Xukuumadda ayaa mamnuucday isticmaalka baraha bulshada sida Facebook iyo Whatsapp, waxayna tallaabadan looga gol leeyahay in aan la jahwareerin dadka sida doorashada u socoto.
Kormeerayaasha Caalamiga ayaa cambaareeyay hakinta lagu sameeyay baraha bulshada, waxaana intii ay socdeen ololaha doorashada ay dadku aad u sitcimaalayeen baraha bulshada ku wada xiriirto.
Dhinaca kale Ciidamada Booliska ayaa muddo kooban xiray Musharaxa mucaaradka Kizza Besigye, kadib markii uu isku dayay inuu galo guri la sheegay inay ka socotay xadida cododka, hase ahaatee Booliska ayaa cambaareeyay hadalkaas, waxayna dib gurigiisa ugu celiyeen Mr Besigye.
Waa markii labaad oo la xiro Besigye oo lagu tilmaamo ninka ugu xoogan mucaaradka ee la tartamaya Madaxweynaha talada haya.
Si kastaba ha ahaatee Guddiga doorashada ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhawaaqaan natiijada doorashada Madaxtinimada.



0 



Isticmaalka baraha bulshada Uganda oo la xayiray, inta ay socoto doorashada
Isticmaalka baraha bulshada ee dadka reer Uganda ayaa laga mamnuucay, inta ay socoto doorashada Madaxtinimada dalkaas, waxaana maalin dheeraad ah lagu daray meelaha dadka ay codka ka dhiibanayaan ee la dhigay sanaadiiqda.