Jarmalka oo muddo kordhin u sameeyay Saraakiil ciidan oo Somaliya ka jooga

0
Thursday February 18, 2016 - 11:02:15 in Wararka by
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka oo muddo kordhin u sameeyay Saraakiil ciidan oo Somaliya ka jooga

    Dowladda Jarmalka, ayaa waxa ay muddo kordhin u sameysay Saraakiil ciidan oo kaga sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qayb qaata tababarada ciidanka Dowladda lagu siiyo gudaha dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Jarmalka, ayaa waxa ay muddo kordhin u sameysay Saraakiil ciidan oo kaga sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qayb qaata tababarada ciidanka Dowladda lagu siiyo gudaha dalka.

Golaha Wasiirada dalkaasi, ayaa kulan ay isugu yimaadeen, waxa ay ku ansixiyeen in muddo sanad ah Saraakiisha ciidan ay sii joogi karaan gudaha Somaliya, si ay uga qayb qaataan howsha ay Somaliya u joogaan.

Hada Jarmalka Somaliya, waxaa ka jooga 9 Saraakiil ciidan oo tababaro bixiya, muddo sanad ah ayaana loo sii ogolaaday inay ka howlgeli karaan gudaha dalka Somaliya.

Baarlamaanka Jarmalkaayaa u ogolaanaya ciidamada Jarmalkain tiro ku eeg ilaa 20 Askari ay ka joogi karaan Soomaaliya.

Saraakiisha ka socda dalka Jarmalka ee Somaliya ku sugan, ayaa bixiya Tababarada Midowga Yurub ay siiyaan ciidamada Xooga dalka Somaliya, tababaradaasi oo kolkii hore lagu bixin jiray dalka Uganda, balse hada Somaliya loo soo wareejiyay.

Dalka Somaliya waxaa ku sugan Saraakiil ciidan oo badan oo ka kala socda Dowladaha, UK, USA Imaaraadka Carabta, Talyaaniga Faransiiska iyo Dowlado kale oo badan, kuwaasi oo tallooyin kala duwan ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee gudaha dalka Somaliya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip