Waa kuma musharaxa uu Farmaajo ka keenay USA ee loo rabo GALMUDUG?

0
Saturday September 07, 2019 - 18:19:28 in Wararka by
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma musharaxa uu Farmaajo ka keenay USA ee loo rabo GALMUDUG?

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isulwasaare Kheyre ayaa ku kala aragti duwanaaday cidda ay dowladda u sharaxaneyso Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Galmudug. Ra'siulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isulwasaare Kheyre ayaa ku kala aragti duwanaaday cidda ay dowladda u sharaxaneyso Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Galmudug. Ra'siulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isaga wato Wasiir Qoor Qoor oo deegaan ahaan kasoo jeedo Cadaado, wuxuuna qabaa in Beesha Saleebaan la siiyo Xilka maadaama laga soo wareejiyey Caasimadda. Balse sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Mareykanka ka wacay musharax uu doonayo inay dowladda u sharaxato Doorashada Galmudug. Musharaxa uu Farmaajo kasoo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Dheere, waxayna muddo saaxiibo ahaayeen Madaxweyne Farmaajo. Cabdi Dheere ayaa kasoo jeedo Beesha Sacad, gaar ahaan lafta Reer Jalaf, waxaana la filayaa inuu dhawaan ku dhawaaqo musharaxnimadiisa. Waxaa durba bilowday loolan adag oo u dhaxeeyo Ra'isulwasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku aadan cidda noqoneyso musharaxa Dowladda ee Galmudug. Doorashada ka dhaceyso Galmudug ayaa noqon doonto mid aad u adag oo aan la saadaalin karin maadaama ay ku tartamayaan mucaaradka iyo Dowladda, sidoo kalana waxaa jiro loolan gudaha Dowladda ah.

Image result for farmaajo

Caasimada Online



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip