Waxaa uu sheegay in aanay ka xishooneyn kuwa geystay falkan, isagoo xusay in Turkiga xaq u leeyihiin inuu is difaaco waqti kasta iyo goob kasta.
Illaa 28 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka Xarunta Baarlamaanka iyo xarumaha Milateriga.
Qaraxa ayaa yimid, xilli gawaari basas ah oo ay la socdeen shaqaalaha Milateriga, waxaana la sheegay in dadka ugu badan ee waxyeelada gaartay ay u badnaayeen dad rayid ah.
Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay qaraxaas, hase ahaatee saraakiil ka tirsan Turkiga ayaa durbaba weerarkan u saarinaya Kooxaha PKK ama Daacish midkood.



0 



Madaxweynaha Turkiga oo baajiyay safar uu ku tagi lahaa Azerbaijan, kadib Qaraxii Ankara
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa baajiyay booqasho qorsheysan oo uu maanta oo Khamiis ah ku tagi lahaa dalka Azerbaijan, kadib qarax xoogan oo xalay fiidkii ka dhacay bartamaha Caasimada Magaalada Ankara.