Tifatiraha laanta af Soomaaliga ee BBC oo is casilay

0
Monday October 28, 2019 - 17:51:49 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tifatiraha laanta af Soomaaliga ee BBC oo is casilay

    Tifatiriha laanta afka Soomaaliga ee BBC, Cabdullahi Cabdi Sheekh, ayaa is casilay, kaas oo ku yimid go'aan uu isaga qaatay. Rachael Akidi Okwir, oo ah madaxa laamaha bariga Afrika ayaa tiri, "Cabdullahi wuxuu BBC-da ku soo biiray 13 san

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tifatiriha laanta afka Soomaaliga ee BBC, Cabdullahi Cabdi Sheekh, ayaa is casilay, kaas oo ku yimid go'aan uu isaga qaatay. Rachael Akidi Okwir, oo ah madaxa laamaha bariga Afrika ayaa tiri, "Cabdullahi wuxuu BBC-da ku soo biiray 13 sano ka hor, wuxuu la shaqeeyay laanta afka Somaaliga, Nairobi iyo London, iyo qeybta warqabadka ee BBC Monitoring, wuxuu BBC Somali madax ka noqday bartamihii 2017-kii, wuxuuna fuliyay is baddelo badan oo ay ka mid tahay in idaacadaha laanta laga soo raro London oo loo soo wareejiyo Nairobi."

Cabdilaahi Sheekh Cabdi

Image captionCabdilaahi Cabdi Sheekh

Cabdullahi Sheekh ayaa sheegay inay sharaf u ahayd inuu hoggaamiyo shaqaalaha dadaalka badan ee laanta af Soomaaliga ee BBC.

"Maanta oo aan tegayo, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa wiilasha iyo gabdhaha aan kaga tegayo laanta afka Soomaaliga ee BBC, inay si wacan oo wanaagsan howshooda u sii wadi doonaan, si fiicanna ugu adeegi doonaan dhageystayaasha, oo udub-dhexaad u ah laanta," ayuu yiri.

Rachael waxay sheegtay inay Cabdullahi uga mahadcelinayso sanadaha badan ee uu BBC-da la shaqeynayay.

Ka gudub Facebook daabacaad W.Q BBC News Somali

Dhammaadka Facebook daabacaadda qore BBC News Somali

Sidoo kale, muddadii uu Cabdullaahi tafatiraha ahaa waxa la billaabay abaalmarinta sannadlaha ah ee Gabdhaha gabya taas oo seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay ku guuleysteen gabdho aad ugu wanaagsan lehna xirfadda hal-abuurk gabayada.

Sidoo kale bogagga internet-ka ee BBC Somali ayaa gaaray dhageystayaashii ugu badnaa mudaadii uu xilka hayay.

XIGASH0:- BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip