
HALKAAN KA KAHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEW2S PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA SEBTEMBAR 2019-KA
Tallaabadan ugu dambaysay ayaa ci rka ku sii shareertay hadal haynta ah in madaxweynaha xilka laga tuuro. Amarkan yeedhamada ah waxa u diray qof ka wakiilka gudoomiyeyaasha gudiyada ari maha dibadaa iyo sirdoonka iyo la soc odka oo baadhaya inta ay leegtahay hal ista uu nabadgelyada qaranka geliyey xi dhiidhka madaxweyne Trump la yeeshay xukuumadda Ukraine.
Shan sarkaal oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada oo dhamaantood warkii qofka arinta fashiliyey sheegay lagu mag ac dhabay ayaa iyagana la faray inay gud iyada hortagaan. Xigasho:BC Somalia
WAA IMISA LACAGTA LAGU BIXIYEY DHISM AHA SAFAARADDA SOOMAALIYA EE WASHINGTON?
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda So omaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Dhaqaallaha ku baxday dhismaha Safaarada cusub ee Dowladda Soomaaliya ay ku yeelatay Magaalada Washinton.
Wasiirka waxaa uu sheegay lacag dhan Afar Milyan iyo Saddex boqol oo dol lar in ay ku baxday dhismaha Safaa rad da. Wasiirka ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyey dhismaha laga bixiyey Miisaan iyadda xukuumadda Federaalka ah ee san adkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu ku soo dartay.
Dhismaha Safaaradda oo ay iibsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horey u lahaa Colombia, waana dhismo ka kooban dhowr Dabaq oo ku yaalaa aagga ay ku xooggan yihiin Saf aaradaha wadamada waaweyn ee Caa lamka.
Lacagtaan ayuu sheegay in San adya dii ugu dambeeyay dowladda Soom aaliya ay aruurin ugu jirtay,islamark aana lacagta ay bixisay Wasaarada Maaliyad da.Mada xweynaha JFS Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Ar rimaha Dibadda, Maaliyadda iyo dibl umaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka haw lgala dalka Maraykanka ayaa Habeen ho re xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hirge linta dhismahan oo noqonaya dhis mihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dow ladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudn aanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqa amka dalkeennu uu ka lahaa caal am ka.Sida wararku sheegayaan, Qor sha ha labaad ayaa noqonayaa in dhismeyaal loo iibiyo midkood howlgalada diblumaasiya deed ee Koonfur Afrika iyo sidoo kale Ken ya. Caasimada Online
GARSOORAYAAL IYO XEER ILAAALIYAAL KA SOCDA M/GOBOLEEDYADA OO TABABAR LO OGA FURAY MUQDISHO
Waxaa Magaalada Muqdisho tababar socon doono mudo Lix bilood ah uga fu rmayGarsoorayaal iyo Xeerilaaliyaal ka socda Dowlad Gobaleyadda iyo Maxkma da Sare ee dalka oo tiradooda tahey 40 qof kuwaas oo kor loogu qaateyo Aqoon tooda.
Fulinta tababrkaan waxaa iska kaasha niya Q M iyo Maxkamada Sare ee dalka sida uu sheegay Gudomiyaha Maxka mada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axm ed waxaa uuna kula dardaarmey ka qeyb galayaasha tababarka inay ka faa’iid eystaan Casharadda.
Gudomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheeg ey in u jeedada laga lee yahay tababrkaas ay tahay in la tayeeyo Garsoorka dalka Bulshada loo cadaalada falo.
Tababrkaan ayaa noqoniya kii ugu dhe eraa ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baahe Axmed oo furo tan iyo intii uu xilka hayay.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA SAFAARADDA SOOMAALIYA EE WASHINGTON
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Was iirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hirg elinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Do wladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maa qaa mka dalkeennu uu ka lahaa caalamka. Ma daxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soo maaliy eed ee dalka Maraykanka in ay wa da sha qeyn dhaw la yeeshaan diblom aas iyiinta safa aradda, isagoo tilmaamay in dhism ahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo DFS .Madaxweyne JS ayaa muu iyey dad aallada ay dowladdu ku bixineyso soo cel inta qabkii iyo sharafkii dadka Soo ma aliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haa ta nna la qorsheynayo si la mid ah tall aab adaan in dowladda ay u dhammeystiri do onto dhismaha iyo dayactirka Safaar ado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dard aarmay Diblomaa siyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si si man ugu adeegaan, si dhowna uga war qabaan dadkeenna So omaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, mu hiimna ay tahay inay ilaaliyaan midnima dooda iyo wadaji rkooda.
DUQEYN LAGU DILAY DAGAALYAHANO KA TIRSAN ALSHABAAB OO LAGA FULIYAY SH/HOOSE
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaal iyeed iyo
kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay fiidnimadii hore ee waxaa
Duqeyn ku dilay ku dileen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan dagaalamaya asha
AlShabaab.
Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliy een duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dal ka ka war heleen inay goobtaas isku ururs adeen AlShabaab ah oo doonayey iney weeraro kusoo qaadaan degmada Awdhe egle waa sida hadalka loo dhigay.
Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta dow ladda u sheegay in duqeyntan lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka badan 20 oo ka tirsan Alshabaab.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in saraakiisha halkaas lagu dilay uu kamid ahaa ku xigeenka Sarkaalka Jabhadaha AlShabaab Xasan Abshir Jabriil oo maga ciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jii roow).
Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kas oo baxay Alshabaab oo ku aadan war arka sheegaya in duqeyn ka dhacday Gob olka Shabeellaha Hoose looga dilay Sar aakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa iyaga.
Xigasho radiodalsan.com
WASAARADDA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA SOOMAALIYA OO CODSI U DIRTAY TURKIGA
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Tek nolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday Boostada Turkiga inay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gabi ahaanba ku burburtay dagaalladii sok eeye ee dalka ka dhacay.
Wasiirka oo magaalada Geneva
ee dalka Switzerland kula kulmay guddoo miyaha golaha maamulka ee Midowga
Boostada Adduunka (UPU), ahna Gudd oomiyaha Boostada Turkiga, Md. Kenan
Bozgeyik, ayaa ugu horreyn uga mahadce liyay dawladda iyo shacabka Turkiga taa geerada
hiil iyo hooba leh ay la garab taa gan yihiin Dawladda iyo Shacabka Sooma aliyeed
tan iyo markii 2011kii uu dalkeena yimid Madaxweynaha xilligan ee dalkaas, Md
Rajab Dayib Erdogan.
Wasiirka ayaa sheegay in waayaarag nimada iyo kalsoonida ay Shacabka Soom aaliyeed ku qabaan waxqabadka ay ku dhiirrigelisay inay codsigaas u soo gudbi yaan, isagoo intaasi ku daray inuu rajeyn ayo in Boostada Turkigu wax kala qabato sidii loo soo nooleyn lahaa adeeggaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar aha an waxyaabaha dalka ka dhoofaya.
Guddoomiyaha Boostada Turkiga ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya kala shaq eyn doonaan sidii loo dhisi lahaa boosto casri ah, oo ka faa’iideysata waayaaragn imada iyo xiriirka Diyaaradda Turkigu ay la leedahay adduunka. Si looga miradhaliyo arrimahan waxay labada wafdi magacaab een guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa labada boosto.
"Waan ku guuleysanay inaan ku soo noqono masraxa UPU oo nalaga qaado cu naqabateynta, isla markaana aan code yno markii ugu horreysay burburka ka dib. Laakiin in boostada dibedda loo diro waa hawl aad iyo aad u culus oo u baahan qal ab, aqoon iyo iskuxirka adduunka, kuwa as oo aan looga maarmin walaalaha Turk idu inay naga caawiyaan,” ayuu yiri Wasiir Cashuur oo intaasi ku daray in ay xoogga aarayaan sidii adeeggan loo soo celin lahaa. "Isgaarsiinta ka dib boostadu wax ay noo tahay mudnaanta 2aad, waayo waa fududeeyaha ganacsiga internetka (ecommerce), fududeynta adeegyada maa liyadda iyo in dadweynaha loo soo dhow eeyo adeegyada dawladda (egovern ment). Waxaan dooneynaa inaan dhisno boosto casri ah oo adduunka kala qabsata meesha uu haatan marayo,” ayuu hadal kiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.
TURKISHKA OO SHAACIYEY SABABTA ALSHABAAB AY U KORDHIYEEN BEEGSIGA AY KU HAYAAN
Kooxda alShabaab ayaa muddoo yinkii dambe kordhiyay beegsiga ay ku hayaan injineeradda u dhashay dalka Tu rkiga ee lagu wareejiyay dhismaha wadd ada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Guddoomiyaha hay’adda Turkisha ee Maarif, Birol Akgün ayaa sheegay in weeraradada lagu hayo injineeradda Tur kiga uu qayb ka yahay beegsada ay Shabaabku ku hayaan hay’adaha iyo shi rkadaha Turkiga ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.
Birol Akgün ayaa sheegay in Shabaa bka ay doonayaan in la hakiyo dhisma ha waddada xiriirisa magaalooyinka Muq disho iyo Afgooye, si uusan u fududaani n isku socodka labadda magaalo.
12kii May 2019, nawaaxiga isgoyska Taleex waxaa qarax lagula beegsaday injineer Turkish ah, iyadoo dhaawac dar ran oo qaraxaasi uu ka soo gaaray uu markii danbe ugu geeriyooday gudaha isbitaalka Digfeer ee M/Muqdisho .
18kii bishan 2019, sidoo kale injin eer kale oo Turkish ah oo saarnaa gaari Hilux ah ayaa lagu qarxiyay inta u dha xeysa jaamacada Shabelle iyo Weydo ow.
Birol Akgün ayaa sheegay in AlSha baab aysan marnaba ku guulesan doo nin inay Turkishka ka horistaagaan ca awinta iyo gacan siinta dowladda iyo sha cabka Soomaaliyeed.
Xigasho: Caasimada Online
FAAH FAAHIN:QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY DEGMO KA TIRSAN G/HIIRAAN
Wararka laga helayo Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas duhurnimadii Sha lay uu ka dhaca qarax Khasaaro geystay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino la geliyay dhulka,isla markaana uu ka dhac ay Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla Degmada Buuloburte.
Ugu yaraan laba ruux shacab ah ayaa la tilmaamay in qaraxaas ay ku dhaa wacmeen,kuwaasi oo loola cararay Isbi taalka guud ee Buuloburte,hayeeshee ma jiro Khasaaro kale oo ka dhashay qaraxa.
Suuqa uu qaraxa ka dhacay ayaa wax aa la xusay in todobaadkiiba mar ay isugu yimaadan dad xoolo dhaqato ah iyo gana csato halkaas keenta Caanaha iyo khuda arta,iyagoona ka keena tuulooyinka hoos taga Buuloburte.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo ba xay maamulka Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan qar axii Shalay halkaas ka dhacay.
MD.ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO WAR KASOO SAARAY XIISADDA DF SOMALIA IYO JUBBALAND
Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii ug u horreysay ka hadlay khilaafka u dhexe eya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Ismaaciil Cumar Geelle oo u warra may
VOA ayaa sheegay in dowladdiisu ay aad uga xun tahay khilaafka ka dhex aloolsan
madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilm aamay in
khilaafkan uu cuuryaaminayo horumarka dowlad nin ada iyo hiigsiga dadka
Soomaaliyeed.
Madaxweyne Geelle ayaa intaasi ku daray in Jabuuti ay ka qeyb qaadaneyso xa linta xiisadda siyaasadeed ee haatan u dhexeysa labada dhinac.
"Fadhigii Soomaaliya waan ka qey bga lnay, waana ku caddeenay halk aa, sida arrinku dhanka wanaagga ugu soc do, dhanka soo kabista ugu socod anna ga kama harin kama aanu hareyno, max aa yeelay garab buu innaga inoo yahay” ayuu yiri madaxweynuhu.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland inay muuj iyaan isu tanaasul, una turaan dan ta guud ee dalka.Khilaafkan oo ka dhashay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe ay aa sii xoogeystay, kadib markii ay dow laddu xayiraad ku soo rogt ay duulimaad yada Kismaayo.
Xigasho:caasimadda online
XILDHIBAANO KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO KU XARIYAN KISMAAYO
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xayiran Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah ma amulka Jubbaland,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa halkaas.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Kismaayo ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay xayiraadii dowladda Fede ralka Soomaaliya saartay duulimaady adii halkaas tegi jiray iyo kuwii ka imaan jiray.
Sidoo kale Xildhibaanada xayiran ay aa waxaa la sheegaya in doonayaan in Magaalada Muqdisho ay soo aastan,hay eeshee aysan jirin wax duulimaad ah oo tega Kismaayo,xili dhawaan lagu wado inuu furmo kalfadhiga 6aad ee Baarl ammaanka Soomaaliya.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xil dhibaanada ku sugan Magaalada Kis maayo ee Caasimadda KMG u ah Ju bbaland ay yihiin kuwo aad uga dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max amed Islaam Axmed Madoobe,isla mark aana halkaas tegay xiligii ay socdeen arri maha Doorashooyinka
SOMALILAND OO SHIR CAALAMI AH UGA QEYB GASHAY UGANDA
Somaliland
ayaa kamid noqotay xubnaha ka qeyb galaya shir ka furmay caasimada dalka Uganda
ee Kampala, kaasi oo ay isugu imaadan ‘Baarlama anka dalalka barwaaqo
sooranka’.
Shirkan ayaa waxa sanad walba ka soo qeybgala dalalka Barwaaqo soor anka oo ay sanadkan kamid noqonayso xukuumada Somaliland ee uu hog aamiyo Muuse Biixi.
Shirka dalalka barwaaqo sooranka ay aa waxa Somaliland ku matalayey, isla markaana wafdigeeda hogaaminayey Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee go laha wakiilada Somaliland, Axmed Yaasiin.
Waxa sidoo kale kamid ahaa wafdi gaasi Somaliland, Guddoomiyaha arrim aha dibeda ee golaha wakiilada, Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha guud ee gol aha, C/risaaq Siciid Ayaanle iyo Xildhi baan Maxamed Waabeeye. Wafdigaasi Somaliland uga qaybgalayey shirkaasi, ayaa waxa ku martiqaaday Madaxweyn aha dalka Uganda, Yuweri Musefeni, isa goona casuumad balaadhan u sameyay madaxda ka socday dalalkaasi barwa aqo sooranka ee ka qeybgalayey shirk aasi baarlamaanka Barwaaqo sooranka.
Waxa sidoo kale xusid mudan in Wafdigan Somaliland ku matalayey shir kan, ay kulan la yeesheen maalintii Arba cadii Wasiirka arrimaha dibad Uganda, Sam Kuteesa, iyagoona kala hadlay xooj inta xiriirka labada dhinac.
Shirkan ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, ayaa waxa uu no qonaya shirkii 64aad ee ay yeeshaan Baarlamaanada dalalka barwaaqo soor anka, iyadoona ay noqoneyso markii koo waad ee dalka Ugand martigaliyo shirka asi muddo laga joogo 52sano.
SOOMAALIYA OO DIIDAY INAY SAXIIXDO HESHIIS MUHIIM U AH URURKA IGAD IYO SABABTA
Dowladda federaalka ah ee Soomaal iya ayaa diiday inay saxiixdo xeer is dhe xgal ah oo uu garwadeen ka yahay urur gobole edka IGAD.
Xeerkan oo ay soo diyaariyeen wad da mada ku bahoobay IGAD ayaa la xar iira isu socodka dadka xoolo dhaqatada ah ee dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.
Wakiil dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shir ka dhacay magaalada Kam pala ee dalka Uganda ayaa diiday inuu qalinka ku duugo heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in dowladdu ay u baahan tahay fursad, si ay arrintan la tashi ugala soo sameyso maamullada dalka.
Sidoo kale wax aa xeerkan diid ay inay saxiixdo dowlad da Itoobiya oo iyada na ah dowlad feder aal ah.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoob iya ayaa dalbaday in la siiyo fursad dhe eri ah, si ay wada tashi uga soo sameey aan xeerkaasi.
Haddii la saxiixo xeerkan oo ay ku jiraan 32 qoodob oo b xasaasi ah ayaa u ogolaanaya dhammaan Xoolo dhaqat ada waddamada IGAD in ay u roob raa ci karaan dalka uu roobka iyo daaqa xoo laha ka jiro, iyagoo ka gudbi kara xudu uda shuruud la’aan.
Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay aa ugu dambeyn la siiyey muddo labo bil ah, si ay uga soo fakiraan xeerkaasi
SOMALILAND OO LAGA DALBADAY IN MAAL GASHI LAGA SAMEEYO DEEGAANADEEDA
Madaxweyne ku xigeenka Somal iland, Md Cabdiraxmaan C/llaa hi Isma aciil (Saylici) oo uu wehelina ayo waki ilka Somaliland ee Imaaraadka Cara bta, Amb. Muniir Cabdullaahi Abusite welina ku sugan Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danay naya inay maalga shadaan Somaliland.
Kulankan Madaxweyne ku xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqa tay hotelka uu degan yahay ayaa ujeed kiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka ka socda Somal iland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha dhan walba la xiriira.
Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland inay danaynayaan inay maal gelin ku sameeyaan dhinaca Be eraha, Da lxiiska, wershadaha iyo inay ka sa meeya an gudaha Hotello waa weyn oo casri ah,.
Madaxwayne ku xigeenka Somalila nd, Md. Cabdiraxman Cabdullaahi Ismaa ciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahad naqay sida ay u danaynayaan Somal iland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku martiqaaday ganacsata daasi inay dalka yimaadaan oo ay soo in dho indheeyaan horumarka iyo dedaal ada maalgelineed ee ka jira Jmahuuriy adda Somaliland,.
Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday isfahan iyo xiriir wana agsan oo dhexmara ganacsatadaa caala miga ah iyo Somaliland.
ROBERT MUGABE OO LA’AASAY
Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ugu dambeyn lagu aasay tuulo miyiga ku taalla, oo ah halkii uu ku dhashay, saddex isbuuc ka dib markii uu geeriyooday isagoo 95 jir ah.
Waxaa qabrigiisa laga sameeyay deegaan lagu magacaabo Kutama oo qiyaastii 90km dhinaca galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah ee Harare.
Mugabe wuxuu 6dii bishan September ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla waddanka Singapore ka dib ku dhawaad labo sano markii laga afgambiyay xukunkii uu hayay 37da sano.
Qoyskiisa ayaa go’aansaday inay aas gaar ah u sameystaan ka dib muran ay isbuucyo kula jireen dowladda.
Markii naxashka uu meydka Mugabe ku jiray qabriga la galinayay waxaa ku hareereysnaa xaaskiisa, carruurtiisa iyo xubno kale oo ka mid ah qaraabadiisa dhow.
Laakiin tiro yar oo ka mid ah saraakiishii hore ee xukuumaddiisa ayaa ka qeyb galay aaska, mana jirin mas’uuliyiin sar sare oo halkaas tagay.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA WFP
Xarunta aqalka Dowlada Hoose
Xamar ayuu ka Dhacay Kulan u Dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa
Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) iyo Madaxa
Hey’adda QM u Qaabilsan Cunada aduunka ee WFP Qeybteeda Soomaaliya Mr.
Cesar Arroyo kulankaas oo ujeedkiisu ahaa sidii WFP iyo maamulka gobolka Banaadir ay isaga kaashan lahaayeen barnaamijyada lagu taageeraayo arimaha laxariira wax soo saarka dalka iyo shaqa abuurka.
Kulankani ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii xalwaaro looga gaari lahaa arimaha barakacayaasha iyo sidii taageera dhab ah loogu sameyn lahaa qoysaska danta ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Filish iyo madaxda WFP ayaa waxyaabihii ay kawada hadleyn waxaa kamid ahaa in la fuliyo mashriic lagu garab istaagaayo wax soo saarka beeraha iyo qeyraadka bada.
Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta hadlay madaxa hey’adda QM u qaabilsan cunada aduunka ee WFP qeybteeda Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) waxa uu ka hadlay wax yaabihii ay isla meel dhigeen hogaanka WFP.
FAAH FAAHIN:HAWEENEY DA’AH OO LAGU DILAY SUUQA BAKAARAHA EE MUQDISHO
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dishay haweeney la sheegay inay goob ganacsi ku laheyd halkaas.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkaas ay haweeneyda u geysteen rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado,iyadoo rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkeeda u geeriyootay.
Sidoo kale Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maama Xadiyo,waxaana da’ ahaan lagu qiyaasay 80 Sanno,waxaana gudaha Suuqa Bakaaraha ku laheyd goob lagu iibiyo Shaaha,isla markaana ay aheyd qof Caanka halkaas,waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii fuliyay falka.
Qaar kamid ah Ehelada Marxuumada iyo Ciidamo kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,isla mark aana goobta ka qaaday Meydka Hawee yneyda,iyadoo sameeyay baaritaa no aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Ilaa iyo hada lama oga sababta loo diley haweeneyda Shaaha ku iibin jirtay Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho ,hay eeshee dilkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonay aa dilal horey uga dhacay Suuqa Bakaara ha oo ay geysteen rag ku hubeysnaa Bast oolado.
HANTIDHOWRAHA GUUD EE QARANKA OO SHIR CAALAMI AH UGA QEYB GALAY RUUSHKA
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamud Cali oo ka qeyblaya shirka INCOSAI 2019 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa warbixin kooban oo uu bixiyey ku sheegay in Soomaaliya ay sannadkan 2019 qaadatey habraaca baarista casriga ah oo ay Hantidhowrada Adduunku ku dhaqmaan (ISSAI standards).
Wuxuu kaloo Hantidhowruhu sheegay
in XHGQ kala shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda qaadashada & ku dhaqanka
habraaca warbixin Maaliyadeedka loo yaqaan (IPSAS Cash Based). Waa guul usoo
hoyatey Soomaaliya oo la doonayo in horey loo sii dhaqaajiyo.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatey dhiggiisa waddamada Turkey, Finland, UAE, KSA, & hay’adaha AFROSAIE & ARABOSAI oo ay Soomaaliya xubin nimadeeda dib usoo ceshatey, isagoo kala hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & taagerada xirfadda farsamo oo ay wadaagaan.
HOWLGAL DAD BADAN LAGU SOO QABTAY OO LAGA FULIYAY MAGAALADA JIGJIGA
Ciidamada amaanka ee Dowad Deeg aanka Soomaalida ayaa howlgalo waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ku yaalla Maga alada Jigjiga,iyagoo kusoo qabtay dad u badan dhalinyaro.
Inta uu howlgalka socday ayaa Ciida mada
waxaa ay kusoo qabteen in ka badan 480 dhalinyaro ah,kuwaasi oo lagu tuhmayayo
inay falal amni darro ah ka wadeen xiliy ada habeenkii ah qaybo ka mid ah
Magalada Jigjiga.
Gaashaanle Sare Deeq Carab Ibraahim Madaxa dambi ka hortaga Ciidanka Boo liska DDS oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay in raggas la qabtay xog tooda Ciidanka uu haayay,isla markaana qaar kamid ah dhalinyarada xabsiga la dhigay,halka kuwo kalena la siiyay.
Sidoo kale Deeq Carab Ibraahim ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyada la xiray lagu sameeyn doono baaritaano,isla mark aana Ciidanka Booliska Dowad Deeg aanka Soomaalida ay sii wadi doonaan howlgalada laga sameeynayo Magaalada Jigjiga.
DOWLADDA OO KU DHAWAAQDAY IN LA FASA XAY DUULIMAADYADA KISMAAYO
Dowladda Federaalka Soomaaliya
ayaa si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho
kaddib codsi uga yimid shacabka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa ku dhawaaqday go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaali ya.Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.
Maamulka Hey’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bish an, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kism
aayo.
DIBINDAABYADII UHURU IYO ROGAAL CELINTII FARMAAJO {FAALLO}
Shirweynaha QM oo ah madasha ugu weyn diblomaasiyadda caalamka, ayaa September 24, 2019 si rasmi ah uga fur may magaaladda New York. Shirka waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka kala socoda ilaa 193 waddan oo xubno ka ah golaha iyo marti sharaf ka timid daafaha dunida.
Ma aha markii ugu horeysay ee madax Soomaaliyeed ka qaybgasho shirweynaha QM, hase yeeshee, madashaan waxay kaga duwan tahay kuwii ka horreyay, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu la hortegay dunida – hoggaan ku raad joogta siyaasad xasilloon, hiigsanaysa horumar dhaqaale, u baahan taakuleyn amni iyo iskaashi caalami ah.
Shir sanadeedka waxaa dib loogu eegi doonaa yolalkii caalamiga ahaa ee la isku raacay 2015kii ee la xiriiray "Dibu xoojinta dadaallada wadajirka ah ee dabargoynta saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”
Kulanku wuxuu kusoo beegmay, xilli dunida walwal ka hayo xiisadaha ka ololsan Bariga Dhexe iyo midda fog, taas oo ay dheer tahay khilaafaadka kacsan ee Kashmir ee u dhaxaya India iyo Pakistan, burburka wadahadalada Mareykanka iyo Taliban, dhul balaarsiga Israa’iil, dagaalka lagu hoogay ee Yemen, iyo burburinta midnimada ummadda Soomaaliya.
Intaas waxaa dheer, in Maraykanka
iyo Shiinahu isku hayaan dagaal ganacsi oo saameyn ku yeeshay dunida inteeda
kale, halka dalka Ingiriisku uu la jahawareersan yahay Brexit. Haddana, qof
kasta wuxuu ka hadlayay wax ka qabadka cimilada marka laga reebo Washington.
Dhanka kale, goobta waxaa ka socoto diblomaasiyad fara badan. Dadka qaarkii ayaa ka walwalsanaa habka wafdiga Kenya iyo kan Soomaaliya, oo in muddo ah wajigabax dhexyaalay, ay u kulmi doonaan. Hase yeeshee, arrintaas waxaa fududeyay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdifataax Al Siisi, oo haatan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Madax badan ayaa ku dadaalaysa sidii ay u meelmari lahaayeen ajendayaashooda, inkastoo shirka laga sugayo xoojinta siyaasad fursad shaqo u abuurto dhalliny arada, xalliso colaadaha iyo khilaafaadka halista ah ee caalamka, kobciso dhaqaa laha, ilaaliso xuquuqda aadanaha, midey sana dadaallada lagu wajahayo dhimista saboolnimada.
Shirkii saddex geesoodka ahaa ee September 24, 2019 uu qaban qaabiyay Madaxweyne Cabdifataax Al Siisi ee dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa is faham leh ku dhamma aday.
Hase yeeshee, tuhun wuxuu ka dhashay qoraal ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya, Marwo Monica Juma soo dhigtay barteeda twitterka oo ay ku tiri "Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rume ysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wadaxaajoodyadu ay yihiin hab ka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan;” (VOA – September 26, 2019).
Walow la saadaalinayey in Kenya, oo ka ashanaysa madaxda dalalka Koonfur Afrika, ay duulaan dibloomaasiyad ku soo qaadi doonto Soomaaliya, si loo oggola ysiiyo inay dib uga soo laabto dacwada, haddana Wasiirka Arrimaha Dibedda Mud ane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay idaacadda VOAda ayaa sheegay in dowla dda Kenya ay soo weydiisatay Mudane AlSiisi inuu la kulansiiyo Soomaaliya.
Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda gobolka ayaa aaminsan "in ujeeddada Kenya heshiiska ka leedahay ay tahay, (1) inay tusto maxkamada ICJ sawir qaldan, (2) in Soomaaliya aysan weydiisan Golaha Ammanka QM in laga qaado ciidamada Kenya mas’uuliyadda nabad ilaalinta dalka, iyo (3) inaysan lumin maareynta Jubbooyinka si danaheeda ugu ilaalsato.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo qorshahaas ka duulaya ayaa madaxda iskugu timid shirweynaha QM u sheegay inuu dadaal lixaad leh ugu jiro sidii muranka xuduudda badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wadahadal. Khubarada siyaasadda Ge eska Afrika gorfeeya ayay u muuqata in Kenya ay lug u laaban tahay.
Warar xog’ogaal ah ayaa sheegay, in Kenya la soo xiriirtay Madaxtooyadda Soomaaliya si toos ah inta aysan soo helin Mudane AlSiisi, balse Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo la taliyeyaashiisu waxay diideen in Kenya ay la yeeshaan wadahal toos ah, ilaa ay ka oggolaato in garta maxkamadda ICJ loo daayo.
Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mudane Uhuru Kenyatta kaga dambeyay khudbad ayaa yiri "Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka” (Sonna – September 27, 2019).
Diblomaasiyaddu ma aha hawl ku kooban dowladkadawlad, hoggaamiyayaasha iyo danjireyaasha waxay leeyihiin door muhiim. Waxaan laga maarmaarmaan ah in had iyo jeer heegan loo yahay la kulanka cid aad dan ka leedahay iyo mid aadan ka lahaynba.
Sida muuqata, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo bedelay khudbadiisii asalka ahayd, waxuu isticmaalay istrateejiyad uu ku muujinayo xaqiiqda diblumaasiyadda Uhuru Kenyatta la daba joogo Soomaaliya, markii uu caalamka tusay inuu ka been sheegay is fahamkii New York.
Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka, waxay rumaysan yihiin in madaxda Kenya sii wadi doonaan dadaalkoodda ku aadan inay Soomaaliya ku qanciyaan in kiiska badda lagu xalliyo maxkamadda la’aan. Balse, Kenya waxaysan weli ma fahmin dhaqanka iyo dareenka dadka Sooma aliyeed, marka ay timaado wadaniyadda.
War iyo dhammaantiis, inta cududda Sooma ali ay qaybsan tahay, waxaa shaki ku jirin in shisheeyaha uu hunguriyayn doono dalka (bad iyo beri). Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanysa "Walaalo Colloobay, Waraabe Iskama Celshaan.”
W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
HALKAAN KA KAHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEW2S PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA SEBTEMBAR 2019-KA
XOGHAYE MIKE POMPEO OO CADAADIS LA GU SAARAYO IN UU SOO BANDHIGO SIRTA TRUMP Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa amar ku siiyey Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo in uu soo gudb iyo qoraallo la xiriira heshiisyo uu Madax weyne Trump