Askari ku howlanaa Qaadista Canshuurta oo goor dhaw lagu toogtay Muqdisho
Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Siinaay ee Degmada Warta Nabadda, ayaa u sheegay Warbaahinta ragga dilka geystay inay ahaayeen dhalinyaro, waxaana dhowr xabadood ay ku dhufteen Askarigii qaadayay canshuurta.
Dilka markii uu dhacay oo raggii hubaysnaa ay meesha ka baxsadeen, ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo durba goobta baaritaan ka sameeyay.
Ma jirin ciidamada yimid goobta cid ay meesha ka qabteen, maadaama raggii dilka geystay ay meesha markiiba isaga tageen, waxaana ciidamada ay meesha ka soo qaaden meydka Askarigii la dilay.
Ciidamada Minishiibiyada Dowladda hoose ee canshuuraha qaada ayaanan badi aheyn kuwa hubaysan oo iska difaaca kara ragga hubaysan ee bartilmaameedka ka dhigta.
Al Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka geysta Magaalada Muqdisho, waxa ayna eegtaan ciidamada Dowladda iyo dadka kale ee Dowladda la shaqeeya.
Askari ku howlanaa Qaadista Canshuurta oo goor dhaw lagu toogtay Muqdisho
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Siinaay ee Degmada Warta Nabadda Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada Dowladda hoose ee qaada canshuuraha Suuqyada.