Yaa Caqabad ku ah xalka Soomaaliya sideese looga gudbi karaa..?-WQ: Sheekh Cali Wajiis

0
Monday September 28, 2015 - 11:55:08 in Maqaallo by
  • Visits: 1403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Caqabad ku ah xalka Soomaaliya sideese looga gudbi karaa..?-WQ: Sheekh Cali Wajiis

    Waxaa la wada ogyahay in dowladaha burburay kaliya ay dib ugusoo laabankaraan 2-wado midood. 1-In dowlad weyn ay farageliso dalkaas ciidama xoog lehna ay hub kadhigis ku sameeyaan kooxaha ku dagaalamaya dalkaas kadibna ciidan qaran loo dhiso ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la wada ogyahay in dowladaha burburay kaliya ay dib ugusoo laabankaraan 2-wado midood. 1-In dowlad weyn ay farageliso dalkaas ciidama xoog lehna ay hub kadhigis ku sameeyaan kooxaha ku dagaalamaya dalkaas kadibna ciidan qaran loo dhiso hogaanka siyaasadeedna lagu doorto si nabad ah sida dhowr wadan oo african ah ka dhacday oo ay ka mid yihiin leyberiya siralyon. 2-In dadka wadankaas u dhashayu isku tashadaan oo ay iyagu sameestaan awood siyaasadeed iyo mid ciidan oo wadankooda ay ku maamushaan si madaxbanaana arimohooda u xalistaan.

Sheikh-Cali-Wajiis

Hadaba soomaaliya maxaa ka jira oo u gaar ah?

somaliya 2-daas wado midna ma heyso ma helin wadan weyn oo gacan ka siiya xasilinta oo daacad u ah sidii neyjeriya ugu gurmatay wadamada ku yaala gobolkeeda galbeedka africa.

sidoo kale ma helin umad wadankooda u naxaaya oo iyagu dhibta gacmohooda isaga qaada.

Haddaba mexey tahay caqabadaha ku hor gudban in somaliya xal loo helo sideesa loogu heli karaa xal?

Caqabadaha waxaa ugu waaweyn.

A-Qabyaalada oo siyaasiyiinteena qaarkood kala weyn qaranimada gaar ahaan siyaasada wax isu quur la,aanta qabyaaladeysan oo ku dhisan cadkaanow waleen ama ku cunay ama ku ciideeyay oo hada kahor nin odaya uu BBCuga gabyay.


welina siyaasaddi noocaaseheed oo dalkaan dowladnimo u diiday ayaa shaqeyneysa.

B- Distuur faasida oo loogu talagalay in wadanku uusan yeelan kala danbeyn oo markasta abuura iska hor,imaad siyaasadeed sida caadada u noqotay dowlada soomaaliya oo wakhti badan uga boxo mooshin iyo isqab qabsi siyaasadeed oo xaqiiqa ahaan ku dhisan in lugta leesku dheganaado oo aan dowlad shaqeysa la helin.

C- Mashaariicda dhaqaala sameynta ku dhisan ee ajaanibta hadey yihiin kuwa isku sheega beesha caalamka oo usoo naqraacay soomaaliya ama kuwa isku sheega AMISOM oo aakayaashooda kusoo shaqa doontay marnaba an dooneyn in mashruucoodu dhamaado marka laga reebo ciidamada hiil walaal ee jabuuti oo iyagu doonaaya iney walaalohood gar gaaraan ayna ka muuqato meesha ay joogaan ee HIIRAAN oo aysan dhicin iney baneeyaan meel ay cadawga kala wareegen mar hore sida ceebta ka socota shabeelada hoose.

D- Kooxda argagixisada ah oo magaca diinka ka been sheegay una jooga wadanka iney cadawga shisheeye u nugleeyaan kaliya oo noqday riibi geedahana ma daaqo lagamana daaqo.

E- Shakhsiyaad siyaasada ka ganacsada oo isugu jira xildhibaano iyo madaxgoboleedyo iyo kuwa kale oo aan dareen wadaniya leheyn balsa hamigoodu uu yahay kaliya iney lacag ka sameeyaan ku dhex jirka siyaasada inta badana la qaxweesta shisheeyaha oo wixii ay shisheeyuhu aysan cadeysa karin iyaga loosoo maro markastana la howl geliyo xiliyada kala guurka oo la doonaayo in ajandayaal qarsoonaay la diyaariyo fulintooda iyo in dowladnimada soomaaliya ineysan dhaweyn si caalamka loogu muujiyo ayaa markasta loo abuuraa buuq siyaasadeed.

F- Dad mas,uuliyaddii dowladda u haayeen iney lacag ku aruursadaan kaliya in loogu dhiibay xilka aadba moodo iyo inaan aakhiraba jirin iyo xisaabteeda midna waana waxa dibu dhaca iyo horumar la,aanta keenay.

Hadaba hadii intaasoo caqabada ah ay wadankaan heestaan sideebaa looga gudbi karaa?

Runti dhibaata kasta wexey leedahay jid loo maro xalkeeda hadii jid kale la marana wiligeed lahelimaayo xalka.

Haddaba xalku woxow ku jiraa arimahaan inshaa allaah.

1-In umadu ay ogaato in sharaftu ey ku jirto dowladnimo kaliya oo aysan ku jirin qabyaalad iyo caadifad qabiil loo haayo si taas loo gaarana waa in la xoojiyaa dowladnimada iyadoon la fiirineyn hadba qofka markaas xilka madaxweyne ama raisul wasaaraha ah amaba wasiirka balsa la fiirinaayo heykalka dowladnimada oo asagu markasta jiraaya qofwalbana maalin kusoo tilaabsanaayo oo aan qofna leheyn.

waana in la ogaadaa in qaacido amaba suna ilaah ay tahay in qofku waxa uu la deg dego loo diido oo uusan calfan maanta waxaa ugu jaanis xun siyaasada kuwa colaad,afxumo,qabyaalad iyo qof ama qoys neceyb wax ku raadinaaya marnaba lagama ayaabo iney weligood gaaraan yoolkooda waayoo kuwa ay colaadinaayaan ayaan marnaba aqbaleyn iyaguna iney talo u dhiibtaan amaba ay kula shaqeeyaan marka waa ijiidaan ku jiidee.

2-In dadka dowladnimada soomaaliyeed aaminsanay isku xirmaan xoojiyaana sharciyada dowladnimo iyo hogaanka umada una dhabar adeegan caqabadaha loo dhigayo dejiyaana siyaasad degan oo ay uga agudbaan.

3- Dowladu waa iney xoojisaa dhismaha ciidamada qaran iyadoo jaanis wanaagsan siineysa saraakiisha amaba hogaanka cusub ee ciidanka oo runtii la dhihi karo waxaa ilaahey waafajiyay madaxweynaha iyo xukuumada rag xul ah oo hanankara majaraha ciidanka soomaaliyeed ee xooga dalka talada wadankana gacanta dowlada kusoo celi kara.

4- Waa in la dedejiyaa dhismaha 2-da maamul goboleed ee harsan dowladuna ka qaadaa taakada dadka u dhashay deegaanadaasna waa iney ku daysadaan walaalohood reer baydhabo iyo reer cadaado oo ay hurdada ka kacaan si loo helo maamulla dhameestiran oo amaanka dalka midkastaba deegaankiisa gacanta dowladda soo geliyo siloo helo 2016 dowlad soomaaliyeed oo kaligeed dalka xukunta.

laakin waxaa ah wax aan la qaadan ka dowlad xataa aan 2-dii shabeele aan gacanta ku heyn sida ay u heleyso sharciyad dhameestiran..

5- Waa in loo howl galaa sidii loo bedeli lahaay baarlamaanka hadda jira oo runtii ah intiisa badan caqabada ugu weyn ee dalkaan heysata waayoo woxow ku fashilmay inuu xataa distuurkii dalka soxo oo uu ku dhisnaay.

wexey ku fashilmeen iney deegaanadoodii ay methelaayeen ay abaabulaan sidii dowladdu ula wareegi leheed oo loo xureyn lahaay wexey ku fashilmeen iney wadankaan shisheeyaha u afduuban ineysan usii nugleyn cadawga taas bedelkeedana wexey aadeen iney ka shaqeeyaan in dalka qas siyaasadeed la geliyo si ay shisheeyaha ugu fududaato iney ajandohooda miiska la yimaadaan.

Haddaba si dhibtaas looga boxo waa in la dedejiyaa dhismaha iyo taageerada maamulada dowlad goboleedyada si baarlamaan deegaan oo dad methelaaya loo helo 2016 ka.

6- In ganacsatada soomaaliyeed iyo dadka dibadda aaday oo ka shaqesta waa in la xoojiyaa nabadgelyada dalka loona aruuriyaa dhaqaale lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada qalabka sida.

waana in shacabku ogaadaa in aan cidina dalkaaga iyo dowladnimadaada dhiseyn ee waa inaan anagu isku tashanaa waana inaan ogaanaa in dhaqaalaha haddaan loo helin nabad iyo dowladnimo inowsan caga ku taagneyn haddaba qofkasta haduu ku bixiyo 5% xoolihiisa qaranka soomaaliyeed deg deg ayuu ku istaagaayaa.

7- Waa in umadu ilaahey usoo laabato oo xarigiisa la wada qabsado lana ogaado sacaadada adduun iyo tan aakhiro iney ku jirto diinta alle oo lagu dhego laguna dhaqmo waana in arinkaas loo wada guntadaa.

Ilaahey waxaan ka abaryeynaa inow axwaasheena noo hagaajiyo dadkeenana quluubtooda isusoo dumo dowladnimadana noo adkeeyo aamiin.

NB: Walaal wixii ku biirin ah amaba toosin ah ku soo dir Caliwajiis@hotmail.com, ama watsap and vebar 00252612222250 mahadsanidiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip