
Ku dhawaad kun tahriibayaal ah oo laga bad baadshay badda u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga.
Sagaalka boqol ee qof ee la bad baadshay ayaa ururka Midawga Yurub sheegay inay kasoo jeedaan wadamada Syria iyo Ciraaq waxaana ay doonayaan inay inta Giriiga tagaan uga sii gudbaan wadamada kale ee Yurub.
Cimilada badda oo xumaatay ayaa loo sababeeyay ciladaha qabsaday doonyihiin ay la socdeen.
Waaxda amniga gudaha Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay inay si adag ula soconayso dadka u safra wadamada Soomaaliya, Yemen iyo Libya.
Warbixin kasoo baxday waaxda amniga gudaha Maraykanka waxaa lagu sheegay in wadamadaan oo ka mid ah dalalka ugu badan ee ay ku xoogan yihiin waxa argagaxisada loo yaqaan in aad loola soconayo dhaq dhaqaayada ay sameynayaan shaqsiyaadka wata baasaborada Maraykanka ah ee dalalkaan tagay 5,tii sanno ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale shaqsiyaadka aan haysan dhalashada Maraykanka ee wadamadaan tagay ayaa aad loo hubin doonaa sharciyadooda iyo dal ku galkooda Maraykanka oo ay ku dalban doonaan waxa online,ka loo yaqaano ee ah in internetka laga dhex dalbado.
Waaxdu waxay sheegtay in sababta sidaan loo yeelayo ay tahay ayadoo la doonayo in laga bad baado in Maraykanka ka dhacaan weeraro la mid ah kuwii sanadkii hore dhamaadkiisii ka dhacay magaalada Paris oo ay geysteen koox Daacish ka tirsanaa.
Dawlada Maraykanka waxaa ay sheegtay in Soomaaliya, Yemen iyo Libya ay ka jiraan xaalado adag aragagixisaduna ku badan tahay sidaas darteed aad loo hubin doono qof kasta oo booqday 5,tii sano ee lasoo dhaafay.






0 


Ku dhawaad kun tahriibayaal ah oo laga bad baadshay badda u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga.
Ugu yaraan 900 o tahriibayaal ah ayaa laga bad baadshay badda u dhaxaysa wadamada Turkiga iyo Giriiga ka dib markii ay ciladoobeen doonyihii ay la socdeen.