Yuusuf Dabageed "Madaxweynaha iyo Ugaas Xasan waa isla meel dhigeen inta badan cabashadii jirtay"

0
Friday February 19, 2016 - 12:33:09 in Wararka by
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Dabageed "Madaxweynaha iyo Ugaas Xasan waa isla meel dhigeen inta badan cabashadii jirtay"

    Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa faah faahin ka bixiyay kulankii shalay magaalada Beledweyn ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ay wakiisheen beelaha reer Hiiraan,isagoo tilmaamay la i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa faah faahin ka bixiyay kulankii shalay magaalada Beledweyn ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ay wakiisheen beelaha reer Hiiraan,isagoo tilmaamay la isku afgartay inta badan waxyaabihii la isku diidanaa ee ku aadanaa dib u bilaabida shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Yuusuf Dabageed ayaa rajo ka muujiyay in odayaasha dhaqanka reer Hiiraan ay ka qeyb geli doona shirka maamul u sameynta, isla markaana dhowaan dib loo bilaabo doono shirka sida uu hadalka u dhigay.

"Sida la socotaan shirka waa tii laga furay Jowhar, waxaa jiray waxoogaa buuq ah oo dhanka reer Hiiraan ka imaanaya, Madaxweynaha wuxuu u yimid Beledweyn in qeylada jirta inuu xaliyo, waxay kulmeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dadka reer Hiiraan intooda badan ay wakiisheen, inta badna waxyaabihii ay ka wada hadleen waa isku waafaqeen inta badna wixii la isku diidanaa, waxa dhiban dib ayaa laga dhameystiri doonaa waqti dhow, shirkana dib ayaa looga furi doonaa Jowhar, sida wareegtada Madaxweynaha ku soo baxday”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha la isku mari la’yahay ayuu tilmaamay inay jiraan waxyaabo ay kala jiidanayaan siyaasiyiin dano leh, balse aanay dadka reer Hiiraan iyo Sh/Dhexe aanay is necbeyn

"Dadka reer Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe isma neceb, caqabadaha jira waa wax qeybsiga, oo siyaasiyiin dano gaar ah leh baa wax kala jiidanaya, guddiga farsamada hadii qeylo ka timid waa la saxayaa, wax kasta oo cusub qeylo waa ka imaaneysaa, waana la saxayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Madaxweynaha uu booqasho gaaban ku tagay magaalada Beledweyn, si uu u xaliyo cabashada beelaha reer Hiiraan ee ku aadan shirka maamul u sameynta labada gobol.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip