay Marxuum Muxyaddiin isagoo yiri " Wuxuu ahaa nin oday ah oo siyaasi ah, waxan si gaara isugu niqiin Isboortiga oo uu ahaa Garsoore halka walaalkiis uu ahaa Tababare Qaran”
Eng Axmed Macalin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir ayaa ka aqriyay Dhanbaal Tacsi ah oo uu soo diray Xisbiga Daljir, sidoo kalana tilmaamay Xanuunka ay leedahay Dilka Marxuum Muxyaddiin, isagoo tilmaamay in ay kuwo cadow ku ah Shacabka Soomaaliyeed
Buuga Tacsida ayaa waxaa bilaabay ugu horeyntii Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Maxamed Cusmaan-Barnamij- iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Muxyadiin Cali Yusuf Gudoomiyaha Xisbiga Ileys ahna Gudoomiyaha Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed, Saciid Jaamac Qorsheel Gudoomiyaha Midowga Soomaaliya (USP), Eng. Axmed Macalim Fiqi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir, Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Ummah, C/laahi Sh. Daahir Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuquraadiyada(SPDU), Dr Yusuf Cusmaan maxamed (Shimbir) Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaranka Soomaaliyeed(SONUP), Dr Xasan Cadbi Khaliif Gudoomiyaha Xisbiga Shaqsiyada iyo Wadaniaydda.
Waxaa kale oo saxiixay Buuga tacsida Faarax Salaad Dharaar Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka Soomaaliyeed, Dr Cali Cumar Abati Xoghayaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Xisbiga SNU(Somali natioanla Unity), Salaad Maxamed Sabriye Gudoomiyaha Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, Suufi C/raxiim Muumin Gudoomiyaha Xisbiga Isbahaysiga Isbdaldoonka Soomaaliyeed, C/laahi Cumar Faarax Xoghayaha Warfaafinta Xibsiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed, Marwo Safiyo Maxamed Cali Xoghayaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Dadka Soomaaliyeed, Yasiin Warsame Cabdi oo wakiil ka ah Hay’adda Marqaati.
Sidoo kale waxaa saxiixay Buuga tacsida kuna qoray hadalo xusuus ah Hogaanka Xisbiga Kulan oo ay ka mid yihiiin Gudoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Canab C/laaahi Xaashi, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Prof Maxamed Macalim Cumar Meyre, C/ladiif Sadaq Yusuf Gudoomiyaha Garabka Ardayda Xisbiga Kulan, C/laahi, iyo Xubnihii Xisbiga.
Waxaa xusid mudan maalintii kowaad waxaa ku reebay oo ku qoray xusuustooda tacsida boqolaal qof oo isugu jira , Hogaanka Xisbiga, Hogaamiyaasha Xisbiayda, Bulshada Rayidka iyo xubnaha xisbiga Kulan.
Taariikhda Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim Gudoomiyahii Golaha Dhexe ee Xisbiga
Magaca :Muxyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim
Dhashay :Isniin 12/10/1953Geeriyooday: Isniin 15/02/2016
Ku dhashay : Muqdisho
Xaalada Bulsho :Xaasle Dhalay 6 Caruur ah, Awoow u ahaa caruur kale.
Waxbrasho :
– Master Xiriirka Caalamiga iyo Diplomasiyada , Kampala University .. wuu waday
– BA : Kuliyada Siyaasada iyo Saxaafada , Jaamacada Ummada 1987
– Tababarka Macalinimo "Mac-had Almucalimiin, ee Jamal Cabdi Nasir 1973-1975
Khibrad Shaqo :-
– Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan 20/02/2016 – ilaa uu ka geeriyooday
– Wasiirka Difaaca (TFG) 2008
– Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshynta iyo Iskaashiga Caalamiga (TNG) 2000-2003
– Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga (TNG) 2003-2004
– Xubin Baarlamaankii Carta(TNG) 2000
– Macalin Wasaarada Waxbarshada – Hiiraan & Muqdisho 1975-1979
– Garsoore Kubadda Cagta 1975 -1983
– Madax Waxbarashada Dadka waaweyn ( Iskuulada H.wadaag & Hodan) 1980-1982
– Agaasimaha Waxrashada dadban wasaarada Waxbarashada 1983-1985
– Agaasimaha Canshuuraha Dadban ee Degmada Shibis , Wasaarada Maaliyada & Lacagta 1987-1989
– Agaasimaha Canshuuraha Dadban ee Degmada Hodan, Wasaarada Maaliyada & lacagta 1989-1990.
– Gudoomiyaha Hay’adda Dirir ee Gargaarka & Horumarinta 1995-1994
– La taliya Hay’adda Somali Women Empowerment (SOCWE) 2005-2007
– Tifatire Wargeyska Somali Herald 2006



0 













Xisbiga Kulan oo Buug Tacsi u furay Marxuum Muxiyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim (Sawirro)
Iyadoo shalay ku beegneyd sanad guuradii koowaad ee Xisbiga kulan ayaa waxaa Munaasabaddii Xisbiga loo bedelo howlo baroor diiq ah ooloo sameynayo Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga, waxaana Xisbigu uu u furay Buug Tacsi Marxuum Muxyaddiin Maxamed