Dowladdaha Soomaaliya iyo Oman oo isku afgartay in leysku furo duulimaadyada labada wadan

0
Friday September 27, 2019 - 21:08:41 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladdaha Soomaaliya iyo Oman oo isku afgartay in leysku furo duulimaadyada labada wadan

    Labada dowladood Soomaaliya iyo Omaan ayaa isku afgartay heshiis ku saabsan in labada dal isku furaan duulimaadyadooda, islamarkaana la hormariyo duulimaadyada rayidka ee labada dowladood. newsinisdeMaxamed Salaad Oomaar Wasiirka a Gaadiidka iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada dowladood Soomaaliya iyo Omaan ayaa isku afgartay heshiis ku saabsan in labada dal isku furaan duulimaadyadooda, islamarkaana la hormariyo duulimaadyada rayidka ee labada dowladood. newsinisdeMaxamed Salaad Oomaar Wasiirka a Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaaladda Monterial ee dalka Canada oo uu ka socdo shir ay ka qeyb galayaan 193-da dal ee xubnaha ka ah ICAO waxaa uu kula kulmay dhiggiisa dalka Omaan, iyaga oo ka wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii la isugu furi lahaa diyaaradaha labada dal. "Shir laba geesood ah oo aan la yeelanay saldanadda Omaan ayaan ku heshiinayin la isu furo diyaaradaha labada waddan la iskana kaashado horumarinta duulista rayidka labada waddan ayuu yiri"Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya Oomaar. Wasiirka ayaa intaa ku daray in kulan looga arrinsanayo heshiiskan hor dhaca ah uu ka dhici doono dalka Omaan Bisha October ee sanadkaan 2019 si loo dhameystiro heshiiska. Soomaaliya ayaa horay waxaa ay heshiis dhinaca duulimaadyada rayidka ah la gashay wadamo badan oo isugu jira African iyo kuwo kale,waxaana ka mid ah Uganda, Itoobiya iyo Turkiga, kuwaas oo diyaaradahooda ay si toos ah u yimaadaan magaalada Muqdisho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip