Madaxweynaha hada haya talada dalka Uganda Yoweri Museveni oo 30 sano haayay Madaxtinimada dalkaasi, ayaa weli doonaya in uu tartamo oo uu ku guuleysto mar kale hogaanka dalkaasi.
Laakiin Yoweri Museveni waxa uu loolan adag oo tartan ah kala kulmaya ninka ugu cadcad mucaaradka ee Kizza Besigye iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Amama Mbabazi.
Shacabka dalka Uganda ee codadkooda maanta bixinaya ayaa sidoo kale dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka iyo hogaamiyayaasha maxaliga ah.
Goobo kala duwan ayaa la dhigay Sanaadiiqda codbixinta, waxaana halkaasi lagu arkayaa shacab u taagan inay dhiibtaan codadkooda.
Ciidamo badan ayaa la dhigay goobaha codbixinta Doorashada ay ka dhaceyso oo amniga si weyn ayaa loo adkeeyay.



0 



Shacabka dalka Uganda oo saaka u dareeray codbixinta Doorashada Madaxtinimada dalkaasi
Shacabka reer Uganda, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay u dareerayaan Doorashada guud ee dalkaasi oo ay ku so dooranayaan Madaxweynaha talada haynaya Shanta Sano ee soo socota.