HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 23-KA OCT 2019-KA

0
Wednesday October 23, 2019 - 10:36:07 in Wararka by
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 23-KA OCT 2019-KA

    Taliyihii Ciidanka Gorgor Oo Muddo 4 Cisho Ka dib Lagu Aasay Muqdisho Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbi taalka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed ayaa Shalay waxaa Aas Qaran loogu sam eeyay Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsa naa Ciidanka Kuma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii Ciidanka Gorgor Oo Muddo 4 Cisho Ka dib Lagu Aasay Muqdisho Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbi taalka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed ayaa Shalay waxaa Aas Qaran loogu sam eeyay Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsa naa Ciidanka Kumaandooska Xoogga dal ka oo 18-kii bishaan lagu dilay Muqdisho . Aaska Marxuum Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha, Gud doomiyaha G/Banaadir, Xildhibaano ka tir san 2da Golle ee Baarlamaan ka,taliyaa sha Ciidamada qalabka sida, R/Wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya iyo qeybaha kal duwan ee Bulshada Caasimadda.


   Taliyihii Ururka Gorgor ayaa u geeriyoo day Israsaaseyn ka dhacday agagaarka Hotel Maa’id Ex Hotel Naasahablood 2 ee Muqdisho,waxaana maalmihii la soo dhaaf ay ay Cabasho ka taagneyd in la aaso Meydka Marxuumka.

    Sababta loo aasi waaye Meydka Taliye Maxamaadey muddo 4 Cisho ah ayaa wax aa ay tahay, kadib markii ay qaar kamid ah eheladiisa ay dalbadeen la caddeeyo ci dda ka dambeysay dilkiisa, hayeeshee u gu dambeyntii arrintaas xal buuxa laga gaaray.

Guddoonka baarlamaanka oo qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub

     Kusimaha Guddoomyaha Golaha Shac abka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Sha cab ka Baarla maan ka JFS ayaan Shalay oo kulan gaar ah layeeshay Safiirka Midowga Yurub (Eur opian Union – EU) u fadhiya Soomaalia Md. Nicolas Berlanga Martinez.

   Qodobka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa wada sha qeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub.

    M/Yurub ayaa baarlamaanka Soomaali ya ka taageera meelo badan oo ay ka mid yihiin tababbarrada iyo Sare u qaadida Shaqaalaha baarlamaanka. Md. Muudeey ayaa kaga mahad celiy ay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo U Hanja bay Dowladda Masar

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axm ed ayaa sheegay in dagaal lala galo Masar uusan xal noqoneyn oo loo baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dham meeyo,  haddii ay suurageli weydo dalkii su uu hayo malaayiin dhalinyara ah oo "dagaal geli karta”.

    R/wasaaraha Itoobiya ayaa Shalay hor tagay baarlamaanka dalkiisa iyada oo ay mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo ka weydiiyeen arrima badan oo ku saab san xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay.

    Arrimaha wax laga weydiiyay waxaa ka mi ah xiisadda Masar iyo Itoobiya ka dhex taagan, xorriyadda saxaafadda, dorasho oyinka, nidaamka federaalka, arrima la xiriira siyaasadda iyo bulshada Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya

   Dr. Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’ aal laga weydiiyey xaaladda ka dhex taa gan Masar iyo Itoobiya ee la xiriirta muran ka ka dhashay biya xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile wuxuu ku jawaabay in "shacabka Itoobiya aysan dooneyn in waxyeello ay u geystaan shac abka Masar, in ay wax taraan mooyee”.

   Wuxuu intaa ku daray: "Dowladda Itoob iyana waa la mid. Annaga iyo Masar arr imo siyaasadeed oo aan ka wada hadley no haba yaraatee ma jiraan. Madaxweyne Sisi dhawaan ayaan wada hadalnay maal maha soo socda barri ama saad dambe inaan kulanno ayaan rajeeynayaa inaan ka wadahadalno wixii ay dhibsadeen.”

    "Arrinta kale ee sheegesyo in tallaabba aan qaadeyno, sida aad la socotaan shac abka Itoobiya, dal dibadba, waxaan si xu shmad leh ugu sheegayaa in afatrii qofba uu mid sabool yahay, waana dhalinyaro, marka xataa haddii Afrika inaan la dagaa llanno u baahanno malaayiin ayaan daga al gelin karnaa.”

      Isagoo ka fogaanayay inuu ereyada dagaalka xoojiyo wuxuu yiri "dagaalku xal ma aha, dagaalka Masar-na ma anfacayo, Suudaan-na ma anfacayo, innagana nama anfacayo.”

"Balse haddii ay arrintu tagto jirita anka dalka iyo ca lanka, xataa ani ga ayaa galayo dagaalka. Wax faa’iida ah lagama helayo, fikirka noocaasi ma aha mid wanaagsan, waxaa wanaagsan in la wada fariisto oo la wada hadlo.”

"Si kastaba ha ahaatee waxaan idiin she egayaa ineysan jirin cid Itoobiya ka hor ist aagi karto iney biya xireen dhisato,” ayuu yiri Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Hargeysa: Cunug 7-bilood ah oo tooray lala dhacay isaga oo hooyadii ay xambaarsaneyd

    Wararka naga soo gaaraya M/Hargey sa ee caasimada Somaliland, ayaa sheegaya in dhacdo naxdin leh ka dhacd ay gudaha magaaladaasi, taasi oo dil loo gu geysan gaaray Haweenay Hooyo ah iyo wiil yar oo 7-bilood jir ah. 3 Nin oo tuu go ah ayaa dhaawac culus u geystay wiil yar oo 7-bilood jiray oo ay Hooyadii dhab arka ku xanbaarsaneed, sida ay dad dee gaanka ah inoo xaqiijiyeen.

3dan Nin ayaa la sheegay in ay boorso u maleynayeen wiilka yar ee Haweenaydu ay dhabarka dambe ku xambaarsaneed, balse markii dambe ee ay tooryeeyeen ay xaqiiqsadeen. Sida Warbaahinta ay ogaat ay wiilka yar ayaa waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray inta u dhaxeysa miskaha iyo dhabarka, halkaasi oo ay si weyn u ha leeshay Tooreydii ay ku dhufteen nimanka tuugada ahwiilka yar, iyadoona hadda xaa ladiisa ca afimaad lagu dabiibayo Isbitaal ka weyn ee M/Hargeysa.

   Dhacdadan naxdinta badan ayaa Haw eenayda iyo wiilka yar haleeshay, xilli ay ka sii talaabayeen dhisme lagu magacaa bo jab-jabka oo dhinaca bari ka xiga M/H argeysa,Ciidamada Booliska iyo Dadweyni hii ku sugnaa goobtaasi ayaa ugu dambey ntiina ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan 3da tuug ee falkaasi argaggax leh geystay.

     Dhacdadan oo aheyd mid  ay ka argaggaxaan dadweynaha M/Hargeysa, ayaa waxa ay muujineysa heerka ay gaar siisantahay khatarka ay sababi karaan tuu gta ka dilaacday caasimada Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Muqdisho Kula Kulmay Amb. Aadan Xasan

     Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fed eraalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Ad en Xasan Aden.

       Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aden ayaa ka wa da hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federa alka Soomaaliya (XFS) ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo madaxda Djibouti si dii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka.

   Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salay san walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

Magacyada Madaxda Dalalka Afrika oo  uu la kulmayo Puntin oo la shaaciyey iyo kuwa uusan la kumi doonin

    Waxaa  ay 23-ka Bisha Octoober lagu wadaa inuu shirweynihii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Ruusha la yeesho dhiggi isa dalalka Afrika,kaasi oo ka daah furmi doona Magaalada loo dalxiiska tago ee So chi kuna taalla Koonfurta Raashiya isla ma rkaana kaabiga ku haysa Badda madow.

Kaaliyaha Aqalka Keremilinka ee looga tali yo Raashiya Dmitry Sergeyevich oo sha lay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu soo Bandhigay liiska Madaxweyneyaasha dalalka Afrikan ah ee kulamada khaaska ah la yeelan doona Madaxweyne Vladimir Putin inta uu socdo Shirka Raashiya iyo Afrika.

    Kulamadaas ayaa barbar socon doona Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha ee 2da maalmood ka socon doona Magaalada loo dalxiiska tago ee Sochi ee ku taalla Ra ashiya.

   Liiska Hogaamiyeyaasha dalalka Afrika ee sii qorsheeyay inay la kulamo Khaas ah la yeeshaan Madaxweyne Vladimir Putin ayaa kala ah:-

1-Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-sisi , ahna Guddoomiyaha Ururka Mid owga Afrika ee Sanadkan.

2-Madaxweynaha dalka namibia Hage Gottfried Geingob.

3-Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

4-Madaxweynaha dalka Afrikada Dhexe Archange Touadéra.

5- Madaxweynaha Koongada Dimuqra adiga Félix Tshisekedi.

6-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

7-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhamm adu Buhari.

8-Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

    Dhinaca kale waxaa la shaaciyay in Madaxweyne Vladimir Putin uusan kulan khaas ah la qaadan doonin Madaxweynay aasha Somalia, Djibouti, Kenya iyo kuwo kale.

     Sidoo kale Madaxweynaha Vladimir Putin ayaa waxaa uu berri kulan Quraac ah la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha dalalka Afrika ,waxaana Munaasabadda furitaanka Shiweynaha ay dhici maalinta berri ah. Kulankaan uu noqonayo kii 1-aad ee dhex maraya hogaamiyaasha Africa iyo Madaxweynaha Raashiya waxaana lagu casuumay in ka badan 50 hogaamiyaal Afrikaan ah.

     Shirkaan waxaa si wadajir ah u guddo ominaya Madaxweynaha Raashiya Valad amir Putin iyo Madaxweynaha dalka Mas ar oo ah Guddomiyaha Ururka Midowga Africa ee sanadkaan,Waxaana Raashiya ay qorshaynaysaa sidii ay xiriir wanagsan ula yeelan laheyd dalalka Africa.

Mareykanka: Waxaan Farmaajo U shee gnay In Uu Ka Haro Dacwada Badda

   Safiirka dowladda Mareykanka u fadhi ya Kenya, ayaa sheegay inuu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxk madda caalamiga ah ee ICJ.

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wa rgeyksa ugu afka dheer dalka Ken ya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

     "Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madax weyne Maxamed C/hi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yim aadaan, aniguna waxaan tegay Magaala da Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmaj o uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isa ga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri saf iirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

   Kyle ayaa waxaa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideys an karo kheyraadka badda.

    Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyna ha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan. DS  ma aysan shaacinin kulanka uu safiirka sheegay inuu la yeeshay Mad axweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay.

    Isku day aan sameynay in aan arrintan wax ka weydiino dowladda ayaan wali inoo suuragelin.

     Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soo maaliya, Xasan Sh.Maxamuud oo dhowr maalmood ka hor ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda ayaa sheegay in dowlad da looga fadhiyo in shacabka ay siiso jawa ab waafi ah oo ku aadan waxa ku dhacay dhageysiga dacwadda badda oo mar 2aad dib loo dhigay isbuuc ka hor.

    "Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiilay maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sa babta dib loogu dhigey?”ayuu Xasan Sh.Maxamuud ku daabacay bartiisa Twi tter-ka. Xasan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kale is weydiiyay in dib u dhigista dacwad da badda ay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

   Maxkamadda oo horay u sheegtay in dhageysiga dacawdda la qaban doono bi sha Nofeembar ee sandkan ayaa ka dib dalab kale oo Kenya ay gudbisay amaraty muddo hor leh oo ah bartamaha sanadka soo socdo Xigasho:- BBC Somalia

Wasiirka Boostada XFS oo Caabudwa aq ka daahfurey adeegyo lagu horumari nayo isticmaalka Teknolojiyadda

    Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Te knoolojiyadda ayaa daahfuray adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknoloji yada Xarunta Jaamacadda Ummadda, qa ybteeda Magaalada Caabudwaaq ee Gob olka Galgaduud.

   Madaxda Jaamacadda Ummadda ayaa Wasaaradda boostada uga mahadceliyay ka dhabaynta balanqaadkii ay u sameeye en Jaamacadda Ummadda, isaga oo intaa si ku daray in adeegyadan ay baahi weyn u qabtey Jaamacadda.

    Adeegyadan la hirgeliyay ayaa isugu ji ra soo gelinta khad Internet ah oo ay isti cmaali karaan Maamulka, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, Dhisimaha Shabak adda Gudaha (Network) ee Jaamacadda, waxaa sidoo kale qayb ka ah 39 Laptops, Computers iyo Printers cusub oo tayo sare leh.

    Adeegyada jaamacadda laga hirgeliyay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Maktab akad Elektroonik ah (Digital Library) oo ay ku jiraan Buugaag, Casharo maqal iyo Mu uqaal ah & maqaalo cilmi ah iyo tababaro loo samayn doono Shaqaalaha Teknooloji yada Jaamacadda, iyadda oo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa koox hawlw adeenno ah oo ku filan horumarinta iyo maamulka agabka lagu wareejiyey Jaam

 acadda.


 

Wasiirkii Socdaalka Kanada oo dib loogu doortay kursigii xildhibaanimada

    Wasiirka Socdaalka Kanada Axmed Xuseen, ayaa dib loo soo doortay is aga oo mar laba ad ku guuleystay kursigii xildhibaa nimada ee uu ku matali doono magaalada Ontaariyo.

    Wasiir Axmed Xuseen oo ka tirsan xis biga talada haya ee dalka Kanada, ayaa sanadkan markale ku guuleystay kursiga magaalada Ontaariyo, kaas oo ay sana dkan kula tartameen sadex qof oo kale oo Soomaali ah.  Musharaxiinta Soomaaliya ee Axemed Xuseen kursiga kula tarta mayay ayaa ka kala socday afar Xisbi oo kala duwan kana qeybgelayay doorasha da.

     Xisbiga talada haya ee dalka Kanada ayaa markale dib loo soo doortay inkasta oo ay lumiyeen tiradii aqlabiyadda kuraas ta baarlamaanka, waxaana la filayaa in ay 157 kursi ka helaan baarlamaanka halka ay ka gaabiyeen 13 kursi si ay u gaaraan aqlabiyadda baarlamaanka. R/Wasaare Justun Treadue, ayaa wakhtigiisa 2aad ho gaamin doona xuk uumad aan aqlabiyad ka heysan baarla maanka

Kenya oo dib usoo nooleysay qaraarkii fashilmay 1267 ee DF Soomaaliya ay diidday

      Dowladda Kenya ayaa weli Q/ Midoo bay ku riixeyso in Kooxda Al-Shabaab loo aqoonsa do inay yihiin urur argagixi so, laguna darro qaraarka 1267, arrintaas oo Soom aaliya ay kasoo horjeeddo.

     Agaasimaha Dambi baarista Kenya Ge orge Kinoti  ayaa sheegay in Al-Shabaab  oo lagu daro ururka Argagixisada ay keen eyso in laga hortago inay argagixisada ku faafto bariga Africa.

     "Kenya waxay sii wadeysaa inay ku rii xdo Al-Shabaab in loogu yeero urur arg agixiso,” ayuu ka sheegay George shirka 88-aad ee Internapool oo lagu qabtay dalka Chile.

     Kulanku ayaa waxaa isugu imaaday saraakiisha fulinta sharciga ee adduunka oo dhan si loo taageero dadaalada Qaran iyo kuwa heer Gobol ee lagula dagaallama yo Argagixisannimada iyo dambiyada aba abulan.

     Kenya ayaa u gudbisay soo jeedin Q/Midoobay (UN) in kooxda Soomaaliya la gu xuso koox argaggixiso ah iyadoo sheeg tay in tallaabadani ay xoogga saari doonto sidii loola dagaallami lahaa xagjiriinta.

QM ayaa diiday qaraarkaas, sidoo kalana waxaa si cad uga hor timaaday D/ Marey kanka oo sheegtay in go’aankaas uu yahay mid dadka shacabka ah saameyn ku yeelanayo. D/Kenya ayaan weli quus an, waxayna dadaalkeeda ugu badan ku bixineysaa sidii uu u fuli lahaa rabitaanke eda. Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM.Ab uukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasi ray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-Shabaab.

 Abuukar waxaa uu intaasi ku daray in qaraarka 1267 uu saameyn ku yeelan do ono arrimaha banii’aadnimada, gaar aha an goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab.

      Waxaa kale oo la sheegayaa in haddii Al-Shabaab lagu dari lahaa liiska argigixi sada caalamiga ay sidoo kale ka saameyn laheyd Soomaaliya arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo ammaanka.

     "Shabaab waa urur argagisixo ah oo ta asi muran kama taagna, oo waxaa jiray qa raaro ay Golaha Ammaanka ee QM ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxu sha.

   Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Max amed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Ma daxtoyadaJFS.xigasho:-CaasimaddaOnline

Maxaa Looga Hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiye Mursal Iyo James Swan?

    Kusimaha madaxweynaha jamhuuriya dda guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarla maanka dalka Md. Maxa med Mursal Sh. C/ xmaan ayaa xa fiisk iisa kulan kula qaat ay wakiilka g aarka ah xoghayaha guud ee QM u qa abilsan arrimaha Soomaaliya James Swan

Waxa ayna ka wada hadleen arrimo bad an oo la xiriira shuruucda hortaala baarla maanka gaar ahaan kuwa la xiriira door ashooyinka.

      Waxyaabaha ay aadka uga hadleen waxaa mid ah arrimaha dib u eegista das tuurka iyo dhameystirkiisa iyo sidoo kale sharciyada muhi imka ay ay tahay in la me el mariyo.Sidoo kale Md. Mursal  iyo wakiil ka xoghayaha guud ay aa inta kulanka uu socday isla soo hadal qaa day xoojint xiri irka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Q/midoo bay ,waxaana kusimaha madax weynaha uu James swan uga warbixiyay xaal adda guud ee dalka iyo sida ay muhiim u tahay in QM ay dar dar geliso taageerada kala duw an ee ay siiso baarlamaanka.

     Xoghayaha guud ee golaha shacabka Md. Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulan ka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay qodobadii kulanka kasoo baxay.

Dowladda oo war ka soo saartay Cabs ida laga qabo fatahaada

      Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war waxaa ay ka soo saartay Cabsida la ga qabo in wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay fatahaad ka sameeyaan gobollada dalka qaarkood.

       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta So oma aliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in qeybo badan oo kamid ah dalka uu ka da’ay Roobka Deyrta,isla markaana taasina ay sababtay in abaaro ka jiray gobolada qaar ay dhamaato.

      Waxaa uu sheegay in taasi ka sokoow ay jiraan fatahaado laga cabsi qabo inay sameey een wabiyada Shabeelle iyo Jub baland,isla markaana xaafado katirsan Bla dweyne ay bilaawdeen in laga barakaco,

Sidoo kalena deegaannada laga cabsi qa bo ayuu sheegay inay kamid yihiin degm ada baardheere,deegaanka Awdiinle iyo tuulooyin badan oo hoostaga Magaalada       Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabee lle.

      Ugu Dambeyn waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado diyaar garoow ku aadan inay u gurmato dadka ka barakacay fatahaadaha,waxaana uu ugu baaqay inay ka digtoonaadaan goobaha ay ka dhici karto fatahaadaha.

Xog: Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ka dalbatay in doorasho cusub la qabto

    Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gob alka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay toos u soo waceen madaxweyne Axmed Madoobe kalana hadleen doorasho kale oo lagu qabto Jubaland.

      Xubnaha aan warkaan ka soo xiganay aya a sheegaya in Axmed Madoobe laga dalbaday in uu u hogaansamo doorasho kale oo laga qabto Kismaayo islamarkaana ay goob joog ka noqdaan dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, si loo xaliyo tabashooyinka jira.

      Sidoo kale xubnahaan ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la hadlay Xidig iyo Seeraar iyo waliba dowladda Soomaaliya waxayna sheeg een in daganaan ay ku dhameyn doonaan arri maha ka taagan Jubbaland.

      Dadka Axmed Madoobe la hadlay waxaa ka mid ah Safiirka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan iyo wakiilo kale oo ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya Arimaha Soomaaliya.

      "Waxaa loo sheegay in beesha caalamka ay taageereyso daganaanshiyaha Jubbaland isalmarkaana aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday Kismaayo ilaa ay xubnaha goob ka noqdaan doorashada iyadoo la kaashanayo DF” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan magaa lada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

       Lama oga sida uu Axmed Madoobe ku ogolaan doono doorasho kale oo ka dhacday degaanada Jubbaland waxaana maalmaha soo socda la filayaa in uu aado dalka Kenya islamarkaana uu kulamo la soo qaato masuul iyiin ka tirsan Kenya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in safarkii Kenya uu baajiyay balse wafdi Kenyan ah ay u imaan doonaan maalmama soo socda.

      Go’aanka beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay uga digtay dowladda Soomaaliya inay doorasho ku qabato gobolka Gedo, taasi oo ay sheegtay inay kasii dari karto xiisadda taagan. Halkan ka aqriso warkaas.

            Xigasho:-Caasimada Online

 

Prof Cabdiwali Gaas oo buuggii uu qor ay Minnesota ku soo bandhigay.

     Madaxwaynahii hore Puntland marna ahaa R/wasaare ha DKMG ahayd ee So omaaliya Prof Cabdiwali M Cali Gaas ayaa dhaw aan qoray buugg uu ugu magac dar ay (Caqabad ahii xiligii kala guurka ee Soomaaliya) ,ay uu magaaladda Minneapolis ku soo band higay buuggiisa kulana  hadlay dadwayne isagu yimi dhagaysiga khudbada iyo saxi ixa buuggaan cusub. 

     Prof Cabdiwali ayaa khudbadiisa ku bilaabay in uu hawsha qorida buugan ugu tala galay jiilka naga danbeeya bal in ay wax ka ogadaan xiliyadii la soo maray qaa satan intii aan anigu wax ka ogaa bal dad ku inay wax ka ogadaan,lakiin dadka hada jooga ay in badan ka dharagsan yihiin wa xa ku qoran buuggan.

    Waxuu buuggan idinka anfaci doonaa inaad wax ka ogadaan waxyabahii laysku hayey ee daaha gadaashiisa ka socday si da hishiiskii Kanbala iyo wax la mid ah, buugaan waa mid ku eg xiligii aan Soom aaliya ku noqday wasiir ka qorshaynta ah aa iyo sidii laygu magacabay r/wasaarni madda, waxaana jira buugg kale oon uga hadlaayo intii aan Punland joogay wax uuna soo baxayaa sanadka danbe bisha Septembar hadii alle idmo waana idiin ke eni doona ayuu yiri Prof Gaas.

   Waxaa jira hadalo been abuurah oo bu uggan laga aan hada ka maqlayo , marka hadii aad buugg soo saarto dadku waxay u badan yihiin inay waxba aqrin marka wa xaa dhaci karta in la yiraahdo buugga wa xaa ku jira hal eray kaas aya lala booda yaa waxaana la oronayaa reer hebel iyo gobol hebel buu wax ka sheegayaa  wax ji rana maaha ,waxaa laga yabaa dadku in ay si kale u fahmaan aniguse waan qalda mi karaa oo bina’aadam ayaan ahay ,dad ku waa dadkaygii ,taasi waxay ahayd fal celiskii uu kula hadlaayey Prof gaas dad hore buuggiisa uga hadlay.

    Intaa kadib ayuu Prof.Gaas waxuu shar axay cutubyada uu buugiisu ka kooban ya hay ,waxybaaha xiisaha leh uu ka hadlaa yo noloshiisii hore ilaa xiligaa Soomaaliya ay ka baxaysay ku meel gaarnimada oo uu sheegay in ay hayd mid aad u adag iyo dagaalkii shabaab iyo waliba Abaartii da lka haystay xiligii uu xilka la wareegay ray sal wasaarnimada.  Markii uu khudbadiisa dhamaystay ay aa la wayd iiyey Suaalo noloshiisa iyo bu ugga ku saabsan ,wa xa ana ugu xiiso badn aa labo suaal ee ahaa waxii ka qaldamay xiligii uu xilka hayey iyo inuu rajo qabo in hogaanka dalka dib ugu tartamayo 2021 ka.Ka hor intaanu hadal xaflaada buugga Prof Gaas waxaa kaga horeeyey  hadalka Sh, Cabd iqani Qardh aawi oo ka mid ah Culumadda Minnesota ,Anwer Diiriye oo ahaa qoraa dagan Minn esota, Wasiirkii Hore Caafim aadka Soom aaliya Max’ed Ca bdi Nuur Madeer iyo Mulki Xuseen oo ah wakiilka Dowladda Pu ntland ee Maraykan ka ,wax ayna dhamaantood soo dhaweeye en buu gga uu qoray Abdiwali M Ali Gaas , oo she eg een in uu yimi xili loo baahnaa uu na ka ka soo baxay waajib saarnaa loona baah an yahay madaxda ka danbeeysa in iyagu na ay qoraan buug kuwan la mid ah.

Shirka Agaasimeyaasha Guud Ee Wasa araha Dowladda Oo Ka Furmay Muqdisho

    Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’I isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Axmednuur Maxamed Ca bdi, ayaa Shalay magaalada Muqdisho ka furay shir ay yeelanayaan agaasimayaa sha guud ee wasaaaraha dowladda.

Shirka oo soconaya October 22-26, 2019, ayaa lagu qiimeynayaa meesha ay mare yso shaqada dowladdu ay ummadda Soo maaliyeed u heyso iyo wixii ka qabsoomay qorshihii loo dejiyay wasaradaha iyo tuba ha qaranka.

     Kulanka ay leeyihiin agaasimayaasha guud ayaa sidoo kale looga hadlayaa, si aad ahna looga doodayaa qorshaha horu marinta qaranka (2020-2024), hiigsiga gu ud ee qaranka, gaaridda himilooyinka um madda Soomaaliyeed.

Cabdirashiid Janan oo garoon diyaarad eed loogu magac daray

Maamulka Jubbaland ayaa Shalay munaasabad lagu maamuusayo Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo u xiran dowladda federaalka, waxa uu ku qabtay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.Jubbaland ayaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Doloow waxa ay ugu magac dartay Cabdirashiid Janan (ABDIRASHID JANAN AIRPORT), waxaana munaasabad da magaca Wasiirka loogu bixinayay Gar oonka ka soo qeyb galay guddoomiyaa sha degmooyinka Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Cabdirashiid Xa san Cabdinuur Janan ayaa deegaan dhal asho ahaan ka soo magaalada Doolow, waana halkii uu ka soo duulay markii lagu qabtay garoonka Aadan-Cadde ee magaa lada Muqdisho.

    Wasiir Janan ayaa xiran muddo ka bad an 2 Bilood, waxaana 1-dii Bishii Septe mber laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde xilli oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

     Dhawaan ayaa lasoo taagay maxkam ad, walina wax faahfaahin ah laga helin marka laga reebo muuqaal kooban oo uu Telefishinka qaranka ka soo muuqday.

Buulle Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciid amada xoogga dalka Soomaaliya ee Gob olka Gado ayaa Wasiir Janan kala soo mu uqday Maxkamadda.

    Illaa hadana lama shaacin waqtiga ay dhici doonto wajiga labaad ee dhageysiga Dacwadda wasiir Janan iyo sarkaalka.

Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geys tay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka dee gaan ahaan kasoo jeedo.

Madaxweynaha Jubbaland oo Wareeg to ku Magacaabey labadiisa kuxigeen

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Shalay waxaa uu ware egto ku maga caabey labadiisa kuxigeen.

Wareegtada ayaa lagu she egay in Madaxweyne kuxige en ka 1aad uu noqonayo Max amuud Sayid Aa dan oo xil kaasi horay u haayey halka Madax we yne kuxigeenka la baad uu noqonayo C/qaadir Xaaji Maxamuud oo isna haayey xilkaas.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabi sta Madaxweyne kuxigenada Jubbaland.


