Hay'ada Zamzam oo ku Guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ee Maamul-wanaagga (SAWIRRO)

0
Thursday February 18, 2016 - 16:32:14 in Wararka by
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'ada Zamzam oo ku Guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ee Maamul-wanaagga (SAWIRRO)

    Xaflad Ballaaran oo ay ka Qayb-galeen Madax ka socday Bangiga Horumarinta Islaamka, ururka Iskaashiga Islaamka OIC, wakiillo ka socda Hay'ado Deeq-bixiyaal ah oo Fadhigoodu yahay Sucuudiga iyo Ganacsato; ayaa Hay'adda Zamzam lagu guddoonsii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad Ballaaran oo ay ka Qayb-galeen Madax ka socday Bangiga Horumarinta Islaamka, ururka Iskaashiga Islaamka OIC, wakiillo ka socda Hay'ado Deeq-bixiyaal ah oo Fadhigoodu yahay Sucuudiga iyo Ganacsato; ayaa Hay'adda Zamzam lagu guddoonsiiyay SHAHAADADA TAYADA IYO MAAMUL WANAAGGA EE CAALAMIGA AH OO LOO YAQAANNO;ISO 9001:2008.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Munaasabadan oo Isniintii 15-kii Feberaayo 2016-ka, ka dhacday Hoteelka Intercontinental Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Hay’adda ZAMZAM Foundation loogu aqoonsaday inay mudan tahay in la guddoonsiiyo Shahaadadaas.

Waa markii ugu horreysay oo hay’ad Soomaali ahi (Mid dowladeed, mid gaar loo leeyahay iyo mid sama-falba) ay ku guuleysato Shahaadadan.

Kaddib markii ay aragtay hab maamuleedka Hay’addaZAMZAM FOUNDATIONayay kooxda lagu magacaaboInternational Expertise House for Administrative Developmentoo ka mid ah sharikadaha Bariga Dhexe ugu waa-weyn dhinaca la-talinta, waxay u sharraxday ShahaadadaISO 9001:2008,la socod dheer oo la xiriira howlaha iyo adeeegyada ay ZAMZAM FOUNDATION bixiso, kadibna waxaa loo aqoonsaday mid tayada maamulkeeda iyo howlaheeduba yihiin kuwo aad usarreeya.

SharikaddaTÜV INTERCERT SAARfadhigeedu yahay DalkaJarmalka oo ka shaqeysa arrimaha diiwaan-gelinta, shahaada bixinta, hannaanka tayada iyo maamul-wanaagga Hay’adaha iyo Sharikadaha Caalamka ayaaShahaadada guddoonsiisay Agaasimaha Guud ee Hay’addaZAMZAM FOUNDATIONMudane,Shuceyb C/ladiif Sheekh.

Guusha ayZAMZAM FOUNDATIONku hanatay Shahaadadan Caalamiga ah waxay kusoo beegmaysaa xilli sharikadaha iyo hay’adaha xukuumiga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa sama-falku ay ku han-weyn yihiin hanashada shahaaddada tayada iyo maamul-wanaaga ee loo yaqaannoISO 9001:2008.

Dhanka kale,ISO 9001:2008.WaaShahaado sare oo caalamiy ah caddeyna u ahsumacadda iyo tayada maamuul wanaaga cidda ay u suura-gasho in ay hesho shahaadadan. Waxaa shahaadadan lagu bixiyaa dhinaca tayada habka maamulka, iyadoo la siiyo hay’adaha la xaqiijiyo in hab maamukoodu yahay mid tayeysan oo la jaan-qaadi kara nidaamka caalamiga ah, iyadoo ay horay ugu guuleysteen hay’ado iyo sharikado dunida laga yaqaano, balse marka Soomaaliya laga hadlayoZAMZAM FOUNDATIONwaa tii ugu horreysay oo la guddoonsiiyo shahaadadaan.

Ugu dambeyn, Hay’addaZAMZAM FOUNDATIONwaxaa la Aasaasay Sannadkii 1992-kii, waana hay’ad samafal oo bixisa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Daryeelka Agoonta, Nabadeynta iyo Horumarinta, waxayna ka howlgashaa guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiiskeeda ugu weynna wuxuu ku yaallaa Magaalada Muqdisho.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Feb/wararka_maanta18-94889.htm#sthash.ymBBhOPh.dpuf


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip