
Ciidamada Jubbaland oo Fashiliyay Weerar lagu Qaarijin lahaa Wasiirka Arrimaha Bulshada JL
Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ayaa Qadar kooban hawada laga saaray intii howlgalku socdayay ciidamadu qaraxa uga furayeen gaariga wasiirka.
Macalim Maxamed Ibraahim Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Waxbarashada Jubaland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Qaraxa gaarigiisa lagu xiray ay ka danbeeyso Kooxda Al-shabaab, isagoo xusay in arimahaani oo kale aysan hakin doonin dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
"Qolada gaariga qaraxa ku xirtay qolo aan garaneeyno oo aan soo dhaweeysaneeyno ayay ahaayeen, qof meesha iska fadhiyo ama wax ku cunayo ayaa la iska dhigay gaarigaa hoosta looga xiray, waana lagu dhajiyay," ayuu wasiirku yiri isagoo xusay in gaarigu qaraxa lagu xiray uu yaallay gurigiisa.
Ninka Qaraxa ka dambeeyay ayaa la sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen; isagoo teleefoon kula hadlayay Kooxihii uu kala Shaqeynayay Qorshaha la doonayay in Wasiirka lagu Qaarijiyo.
Arrintan ayaa ku soo beegmeeysa Xilli kooxda Al-shabaab ay ku goodisay in ay Kordhin Doonto Weerarrada ay ku Qaadayaan Xarumaha Dowliga ah iyo Madaxda dalka ee ay ka fuliyaan Soomaaliya.


0 



Ciidamada Jubbaland oo Fashiliyay Weerar lagu Qaarijin lahaa Wasiirka Arrimaha Bulshada JL
Qaraxan oo la doonayay in lagu qaarijiyo wasiirka Arimaha bulshada iyo Waxbarashada Jubaland Macalim Max'ed Ibraahim ayaa loogu xiray gaadiid uu lahaa Wasiirka, Xilli Wasirku isu Diyaarinayay soo Dhaweynta Madaxweynaha Jubaland oo shalay gelinki