Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada Dhuusamareeb
Wararaka saaka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,kadib is rasaaseyn xalay dhex-martay Ciidamo katirsan dowladda & kuwa ilaalo u ah Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.
Taliyaha Booliska degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xaalada Magaalada Dhuusmareeb ay tahay mid degan,isla markaana wixii ka dhacay ay ahaayeen wax aan sidaasi u weyneyn lana xaliyey.
Goobaha Ganacsiga iyo Shaqooyinka Caadiga ah ayaa si toos ah Maanta uga socda Magaalada Dhuusamareeb,waxana ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo guddiga doorashada ay Wasaaradu Magacaawday.