 

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSI

 

BIODERMA

 

OGEYSIISKA HALKAN AYAA KU SAMEEYA in sumadda ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay hantida NAOS, A French Simplified Joint Stock Company of 355 rue Pierre-Simon Laplace, 13290 Aix-en-Provence, France iyo in sumadda ganacsiga loo adeegsado badeecada soo socota:

 

Fasalka 3-aad

Saabuun cadar; saliidaha lama huraanka ah; is qurxinta; Kareemada, cajiinyada, ushinnada loogu talagalay isticmaalka qurxinta; deodorants for isticmaalka shaqsiyeed; shaamboo iyo timo timaha; tirtiraha ayaa lagu taxay diyaarinta ka-saaridda; u diyaar garowga qurxinta ee lagu caddeeyo maqaarka; u diyaarinta qurxinta maqaarka; u diyaarinta qurxinta qurxinta; u diyaar garowga qurxinta diirinta iyo ka hortagga qoraxda; badeecooyinka goynta ah; deegaanka noolaha bioloolajiga ah (diyaarinta) kor u qaadida horumarka unugyada maqaarka (isticmaalka is qurxinta).

 

Fasalka 5-aad

Alaabada dawooyinka; walxaha nafaqada leh ee loogu talagalay isticmaalka daawada; nafaqada iyo kaabista cuntada ee aadanaha; alaabada caafi-dhowrka loo isticmaalo ujeeddooyin caafimaad; badeecooyinka maqaarka; deegaanka noolaha bayolojiga ah (diyaarinta) kor u qaadida horumarka unugyada maqaarka (daawada loo isticmaalo).

 

Fasalka 44-aad

Adeegyada ay bixiyaan qurxinta iyo qurxinta timaha; daryeelka nadaafadda iyo quruxda aadanaha; adeegyada la-talinta ee la xidhiidha nadaafadda iyo daryeelka quruxda, adeegyada la-talinta ee la xidhiidha is-qurxinta iyo maqaarka, jidhka iyo daryeelka quruxda; talo laxiriirta alaabada la isku qurxiyo; talo laxiriirta caafimaadka cuntada iyo kaabeyaasha nafaqada leh. sameynta baaritaanka cudurrada kahor daaweynta nafaqeynta ama maqaarka; kala tashanida daryeelka quruxda; adeegyada daryeelka quruxda; adeegyada daryeelka caafimaadka.

OGAYSIISKA SIDO KALE WAXA BIXINAYAin NAOS ay sheegato dhammaan xuquuqaha quseeya sumcadda ganacsi ee ka jirta Somaliland isla markaana ay qaadi doonto tallaabo sharciyeed oo ku habboon qof kasta ama shakhsiyaad lagu helo inuu isticmaalayo sumcadda ganacsiga ama astaan ​​ganacsi kasta oo khiyaano ama sirta la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay. xuquuqdood

MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN XARIGA KA JARAY MASHRUUC BIYO DHAAMIN AH OO LOO SAMEYNAYO DADKA BARAKACAY


    Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Shalay xariga ka jaray ma shruuc biyo dhaamin ah loo sameynayo dadka ka barakacay fatahaada ku dhufa tay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaal ada Beledweyne kuwaa oo hadda ku sug an deegaanka Ceeljaale ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne.

   Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo Shalay booqd ay deegaanka CeelJaale oo ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee ka barakacay xaafaddaha magaalada Beledweyne ayaa she egay in howshan biyo dhaaminta ah ee Shalay la bilaabay soc on doonto 20 ka cisho ee nagu soo foolka leh.

     Waxaa iska kaashanaya mashruucan biyaha lagu gaarsiina yo dadka barakacay maamulka gobolka iyo qaar ka mid ah hay’ addaha samafalka ka howlgalka gobolka Hiiraan.

        Ilaa Sagaal goobood ayaa biyo dhaaminta laga sameeyn do onaa oo la cayimay, iyadoo la adeegsanayo Boyadaha Biyaha dhaamiya.

       Taallaabada ayaa u muuqata mid uu maamulka gobolka uga jawaabayo baahida ka jirta deegaannada loo barakacay oo biyo la’aantu ugu horreyso.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip