Pope Francis oo shaki geliyay Masiixinimada Donald Trump

0
Friday February 19, 2016 - 12:19:09 in Wararka by
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pope Francis oo shaki geliyay Masiixinimada Donald Trump

    Pope Francis, Baadariga Mad-habta Catholic-gada (Diinta Masiixiga), ayaa waxaa uu dhaleeceeyay Siyaasiga Donald Trump ahna Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee ugu cad-cad Madaxtinimada Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pope Francis, Baadariga Mad-habta Catholic-gada (Diinta Masiixiga), ayaa waxaa uu dhaleeceeyay Siyaasiga Donald Trump ahna Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee ugu cad-cad Madaxtinimada Mareykanka.

Donald Trump, ayaa marar badan ku celceliyay inuu dhisi doono derbi kala qaybiya dalalka Mareykanka iyo Mexico, si uu meesha kaga saaro qaxootiga reer Mexico ee ku soo qulqulaaya Mareykanka, isla-markaana uu ku baaqaayo in la celiyo qaxootiga Mexican-ka ee sharci darrada ku joogga America.

Baadariga oo Khamiistii weeraray Donald Trump, ayaa sheegay inaanu Masiixi ahayn qofka ka fekeraaya in derbiyo la dhiso, bedelkii uu ku fekeri lahaa in buundooyin la dhiso.

"Qofka ku fekeraaya in derbiyo la dhiso oo keliya, oo aan ku fekerin in buundooyin la dhiso, maaha Masiixi. Tani maaha injiilka ” Ayuu yiri Baadariga Mad-habta Catholic-gada.

"Waxaan leeyahay oo keliya ninkaasi oo kale maaha Masiixi, haddii uu yiri in waxaasi oo kale uu ku fekeraayo. Waa inaan aragnaa haddii uu yiri in sidaasi uu u fekeraayo. Anna waxaa siinayaa macaash uu shaki ku jiro.” Ayuu yiri Pope Francis.

Pope Francis waxaa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo, haddii dadka Mareykanka ay u codayn lahaayeen Siyaasiga Donald Trump iyo haddii kalaba.

Hadalkan, ayuu Pope-ka jeediyay xilli uu ka amba baxay dalka Mexico, kuna sii jeeday Magaalada Rome Ee Xarunta Wadanka Talyaaniga.

Donald Trump oo mar sii horeysay ammaan isaga sii jeediyay Pope Francis, ayuu yiri "Waxaan dhihi lahaa Daacish adiga ayay kuu baahan tahay.”

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip