
WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato 301da Gool Ee Uu Lionel Messi Ka Dhaliyay Horyaalka La Liga.
Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa wax walba oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato rikoorkaan cusub ee Lionel Messi. Messi waxa uu rigoorka gooldhalinta horyaalka la Liga jabiyay bishii November 2014 markii uu seddexleey ka dhaliyay kulan ay Barcelona ka badisay Sevilla isagoo kala wareegay Zarra.
301 gool ayuu haatan rikoorkaas ku hayaa halka Zarra uu leeyahay 251 gool, waxaa ku soo xiga Cristiano Ronaldo oo isna dhaliyay 244 gool, waxaa kaalinta afaraad ku jira Hugo Sanchez oo dhaliyay 234 gool iyadoo Raul uu kaalinta shanaad ku jiro waxaana uu dhaliyay 228 gool.

Messi 172 gool oo ka mid ah goolashiisa horyaalka La Liga waxa uu ku dhaliyay garoonka kooxdiisa ee Camp Nou, halka 129 gool oo ka mid ah uu ku dhaliyay garoomada uu martida ku ahaa horyaalka La Liga.
Kooxaha goolasha ugu badan uu ka dhaliyay ee horyaalka La Liga waxa ay kala yihiin:
Atletico Madrid – 21 gool ayuu ka dhaliyay
Sevilla – 19 gool
Osasuna – 17 gool
Valencia – 16 gool
Levante & Deportivo – 15 gool
Real Madrid – 14 gool
Xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee uu furtay akoonkiisa goolasha horyaalka La Liga waxa ay aheyd 2004-05 markaasoo uu hal gool dhaliyay, halka xilli ciyaareedkii uu ugu goolasha badnaa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2011-12 oo uu 50 gool dhaliyay.
Xilli ciyaareed kasta iyo goolashii uu dhaliyay:
2004-05 – 1 gool
2005-96 – 6 gool
2006-07 – 14 gool
2007-08 – 10 gool
2008-09 – 23 gool
2009-10 – 34 gool
2010-11 – 31 gool
2011-12 – 50 gool
2012-13 – 46 gool
2013-14 – 28 gool
2014-15 – 43 gool
2015- 16 – 15 gool welina horyaalka waa socdaa
Marka laga soo xisaabo xilli ciyaareedkii uu yimid horyaalka La Liga ninka ay sida weyn u xafiiltamaan Lionel Messi ee Cristiano Ronaldo oo aheyd 2009-10, Messi waxa uu dhaliyay 247 gool taasoo seddex gool ka badan 244 gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo.


0 


WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato 301da Gool Ee Uu Lionel Messi Ka Dhaliyay Horyaalka La Liga.
Lionel Messi ayaa xalayto gaaray goolkiisii 300aad ee horyaalka La Liga waana ciyaaryahankii ugu horeeyay ee abid tiradaas gaara horyaalka Spain, isagoo sidoo kale dhaliyay gool labaad kulankii ay xalayto 3-1 kaga badiyeen kooxda Sporting Gijon taaso