300 oo Qoys oo ka barakacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, xilli ay ka cabsanayaan Shabaab iyo Ciidanka Kenya inay ku dul dagaalamaan

0
Monday September 28, 2015 - 10:59:59 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    300 oo Qoys oo ka barakacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, xilli ay ka cabsanayaan Shabaab iyo Ciidanka Kenya inay ku dul dagaalamaan

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya Qoysas gaaraya 300 oo Qoys ayaa ka barakacay deegaanka Likooley oo ka tirsan Gobolkaasi, halkaasi oo dhowr mar ay ku dagaalameen Shabaab iyo ciidamada Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya Qoysas gaaraya 300 oo Qoys ayaa ka barakacay deegaanka Likooley oo ka tirsan Gobolkaasi, halkaasi oo dhowr mar ay ku dagaalameen Shabaab iyo ciidamada Kenya. Qoysaskaan ka barakacay deegaanka Likooley ayaa sababta ay u barakaceen waxa ay tahay in deegaankaasi dhowr mar dagaal uu ku dhexmaray Shabaab iyo ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, waxaana halkaasi Khasaaro ku soo gaaray dadka Shacabka ah.

300 oo Qoys ayaa ka cararay deegaankaasi kuwaasi oo aaday dhanka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo si ay uga nabad galaan dagaalada Shabaabka iyo ciidanka Kenya.

Nin ka mid ah dadka deegaanka Likooley, oo lagu magacaabo Maxamed Nuur, ayaa u sheegay Warbaahinta inay isaga carareen deegaanka iyaga oo raadsanaya dhul nabad ah, maadaama ciidamada Kenya kolka ay soo maraan deegaanka Shabaab ay soo weeraraan, xilli uu sheegay Shabaabka inay ku sugan yihiin meel aanan ka fogeyn Likooley.

"Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Kenya ayaa halkaan soo mara, Al-shabaabna nagama dheera, jidka ayeey u galaan, maalin walba dagaal ayaa dhaca, dhibaatada ugu badanna shacabka ayeey soo gaartaa.” Ayuu yiri Maxamed Nuur.

Deegaanka Likooley ee Gobolka Gedo, waxa ay 80-KM u jirtaa Magaalada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo.

Shabaab ayaa dhowr mar dagaal culus waxa ay ku qaadeen ciidamada Kenya ee Gobolka Gedo ku sugan, gaar ahaan dagaalada culus waxa ay ka dhaceen Bishan gudaheeda deegaanka Likooley.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip