
Farxiya Kabayare: "Shacabka waa inay ka dhiidhiyaan waxa Hargeysa ka socda"
Fannaanada Farxiya Kabayare ayaa war culus ka soo saartay xariga lagula kacay fannaaniin ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska, iyadoona isweydiisay dhowr su'aalood oo ku saabsan arrimaha fanka, iyadoona sheegtay inay qireyso isla markaana jeceshahay horumarka Somaliland ay gaartay. Farxiya Kabayare ayaa sheegtay in fanku uu ka madax bannaan yahay
siyaasad iyo is qabqabsiga siyaasiyiinta Soomaalida, iyadoona sheegtay
in Fannaaniinta Soomaaliyeed ay xor u yihiin meel kasta oo ay joogaan
shacabka Soomaaliyeed.
"Shacabka waa inay ka dhiidhiyaan waxa ka socda Hargeysaā€¯ ayay tiri Farxiya Kabayare oo ka dalbatay maamulka Somaliland inay si degdeg ah u sii daayaan fannaaniinta kooxda Xiddigaha oo aan gelin wax dembi ah, isla markaana farxadda ciida la qeybsaday taageerayaashooda Muqdisho.
Farxiya Labayare ayaa sheegtay in iyadu aanay weli tegin magaalada Hargeysa, iyadoona isweydiisay bal haddii ay tagto Hargeysa oo ay halkaasi ka qaado heeso ay ku amaaneyso Somaliland sida ay noqon lahayd markii Muqdisho loogu arrintaasi darteed
Farxiya Kabayare: "Shacabka waa inay ka dhiidhiyaan waxa Hargeysa ka socda"
Fannaanada Farxiya Kabayare ayaa war culus ka soo saartay xariga lagula kacay fannaaniin ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska, iyadoona isweydiisay dhowr su'aalood oo ku saabsan arrimaha fanka, iyadoona sheegtay inay qireyso isla markaana jeceshaha