Kenya Oo War Kasoo Saartay Kulankii Madaxweyneyaasha Somalia Iyo Kenya

0
Wednesday September 25, 2019 - 18:46:33 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo War Kasoo Saartay Kulankii Madaxweyneyaasha Somalia Iyo Kenya

    Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa kulan uu qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ku yeeshay Madaxweyneyaasha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kenya Mudane Uhur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa kulan uu qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ku yeeshay Madaxweyneyaasha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Uhuru Kenyatta,iyadoo soo dhaweysay kulankaas ka dhacay Magaalada New York. War qoraal oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ee Monica Juma ayaa waxaa lagu shaaciyay in Wadahadallo saddex geesood ah ay yeesheen Farmaajo Uhuru Kenyatta,isla markaana soo dhaweysay tallaabadaas. Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray."Kenya waxay soo dhoweyneysaa kulankii uigu horeeyay oo ah tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaday Kenya waxay mar waliba rumeysan tahay, siina wadi doontaainay ku baaqo wadahadalka inuu yahy sida ugu haboon ee dhibaatooyinka Afrika xal loogu heli karo xal afrikaan ah."ayaa lagu yiri Warka Monica Juma. Waxaa kale oo xusid mudan, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go'aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip