
Salaad Cali Jeelle : "Ciidamada AMISOM waxay guteen Waajibkoodii ahaa inay Shabaab ka saaraan Goobaha ay gacanta ku hayaan.."
Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo horay u soo qabtay jagada Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Meelaha ay ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ka mid ah Dalka.
Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay guteen Waajibkoodii ahaa inay Shabaab ka saaraan Goobaha ay gacanta ku hayaan islamarkaana Dowladda Federaalka ay Dayacday in Gacanta lagu haayo Degaanadii Shabaab laga qabtay.
Guddoomiye Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaasi ay dhabar jab ku tahay ujeedadii laga lahaa in Shabaab laga saaro Guud ahaan Goobaha wali gacantooda ku jira.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa iskaga baxay Goobo Muhiim ah oo horay Al-Shabaab looga qabsaday dhib weyna laga soo maray qabsashada goobahaasi la dayacay.


0 



Salaad Cali Jeelle : "Ciidamada AMISOM waxay guteen Waajibkoodii ahaa inay Shabaab ka saaraan Goobaha ay gacanta ku hayaan.."
Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo horay u soo qabtay jagada Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Meelaha ay ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya e