
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 1-DA OKTOOBAR 2019-KA
Yamamoto ayaa qoraalkiisa ku she egay in Dowladda Maraykanku cambaaraynayso weerarkaas iyo mid kale oo ka dhacay magaalada Mu qdisho. "Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada Shalay ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday far iisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee ya hay Baledogle ee gobolka shabeelaha ho ose” ayaa lagu yiri qoraalka.
Danjiraha ayaa ciidamadii halkaa ku sugnaa ku amaanay in ay ahaayeen kuwa aad u feejigan oo aan fursad u siinin cada wga in ay xero taraar ku sameeyaan xeyn daabka saldhigga wuxuuna sidoo kale she egay in dhanka ciidamada aanu wax khas aare ah soo gaarin.
"Ciidanka oo ahaa mid feejignaan muu jinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka ho rtago wareerka fashilmey, oo aan u ogg olaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin khasaare ka soo gaarey labadii weerar cii danka xoogga dalka” ayuu yiri Danjiraha.
Weerarkan ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid caqabad ku ah horumarka iyo nab adda Soomaaliya hase yeeshee uu dhiirri gelinayo dadaalka Dowladda Mareykanka ay ku bixinayso la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.
Idaacadda ku hadasha afka ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna shee gtay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maraykanku ay iska difaaceen weerarkii ay alShabaab ku soo qadday saldhigga Ballidoogle.
AlShabaab ayaa sheegatay masuul iya dda weerarka iyaga oo intaa ku daray in maleeshiyadooda weerareen saldhigga.
Soomaaliya iyo Bakistaan oo sare u qa adaya xariirka labada dal
Safiirka Soomaaliya u fadhisa dalka Bakistaan Kha diija AlMakhzu umi ayaa sheeg tay in Soomaali ya ay dooneyso xoojinta xiriirka kala dhexeeya Bakistaan gaar ahaan Iska ashiga dhanka badda iyo kalluumeysiga.
Danjire Khadiija ayaa hadalkaasi
ka shee gtay kulan ay yeelatay Sayid Maxamed Anwar oo ah agaasimaha guud ee
Mada sha Cilmibaarista Badaha oo ah hay’ad ka shaqeysa diyaarinta siyaasadda
badaha, iskudubaridka heshiisyada ganacsi ee la xiriira badaha iyo sameynta cilmi
baaris iyo fakanqeyn arrimaha badaha.
"Ka safiirka Soomaaliya ee Bakistaan ahaan, wax ay masuuliyadeydu tahay ka shaqeynta isku xirka hay’adaha cilmi baar ista iyo Ganacsatada qeybaha cilmiba arista ku shaqada leh ee labada dal si ay isu bartaan xiriirna u yeeshaan” ayey tiri Danjire Khadiija.
Danjire Khadiija ayaa sheegtay in xiriir fiican oo ganacsi uu ka dhexeeyo labada dal ee Soomaaliya iyo Bakistaan balse la doonayo in la sii ballaariyo si uu usii xoogeysto xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo is xigay oo ay madaxda madasha cilmibaar ista badaha la yeelanayeen danjireyaasha Bakistaan u fahdiya dalalka Afrika.
Booliska Boosaaso oo howlgal ku soo qabqabtay dad la tuhunsanyahay in ay khalkhal ku hayeen amniga
Laammaha ammaanka magaalada Bo osaaso ee
gobolka Bari oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay magalaadaas waxa ay ku soo
qabqabt een dad la tuhuns anyahay in ay caqabad ku ahaay een mag aalada.
Howlgalgalka ay ciidamadu fuliyeen ay aa lagu bartilmaameedsaday xaafadaha waaweyn ee magaalada iyada oo sidoo kalena baaritaan lagu samaynayay gaadi idka si loo hubiyo ammaanka magaalada.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in ujeeddada ka dambaysa howl galka ay ciidamadu qaadeen Habeen hore tahay in lagu baacsado burcad falal dhac iyo cabsi galin ah ku haya dadweynaha magalaada xilliyada habeenkii.
Booliska ayaa sheegay in dadka la soo qabqabtay lagu samayn doono baaritaan no lagu kala saarayo. Dhowr jeer oo hore ayay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Buntilaan uga dhaceen falal ko oxo hubaysan oo Shabaab ahi ku bartil maameedsadeen masuuliyiin ka tirsan maamulka.
Bishii Febraayo ee sannadkan ayay ah ayd markii rag hubaysan oo isu soo ekeys iiyay kalluumaysato ay dekadda Boosaa so ku khaarijiyeen maareeyaha dekedda Paul Anthony Formosa. Kooxda hubaysan ee alShabab ayaa sheegatay mas’uul iyadda weerarka iyaga oo ku eedeeyay shirkadaha shisheeye ee qandaraasyada ka qaata dekaddanaa ay boob ku hayaan.
CARRUUR KU GEERIYOOTAY WALXA QARXA OO AY KU CIYAARAYEEN DEGMADA CADALE
Wararkaka imaanaya Degmada Cad ale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in tuulo hoostagta degmdaas uu ka dhacay Qarax sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhashay Qori nuuca loo yaqaano Baasuke oo yaal lay goob hawd ah oo ku taalla tuulada Ce elmuluq oo hoostagta Degmada Cadale, xili ay Caruur yar ku ciyaareysay.
Qof kamid ah dadka deeganka oo a hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in Caruurta ay dab ku qabteen Qoriga Ba asukaha ahaa,hayeeshee markii dambe uu qarxay,waxaana halkaas ku geeri yootay saddex Caruur ah,halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Caruurta dhaawacantay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdi sho,halka qaarkood lagu dabiibayo Isbitaal ka Guud ee Cadde ee Gobolka Shabee laha Dhexe.
Caruur badan ayaa horay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka.
Xigasho:radiodalsan .com
HOOYO SOOMAALIYEED OO LA GOWRAC AY,KA DIB MARKII AY DIIDAY IN LA DUMAALO
Wararka ka imaanaya Magaaladda Waj eer ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Ke nya ayaa sheegaya in Hooyo Soomaal iyeed lagu gowracay halkaas.
Falkaan waxaa geystay nin dumaashi geed ah oo ay ka diiday in uu dumaalo, ka dib markii uu ka dhintay walaalkiisa.
Ciidamada amniga oo falkan ku ba xay ayaa Saraakiishooda waxay sheeg een iney ku raadjoogaan gacan ku dhii glaha oo markii uu falka geystay baxs aday.
Hooyada la Gowracay ayaa ifka kaga tagtay shan Caruur ah waxaana da’deeda ay aheyd dumarka meel dhaxaadka,sida
qoyskeeda ay sheegeen.
CIIDANKA XOOGGA DALKA OO WAR KASOO SA ARAY WEERARKA BALLIDOOGLE IYO SIDA UU U DHACAY
Taliska ciidammada Xoogga
Dalka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga iyo kuwa Mare ykanka ee taageera ay iska
caabiyeen wee rar gawaari loo adeegsaday oo AlShabaab ku soo qaadeen saldhigga
Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War kasoo baxay ciidamada oo lagu faaf iyey warbahainta dowladda ayaa lagu shee gay in weerarka loo adeegsaday qarax balse baabuurtaas ay ku qarxeen bannaanka saldhigga.
"Inkastoo AlShabaab xoog badan gali yeen weerarkan oo ay gawaari u adeegsad een, ayaa haddana ciidamada Xoogga Dal ka oo ka feejignaa waxay in ka yar 10daqi iqo ku soo afjareen weerarka argagixisada, iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhi masho ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka ciida mada.
Ciidamada xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in israsaaseyn dhacday qaraxyada ka dib lagu dilay dhammaan maleeahiyadii AlShabaab ee weerarka soo qaaday.
Goor sii horreysay, kooxda AlShabaab ku sheegtay in qaraxyo ku weerartay saldhigga, ka dibna markii ay jabiyeen difaacyada hore ee saldhiggan ay ciidamadeeda dagaal xoo ggan la galeen militariga halkaas ku sugan.
DAHABSHIIL OO XARUN WEYN KA FURTAY BAYDHABA
Madaxweynaha dowlad goboleedka Ko onfur
galbeed ee Soomaaliya mudane CabdiCasiis Lafta gareen iyo maamulaha Koonf urta iyo badhtamaha ee shirkadda Dahab shil Goup mudane Xassan
Cabdi Cawad ay aa goobjoog ka ahaa axaddii xaflad ay shirkadda Dahabshiil ku
daahfurtay dhism aha ugu quruxda badan Baydhabo, iyada oo ay labada mas’uul
xariga ka jareen.
Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo arri nkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa she egaya in dhismaha uu noqondoono xarunta guud ee shirkada ee Baydhabo isla mar kaana laga heli doonno dhammaan adeegya da shirkada Dahabshil Group sida adeegy ada Bahabahil Bank ee maali gelinta waaw eyn iyo kuwa yaryar, sidoo kale adeegi xaw aalada iyo isgaadhsiinti oo casriya sida Inte rnetki guryaha iyo 4G sidoo kale 3G.
Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed oo goobta ka hadlay ayaa shirkadda Dahab shiil uga mahadceliyey kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay umadda somaliyeed ku soo kordhisay gaar ahaana dowlad foboleedka Koonfur Galbeed halkagudoom iyaha baarlamaanka Cabdikadir Shariif Shee kuna Maye oo isna khudbeeyey uu ka had lay doorka ay hoggaamineed ee Dahabshil ay ka qaadatay horumarka KGS iyo Maa lge linta ay ka bixisay iyo sida ay kor ugu qaada yso ganacsiga KGS .
Ugu dambeyntii, waxaa xafladda ka had lay madaxweynaha dowlad goboleedka Ko onfur Galbeed mudane Cabdi Casis Laftagareen isaga oo ugu horayn Dahabshil uga mahadceliyay inay Baydhabo ka dhistay dhismihii ugu quruxda badnaa, sidoo kale uu soo dhoweeyay adeega Microfinance ee ganacsiyada yaryar kor loogu soo qaadayo.
Shirkadda Dahabshiil oo ka tirsan shirka daha ganacsi ee ugu weyn dalka ayaa wad do isbalaarin xoogan, iyada oo mar walbo deegaannada dalka geysa adeegyo ay dad ka ka faa’idaan, ugana kaaftoomaan safar dheer.
QM
IYO AMISOM OO KA SHIRAY DARDARGELINTA DAGAALKA ALSHABAAB
Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya AMISOM iyo Xafiiska Taag eerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS),,waxaana looga hadlayaa in la sa meeyo qorshehawleed dhameystiran oo la gu hago howlaha iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laga bila abo 2019 illaa 2021 laguna hagaajiyo fikr adihii Hawleed ee dib loo eegay.
Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya (STP).
Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka ugu weyn ee hoos imaanaya Qorshaha Kalaguurka Sooma aliya, marka la filayo in AMISOM ay baxdo oo ay ku wareejiso mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Amniga Soomaaliya marka la gaaro 2021.
Madaxa Howlgalka AMISOM ahna Erg eyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Franc isco Madeira ayaa sheegay in shirkaan uu ku soo aaday waqti ay AMISOM qabane ysay howlo muhiim ah sida howlgalada mil itari ee joogtada ah ee ka dhanka ah AlShabaab.
Danjire Madeira ayaa yiri: "Waxyaabaha as oo dhami ma dhici karaan iyada oo aan la helin qorshe ku filan iyo taageero lojistik oo ay weheliso jawi hawlgal oo adag iyo gaa rsiinta saadka loo adeegsado guusha howl galka AMISOM.
Madaxa Xafiiska Taageerada Soomaa liya ee Qaramada Midoobey Lisa Filipetto ayaa dhankeeda Shalay doorka ay AMISOM ka ciyaartay xasilinta Soomaaliya waxayna ku celcelisay sida ay uga go’antahay UN SOS in la hubiyo in waqtigeeda la helo taa geero kufilan howlgalka AMISOM. Shirka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, wakiilo ka kala socda dha maan ciid amada ka joogaan Somalia, saraa kiishasar sare ee AMISOM ee militariga, boo liska iyo qaybaha Bulshadarayidka.
XIRIIRKA
SOOMAALIYA IYO SHIINAHA OO LA XOOJINAAYO
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Ax medkheyr Cabdi, ayaa Shalay oo Isniin ah ka qeybgalay Munaasabadda Maalinta Qar anka Shiinaha oo ay qabanqaabisay Safaa radda Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda Ko wda Oktober, Maalin ta dhidibadda loo taa gay, laguna dhawaa qay Jamhuuriyadda Shacbiga China oo la gu qabtay Caasimad da Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wax aa ka qeybgalay mas’uul iyiinta sare ee Soo maaliya oo uu ku jiro Guddoomiyaha Aqalka Sare, Md.Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Aga asimaha Waax da Asia iyo Austarlia ee Was aaradda Arri maha Dibadda, Mudane Cabd isalaam Suley maan Cabdi (Koodaar).
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa hoostakaxarii qay kaalinta weyn ee Shiinaha ee Afrika, isa goo xusay qotada dheerida xiriirka u dhexe eya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Waxa uu sheegay in Dowladda Federaal ka Soomaaliya ay ka shaqaynayso qorshe ha nweyn oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaa le, ganacsi iyo maalgeshi oo lala yeesho dal al kala duwan, si gaar ah Shiinaha, si daaha looga rogo dhowr mashaariic oo horu mari need oo laga sameeyo dhinacyada be era ha, biyaha, tamarka, caafimaadka, warshad aha, waddooyinka, kaabayaasha
dhaqaalaha iyo kuwa kale.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALKA KU SOO LAABTAY KA DIB KA QAYBGALKII SHIRKA QARAMADA MIDOOBAY
Madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay dib ugu soo laabtay magaalada
Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga
qaybgalay Meertada 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Mid oobay.
Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qaybgalay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soom aaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka War baahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxam ed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Jamhuu riyadda ee ka qayb galay shirkan ay caalam ka la wadaageen xaaladda dalkeenna iyo hi milada shacbkeenna ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaad i’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soom aaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.
"Wafdiga Jahmhuuriyadda ee uu ho ggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arr inta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo da ayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.”
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalkeenna iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka.
TALYAANIGA OO KA HADLAY QARAXII MUQDI SHO LAGULA EEGTAY CIIDAMADIISA
Barqanimadii Shalay ayaa Kolonyo ay la
socdeen Ciidamo Talyaani ah waxaa Qarax lagula eegtay inta u dhexeeysa Kulyada
Je elle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaan dhi gga Soomaaliya gaar ahaan Suuq lagu
iibiyo xoolaha oo ku yaalla halkaas.
Dowladda Talyaaniga gaar ahaan Was aaradda Gaashaandhigga dalkaas ayaa War kasoo saartay Qaraxii Shalay Ciidankooda lagula eegtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. War qoraal oo lagu daabacay Barta Twitterka Wasaara dda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa wax aa lagu sheegay qarax Ismiidaamin ah lala eegtay laba gaari oo ay la socdeen Ciidamo ka soo laabtay tababar ay siiyeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaniga ayaa sheegay in qaraxa waxa Khasaaro ah uusan ka soo ga arin Ciidandooda .
Dhinaca kale Qaraxaa ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo shacab ahaa ,isla markaana xiliga uu dhaacayay halkaas ka Agdhawaan sida uu Dalsan u sheegay qof ka badbaaday qaraxaas.
XUUTIYIINTA YEMEN OO SOO BANDHIGAY KHASAARIHII UGU CUSLAA EE GAARA CIIDAMADA SACUUDIGA
Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadii baahiyay muuqaal muujinaya weerarkii cu slaa ee ay ku qaadeen Ciidamada Sacuud iga, iyadoo weerarkan ahaa kii ugu khasaa raha badnaa ee Sacuudiga ka soo gaaro dagaalka Yemen.
Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen Yaxya Saree
ayaa sheegay in weerar gaadmo oo ay ku qaadeen Ciidamada Sacuudiga ay ku dileen
ku dhowaad labo boqol askari, halka kumanaan kalena ay nolosha ku qabteen.
"In ka badan 200 ayaa lagu dilay daraasiin gantaal iyo drones, iyagoo isku dayaya inay baxsadaan ama isa soo dhiibaan,” ayuu yiri Saree.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Sacu udiga ay ku qasbeen inay xadka ka gudbaan oo ay galana gudaha Sacuudiga.
Dagaalkan ayaa ka dhacay Gobolka Koofureed ee Najran, iyadoo muuqaalo laga duubay ay muujinayana gawaari gaashaa man oo gubanaya, ayna isa soo dhiibeen ti ro askar Sacuudiyaan ah.
Sidoo kale muuqaalka ayaa waxaa ka mu uqday hub fara badan oo ahaa kuwii ay isti cmaalayeen Ciidamada Sacuudiga ee la we eraray.Khasaaraha Sacuudiga
SACUUDIGA OO SHEEGAY INUUSAN DOONEYN DAGAALKA IRAN
Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan
ayaa wareysi uu bixiyey axaddii ku sheegay in dagaal dalkiisa uu la galo Iran
uu burburin doono dhaqaal aha dunida, sidaas dart eedna uu door bidayo xalaan
ahayn mid mil itari.
"Haddii dunida aysan qaadin tallaabo xoogan oo sugan oo lagu celinayo Iran, wax aan arki doonnaa in xaaladda sii xumaato oo ay gaarto heer ay halis geliso danaha dun ida” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay barnaamijka "60 Mintutes” ee taleefishinak CBS.
"Wax soo saarka saliidda ayaa arbus hmi doona, qiimaha saliiddana wuxuu cirka u geli doonaa heer aynan nolosheena arag” ayuu yiri dhaxalsugaha.
"Gobolkan wuxuu soo saaraa 30% tam arta dunida, sidoo kalena waa marinka 20% ganacsiga dunida, iyo 4% wax soo saarka dhaqaalaha dunida. Qiyaas, haddii intaas ay mar qura wada istaagaan” ayuu sii raaciyey.
"Tani waxay la macno noqon doontaa burbur buuxa oo ku yimaada dhaqaalaha du nida, ma ahan kaliya Sacuudiga iyo dalalka Bariga Dhexe.”
Waxa uu sheegay in weerarkii 14kii Sep tember lagu qaaday goobaha saliidda Sacuu diga, kaasi oo dalkiisa iyo Iran ay ku eedee yeen Iran, uu ahaa mid mas’uuliyad darro ah.
CIIDAMADA XOOGGA DALKA OO SOO BANDHI AY WAXYAABAHA QARXA
Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa Shalay
oo Isniin ah waxaa ay howlgal Miino
baaris ah ka fuliyeen wadada isku xirta Deg mada Awdheegle iyo deeg aanka Bariire ee gobolka Shabellada
hoose.
Saraakiisha hoggaami ney say howlgalka Mii na barista ayaa Warba ahinta Dowladda wax aa ay u sheegeen in ay howlgalkaas kusoo saareen Miinooyin dhowr ah oo ay Xubno ka tirsan Ururka AlShabaab geliyeen wadad aas.
Saraakiishu ma shaacin dad lagu soo qabqabtay howlgalkaas,hayeeshee waxaa ay soo bandhigeen Miinooyin dhowr ah oo ay sheegeen inay kasoo saareen wadada is ku xirta Degmada Awdheegle iyo deegaan ka Bariire ee gobolka Shabellada hoose.
Si kastaba deegaano badan oo ka tirsan Go bolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa mar arka qaar ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegto Ciidamada dowladda iyo kuwa AMIS OM,waxaana mas’uuliyadooda sheegta AlShabaab.
KHEYRE OO KU BAAQAY IN LALA SHAQEEYO MAAMULKA CAASIMADA
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qey b
galay Xaflad ka dhacday Muqdisho ayaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir Md. Cumar
Maxamuud Maxamed ka dalbaday in uu dardargaliyo howlaha horumarinta Caas
imadda.
Kheyreayaa sheegay in ay tahay laga ma maarmaan in sare loo qaado adeegyada muhiimka ah ee Caasimadda.
Waxaa uu Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ka dalbaday in ay la shaqeeyaan maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si loogu guuleysto horumarinta Caasimadda.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in Shacabka Magaalada ay ku jiraan dhibaatooyin badan, islamarka ana uu wax badan ka qaban doono bilaha soo socda.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa laga sugaya ballanqaadii uu u sameeyay Shacab ka Muqdisho, kaasoo ahaa in uu furi doono Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo marist ooda dhibaato badan lagu qabo.
GALMUDUG OO YEELANAYSA LABO GUDDI DOORASHO IYO KHILAAF CUSUB OO BILOWDAY
Maamulka Galmudug ayaa wajahaya Khi laaf cusub ka dib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu si rasmi uga laabtay tilaabadii uu ugu wakii shay howlaha maamulka Galmudug Wasaar adda Arrimaha Soomaaliya.
Khilaafka cusub ayaa ka dhashay han aanka Awood qeybsiga beelaha maamulka Galmudug, Magacaabista Guddiga doora shooyinka Galmudug iyo soo xulista xildh ibaanada maamulka Galmudug.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la she egay in faragalin kaga timid hanaanka soo xulista Odayaasha dhaqanka maamulka Gal mudug, iyo ku dhawaaqista Guddiga doora shooyinka maamulka Galmudug.
Sida ay ilo xog ogaal ah Risaala u xaqiij
iyeen Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay guddiga doorashooyinka maamulka Galmu
dug, waxaana sidoo kale Madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa diyaariyay Guddi
doorasho oo ka kooban 12 qof.
Dowlada ayaa ku dhawaaqeysaa Guddi doorasho halka sidoo kale Madaxweyne Xa af uu ku dhawaaqi doono Guddi doorasho.
Madaxweyne Xaaf ayaa taageero ka helaya inta badan beelaha degan Mudug iyo Cada ado, waxaana laga yabaa Guddiga doora shooyinka Galmudug ee dhanka Xaaf in ay kasoo muuqdaan xubno Awood siyaasad eed leh.
Galmudug ayaa qarka u saaran in ay ye elato Labo Guddi doorasho oo iska soo hor jeedda waxaana dhammaan fashilmay dad aallo lagu xalinaayay Khilaafka Cusub ee Madaxweyne Xaaf iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.
SHABAAB OO KA FAA’IIDEYSATAY HAL ARRIN OO U SAHASHAY INAY KORDHIYAAN WEERARADA
Wasiirkii hore ee amniga Qaranka, Xil dhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro AlSha baab, kadib wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA.
Ugu horreyn waxa uu sheegay in wee raradii ugu dambeeyey ee ay fulisay AlShabaab ay u muuqdaan kuwa ay uga faa ’Iideysaneyso khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.
"Markasto oo uu jiro khilaaf siyaasade ed Kooxda AlShabaab waa ay ka faa’iid eysataa.” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Ma xamed.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weera rkii maanta lagu qaaday saldhigga Balidoo gle uu muujinayo inay xoogeysaneyo awo oda AlShabaab.
"Shabaab in maanta ay ku dhiiraadaan Balidoogle oo ciidamo si adag loo tabab ar ay oo Danab ay joogaan inay weerar ku qaadaan waxaan isleeyahay waxay ka tarjumeysaa in awooda AlShabaab ay xo ogeysaneyso la dagaalankii lala dagaal amayeyna AlShabaab ay dowladdu uga weecatay dhinaca siyaasadda.” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee amniga.
Dhanka kale wuxuu dowladdu ugu baa qay inay la timaado qorshe cad oo ay ku wajaheyso dagaalka AlShabaab, ama ay wadahadal la gasho, si loo heshi iyo
.Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ma almihii dambe AlShabaab ay kordhisay weerareeda oo ay ugu dambeeyeen labo weerar oo ay maanta ka fulisay gudaha M/Muqdisho iyo garoonka Balid oogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. VOA
SUUDAAN OO U YEERATAY SAFIIRKEEDA MASAR
Xukuumadda Suudaan ayaa u yeertay
safiirka Masar u fadhiyo dalkeeda ka dib mar kii magaalada Qaahira lagu xiray
ardey u dhashay dalkaas.
Waliid Cabdiraxma an oo u dhashay Suuda an ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaad anayay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda Masar balse qoyskiisa waxay beeniyeen eedeymahaas.
Boqolaal qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha diba dda Suudaan ee magaalada Khartuum, wa xay codsanayeen in Masar ay sii deyso ardeygaasi.
Maalmihii lasoo dhaafay, Masar waxaa ka bilaawda dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cabdel Fataax Al Sisi.
XOG: DF OO BAASABOORKA DIBLOMAASIGA KALA NOQOTAY XUBNO OO KA MID YAHAY AXMED MADOOBE
Dowladda Soomaaliya ayaa baasaboorka diblomaasiga kala noqotay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Mas’uuliyiinta ay ay dowladda ka kansashay ee Jubbaland ayaa waxaa ku jira wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale oo xiriir dhow la leh Axmed Madoobe. Tirada xubnaha baas abo orka lagala noqday ayaa lagu warramay inay tahay 8 mas’uul.
Wararka qaar ayaa sheegaya xubnaha ay dowladda baasaboorkooda baabi’isay uu ka mid ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Max amed Islaam Axmed Madoobe.
Tallaabadaan oo kamid ah waxyaabaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cad aadineyso maamulka Axmed Madoobe ayaa si xooli ah u socotay tan iyo markii ay dowladda ay amartay inay Diyaradaha Kismaayo u soc do soo maraan Magaalada Muqdisho.
Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubba land ayaa xumaaday kadib markii uu Axmed Madoobe magaalada Kismaayo ku qabtaday doorasho aysan raali ka aheyn dowladda dhe xe ee Soomaaliya.
Tan iyo markii uu khilaafka labada dhinac bil owday, dowladda dhexe ayaa qaaday dhawr tallaabo oo ay ku cadaadineyso maamulkaas.
Tallaabooyinka ay qaaday ayaa waxaa kamid ah in la joojiyey duulimaadyadii tooska u tagi jiray Kismaayo iyo 3 Maalin oo guud ahaan la joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaaladaas.
Sidoo kale waxaa la xiray Wasiirkii Amniga Dowladda Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan.
Cadaadiska Dowladda ayaa sababay inay baaqato Xaflad Caleema saar ah oo uu Axmed Madoobe ku qabsan rabay Magaalada Kismaa yo kadib markii ay Dowladda xayirtay madaxdii kasoo qeyb geli laheyd Xafladaas oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya
Shiikh Shariif Sheek Axmed.
Xigasho:Caasimada Online
XISAABYAHANKA ASIANKA AH EE DOONAYA INUU NOQDO MADAXWEYNAHA MAREYKANKA
Guulaha uu gaaray Andrew Yang waxay noqdeen
kuwo lama filaan ah oo u sii dhaweynaya inuu boos ka he lo doorashada
madaxtinnimada Mareykanka ee sanadka 2020ka. Da dka taageersanna waxay kasoo
kala jeedaan qeybaha kala duwan ee wad dankaas.
Waa kee siyaasiga kasoo horjeeda Donald Trump?
Jawaabtu waxay leedahay, waa musharraxa xilka madaxweynaha 2020ka ugu tartami doona xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka Andrew Yang, waana isaga qudhiisa oo ah "nin kasoo jeeda Qaaradda Aasiya, xisaabtana ku fiican".
Yang oo damavcsan in dhaqaale ahaan uu waddanka gaarsiiyo heer bishiiba qof walba ay dhanka dowladda ugasoo xarooto ugu yaraan $1,000 oo doolar, wuxuu usoo shaac baxay si lama filaan ah.
Siyaasigan u tartamaya musharxnimada xilka madaxweynaha ee xis biga Dimuqraaddiga waa nin Mareykan ah, laakiin asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa Taiwan.
Dhinaca siyaasadda lagama aqoonin marka uu billaabay ol'olaha, haddana wuxuu ku istareexayaa taageerayaal aad u badan oo uga tax an dhanka Internetka, kuwaasoo loo yaqaanno "Yang Gang", wuxuuna darajo sare ku dhex leeyahay musharraxiinta kale ee kula tartamaya xisbigiisa Dimuqraaddiga.
Ninkan 44 jirka ah, oo dhinaca Teknoolojiyadda ganacsade shakhsi yeed ku ah ayaa ol'olihiisa udub dhexaad uga dhigay "In dhaqaalaha waddanka loo qeybsado si xorriyad leh", wuxuuna qorshihiisu yahay in qof walba oo Mareykan ah, oo ay da'diisu ka sarreyso 18 uu dowladda ka helo lacag dhan $1,000, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xireynin.
Yang wuxuu mar walba ka digaa in qalabka casriga ah ee kum buyuutarrada laga sameeyay uu la wareegi doono ku dhawaad kalabar shaqooyinkii ay dadka Mareykanka ah qaban jireen, soddonka sano ee soo socota gudahooda.
Wuxuu aaminsan yahay in lacagaha ay dowladdu u qoreyso shacab ka ay wax badan ka qaban doonaan dhibaatooyinka bulshada.
Yang wuxuu fulinayaa halkudhiggisii marka afsoomaali loo baddalo ahaa "Ka dhig mareykanka mid si adag u fikira", kaasoo uu ku gali jiray ol'olaha uu ku sheegayay khatarta ay qalabka casriga ah ee sida bani'aadanka u shaqeeya ku hayaan shaqooyinka dadka Mareykanka.
Isu soo bax uu Yang ku qabtay magaalada Washington DC ayey boq ollaal ka mid ah taageerayaashiisa isugu tageen, waxayna ku wada dha waaqayeen macaiisa, isagoo gacmahana ku heysta boorar uu ku xar dhan yahay erayga "Xisaab", oo ah mid ka mid ah calaamadihiisa ol'o laha siyaasadda.Dadka halkaas isugu tagay intooda badan waxay aha ayeen caddaan iyo dad kasoo jeeda qaaradda Aasiya.
Sidoo kale waxaa xoogaa badnaa ragga, aadna way u wada da' yaraayeen.
Dadkii isusoobaxaas ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Jalen Ad ams, oo 19 jir ah iyo Emily Synoski, oo 18 jir ah, waxayna muddo sadd ex saacadood ah kasoo safreen magaalada Delaware.
Ms Synoski ayaa BBCda u sheegtay in iyada iyo dad badan oo jiilkee da ah ay taageersan yihiin Yang, maadaama uu diiradda saarayo sidii uu u hagaajin lahaa mustaqbalka, kaasoo ay dadka dhalinyarada ah intiisa ugu badan leeyihiin.
"Mar waxaa dhici doonta inaan waddankaan annaga shaqaale ka noqonno, markii ay qalabka casriga ah ee bani'aadanka loo sameeyay horumar weyn gaaraan".
Sidoo kale taageerada uu ka helay dhinaca baraha bulshada ee Inter netka ayaa si weyn usii caan bixisay.
Tan iyo markii ay dhacday dooddii sida shakhsi shakhsiga ah loogu qab tay siyaasiyiinta u tartamaya musharraxnimada xisbiga Dimuqraaddiga,Yang wuxuu helay dadkii ugu badnaa ee uga soo taxmay dhinaca Twitterka, wuxuuna ka batay siyaasi kasta oo ka tirsan xisbigiisa.
"Waxaan xaqiijiyaa in dhammaan saaxiibadey ay maqlaan arrimaha ku saabsan Andrew Yang", ayey tiri Mr Adams.
Yang wuxuu sidoo kale isku abaabulay dadka Mareykanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda qaaradda Aasiya, kuwaasoo door bida inaysan ku lug yeelanin arrimaha siyaasadda ee waddankaas.
Hase yeeshee, qaar ka mid ah halkudhigyada uu shakhsi ahaan u adee gsado ayaa u muuqda kuwo uu taageero badan uga helayo dadka Asianka ah.
Astaanta ol'olihiisa waxaa loo yaqaannaa "Ninka kasoo jeeda Aasiya ee ku fiican xisaabta".
"Waxaan ahay Asian, sidaas darteed waxaan aqaannaa dhakhaatiir ba dan", ayuu yiri markii uu ka qeyb qaadanayay dooddii siyaasiyiinta mus harraxnimada doonaya ee Dimuqraaddiga, taasoo laga baadinayay telefishinnada waddanka oo dhan.
Laakiin wax yar ka dib Yang wuxuu is argay isagoo dhexda uga jira dood ku saabsan cunsuriyad laga dheehday hadalkii uu yiri.
Majaajiliiste lagu magacaabo Shane Gillis ayaa lagu eedeeyay inuu cun suriyad ku sameeyay Yang, ka dib markii uu lahjadda ingiriiska ee dad ka Shiineyska ah ku hadlaan malatay, isagoo iska dhigaya Yang.
Balse Yang ayaa majaajiliistahaas u codsaday in la cafiyo halkii uu ku baaqi lahaa in la ciqaabo, taasoo sabab u noqotay inuu si weyn taa geero uga helo bulshooyinka Mareykanka ah ee kasoo jeeda Aasiya.
Wuxuu sidoo kale dhaleeceyn kula kulmay isbarbardhigga uu ku sam eeyay cunsuriyadda lagu sameeyo dadka Asianka Mareykanka ah iyo tan lagu sameeyo dadka Mareykanka Madow.
Siyaasiyagan TaiwaneseAmericanka ah ayaa markii uu ka qeyb galayay doodda musharraxiinta Dimuqraaddiga la weydiiyay labo su'aal oo kaliya, oo mid kamid ah ay ku saabsaneyd dagaalka dhinaca dha qaalaha ee Mareykanku uu kula jiro Shiinaha, kaasoo isagu uu aami nsan yahay inuu ugu dambeyn waxyeelleyn doono jeebabka dadka Mareykanka ah.
Intii ay socotay doodda ugu dambeysay, Yang wuxuu sheegay in aabihiis uu ku koray "Beer uu laws ka baxo oo kutaalla qaaradda Aas iya", mana uusan xusin magaca Taiwan, oo ah jasiirad loo aqoonsan ya hay inay ka madax bannaan tahay Shiinaha, inkastoo dowladda Shi inaha ay ku tilmaanto gobol iyada ka tirsan oo ka fallaagoobay.
Dadka qaar ayaa hadalkaas uu jeediyay u arkay xeelad uu ku doonayo inuu ku hanto codadka muwaadiniinta Mareykanka ee kasoo jeeda Shii naha.Warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn uga hadla musharraxnim adiisa, waxaana laga filayaa waxyaabo badan
XIGASHO: BBC
NIN 17 SANO GOD KU DHUUMANAYAY OO UGU DANBEYNTII LA QABTAY
Ninkan oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa
ugu danbeyntii gacan ta lagu dhigay kaddib muddo 17 sano ah oo uu God uga
dhuumana yay ciidamada Booliiska dalkaas oo ku raad joogayay.
Song Jiang oo hada 63sano jir ah ayaa mudo 17sano ah ku dhuumana yay god yar uu ka dhax sameestay dhul buuraley ah , waxaana ninkan san adkii 2002dii uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa .Ninkan ay soo qabteen ciidamada booliiska dalka Shiina ha ayaa mudo 17sano iska ilaalinayay in uu arko qof bini’aadam ah, waxaana ninkan uu kunoolaa god yar oo buuro ku hareereesan, waxa uuna ninkan sanado badan kunoolaa caleenta geedaha iyo biyo.
Booliiska dalka Shiinaha ayaa soo qabashada Jinag iyo helida xogtiisa u adeegsaday diyaarado aan duuliyo laheyn, kadib markii booliska horraantii bishan heleen war sheegaya in ninkaas uu ku nool yahay godka ku yaal gobolka Yunnan ee koonfur galbeed Shi inaha.
Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in ninkan markii la soo qabtay awoodi waayay in uu hadlo maadaama sanado badan uusan dad arag, waxaana Song Jiang mar kale dib loogu celiyay xabsigii uu 17sano kahor kasoo baxsaday
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 1-DA OKTOOBAR 2019-KA
MAREYKANKA OO CAMBAAREEYAY WEERAR KII ALSHABAAB AY KU QAADEEN SALDHIGGA CIIDAMADA EE BALLIDOOGLE Danj iraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan weerarka Shalay ay alShabaab ku qa aeen saldhigg