Golaha Wasiirada oo meel mariyay Dib u howlgelinta Iskaashatooyinka Soomaaliyeed

0
Friday February 19, 2016 - 13:20:13 in Wararka by
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo meel mariyay Dib u howlgelinta Iskaashatooyinka Soomaaliyeed

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan Warbixino looga dhgeystay Wasaaraddo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan Warbixino looga dhgeystay Wasaaraddo kala duwan.

Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday labo xubnood oo u sharaxnaa inay ka mid noqdaan guddiga talada ee Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed (Board of the Bank), waxaana xubnahan soo gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo golaha Wasiiraduna ay ogolaadeen, kadib markii ay ku qanceen aqoonta, khibrada iyo shaqsiyadda labadan mas’uul, magacyada labadan xubnood ayaa kala ahaa C/rashiid Maxamed Siraaj iyo Yuusuf Maxamed Cali ah aqoonyahano dhanka maamulka iyo maaliyadda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday Dib u howlgelinta ururka dhaq dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS), waxaana golaha Wasiiradu ay ka doodeen muhiimada ururkan iyo waxqabadkiisa arrimaha horumarinta iskaashatooyinka iyo wax soo saarka kheyraadka gudaha, waxayna ogolaadeen in dib loo howlgaliyo ururkaasi.

Gabagabadii, golaha Wasiirada ayaa tacsi u diray Shacabka dalka Turkiga iyo hogaankoodaba, waxayna uga tacsiyadeeyeen dhimashadii ka dhalay qaraxii ka dhacay Arbacadii magaalada Caasimadda ah ee Ankara, waxayna ku tilmaameen mid ka baxsan bani’aadanimada.

---DHAMMAAD----





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip